{"id":1671,"date":"2019-05-02T07:39:09","date_gmt":"2019-05-02T07:39:09","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=1671"},"modified":"2019-05-02T07:39:09","modified_gmt":"2019-05-02T07:39:09","slug":"iftiimin-kooban-oo-ku-saabsan-sheekada-maana-faay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/iftiimin-kooban-oo-ku-saabsan-sheekada-maana-faay\/","title":{"rendered":"IFTIIMIN KOOBAN OO KU SAABSAN SHEEKADA MAANA-FAAY"},"content":{"rendered":"<p>Qisada Maanafaay waa hormuudka sheekooyinka ku qoran afka hooyo illaa teeriyo maantadan aynu joogno. Qiso waa erey u gaar ah magac-tusmeynta sheekada dheer ee faneed. Maanafaay waa qisadii ugu faafida badneyd uguna caansan sheekooyinka Soomaaliyeed. Qisada Maanafaay waa sheeko faneed casriya oo dhumuc weyn. Dhumucdeeduna dhinacyo badan tahay. Waana tan keentey teeriyo maantadan oo ay afartan jirsatey in isku si loo xiiseeyo oo aan laga dhergin akhriskeeda.<\/p>\n<p>Maanafaay uma qorra, habka fudud ee loo weriyo sheekooyinka <strong>hiddaha<\/strong> ama dhacdooyinka <strong>taariikhda<\/strong>. Waa sawiro qofka loo hordhigayo sida filimada. Habka ay u dhisan tahay waa <strong>seynsaab<\/strong> isu wada suran hab doqon magarata ah. Toos fudud uma <strong>dulundulceyneyso<\/strong> sida daadka. Waa <strong>guulaamo<\/strong> socotaa sida mowjada badda. Adigoo mowjad dhex mushaaxayey ayaad ku war helaysaa mowjad kale, oo intey tii hore ka hoos dhalatey kula baaxadegeysa. Waana habka loo qoro sheekooyinka casriga ah.<\/p>\n<p><strong>Sheeka qorida<\/strong> <strong>casriga ah<\/strong>: Waa fan nagu cusub welina aan tabarreysan oo teeriyo maantadan lala kufaa kacayo. Sidaa awgeeda, waa lagama maarmaan in dadka loo micneeyo oo la baro sheeko faneeda casriga ah waxay tahay. Lana taabsiiyo tusaalooyin ku habboon oo looga tilmaan qaato.<\/p>\n<p><strong>Qaabdhismeedka<\/strong> qisada Maanafaay afarta arrimoodee saldhig u ah silsiladeynteeda dhigaaleed. Sheeko kastana looga baahan yahay. \u00a0Waxay kala yihiin: <strong>Mileyga, Meesha, Mowduuca iyo Hadalbiyaasha.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Mileyga.<\/strong><\/p>\n<p>Mileyga ama waqtiga qisadu sawirreyso, sheekadana la qorey waa dhammaadka 70nada iyo bilowgii siddeetannada.<\/p>\n<p><strong>Meesha ay ka dhaceyso.<\/strong><\/p>\n<p>Meesha ay qisadu ka dhaceysaa waa <strong>Xamar<\/strong> oo joogta abbaara <strong>1979-80kii.<\/strong> Xilligaasoo Magaalinnimada Muqdisho mareysey meeshii ugu sarreysey ee ay mar gaadhey, kaddibse nasiibdarro laga soo ridey.<\/p>\n<p><strong>Maanafaay:<\/strong> Waxay na hor keeneysaa sawirka Muqdishadii hore. Waxay dadka xusuusineysaa, da\u2019da cusubna bareysaa. Sidii ay u ekaan jirtey Soomaaliyadii burburtey. Xilliga ay qormeyso qisada Maanafaay waxaa heeggada sare marayey hawada dadka, hiyi-raaca lacagta iyo u halliilka raaxeysi waalli ah. ka daba orodka arrimahan waxaa ka dhashey in lagu qammaamo xumihii reebbanaan jirey. Waxaa la banneystey wax kastoo halis ku ah dalka, diinta iyo dadnimada qofka. Waxaa si xun u faafey fasahaad aan loo kala harin rag iyo dumar, dhallinyaro iyo waayeel, madax iyo majo. Fasahaadkaas waxaa horseed ka ahaa madaxdii laga sugaayey iney dadka ku hagaan dowga toosan.<\/p>\n<p><strong>Dulucda qisadu<\/strong>: Waa qayla-dhaan ka digaysa cawaaqib-xumada ka soo socota xuma-falkaas ku socdey bulshada xilliga ay qormeyso sheekadu, welina ku sii socda, xawliga <strong>la-yaabka<\/strong> leh. Maanafaay waxay dibadda soo dhigaysaa dacartii la beerayey dadkana badi ka daahnayd. Waxay farta ku fiiqaysaa hab-dhaqannada kharriban ee halista ku ah horumarkii loo baahnaa. Hab-dhaqannada sheekadu ka digayso waxay u kala qaybsamaan afar nooc:<\/p>\n<p><strong>Nooca koowaad<\/strong>: Waa xuma-falkii ka jirey xagga siyaasadda iyo maamulka dalka. Waxaa hormuud ka ahaa hoggaamiyeyaashii dalka. Waa qolada uu matalayo maareeye Jaamac Dhagey iyo odayada saaxiibbadiis ah ee aad sheekada ku arki dootaan. Hantidii ummadda iyo hoggaankii gacantooda ku jirey ayay u adeegsanayeen marin-habaabinta da\u2019da cusub iyo u horseedka halaag ba\u2019an. Sheekadu waxay ka digaysey burburka iyo cawaaqib-xumada soo fool leh haddii sidaa lagu sii socdo, waana tii dhacday, markii digniintaas dhegaha laga furaystay.<\/p>\n<p><strong>Qolada labaad<\/strong> ee sheekkadu la doodaysaa, waa dadka weli maskaxdoodu ku qufulan tahay dhaqanno gaboobay oo carqalad ku ah horumarka iyo dhisidda bulsho casri ah. Dhaqammadaas waxaa ka mid ah qabyaaladda iyo ku-xadgudubka xuquuqda dumarka. Waxaa kaloo ka mid ah amar-ku-taaglaynta aabbayaashu ka badbadiyaan muquuninta ubadkooda. Waxaa tusaale u ah guurka khasabka ah.<\/p>\n<p><strong>Qaybta saddexaad<\/strong>, Waa dhaqanno Soomaalida ku cusub oo ay dhawaan la soo baxeen magaala-galeenku. Waa aafo-sidayaal ilbaxnimo la moodo, ama is-maaweelin laga doono. Waxaa ka mid ah isticmaalka maan-dooriyeyaal uu ugu daran yahay qaadku. Sababta uu ugu daran yahay waa asagoo udub-dhexaad u ah aafooyin is-huwan oo midiba mid u horseeddo, sida khamriga, xashiishadda, iyo sinada ama gogol-dhaafka. Waa aafooyin halis ku ah caafimaadka bulshada, dhismaha qoyska, iyo mustaqbalka qofkaba. Sida sheekadu muujin doonto, waxaa xilliyadaas soo if-baxay dumar badan oo guryo lagu geerasheeyo u furta isu-geynta ragga iyo dumarka.<\/p>\n<p><strong>Nooca afraad<\/strong> ee sheekadu ka digayso, waa hab-dhaqanno qayb ka ah dabciga aadmiga, meel uu joogaba. Waa hadimmooyin ay had iyo jeer haaraamaan hal-abuurka dunidu. Waxaa ka mid ah: beenta, munaafaqnimada, laba-wajiilaynta, xasadka, anaaniyadda ama naf-jeclaysiga, hardanka ama yooyootanka ragga iyo dumarka, is-afgaran-waaga waayeelka iyo dhallinyarada, loollanka hidde-raaca iyo casriyaynta, ama is-diidka wixii hore iyo waxa cusub, iyo xataa doodda qofka iyo naftiisa. Faraqa u dhexeeya Waxa qofku iskula hadlo iyo waxa uu dadka tuso ama maqashiiyo ayay Maana-faay dibadda soo dhigaysaa ama ka bixinaysaa sawir aan looga baran sheekooyinka ilaa imminka lagu qoray Af-Soomaaliga.<\/p>\n<p><strong>Dhanka Samaha<\/strong>, Sawirrada sheekada\u00a0 sida weyn uga dhex muuqda waxaa ka mid ah; <strong>Caaddifadda jacaylka<\/strong>. Waxay si aad u qota dheer qisadani u sawiraysaa dareenka iyo dad-la-dhaqanka qofka ay asiibtay eebada jacaylka dhabta ah: Xanuunka macaan, xiisaha waalan, xis-gaddoonka silloon, naf-hurka xad-dhaafka ah, ka-dhegala\u2019aanta waanada, dhiirranaanta jar-iska-tuurka ah, iyo dhul-gariirka ku dhaca guud ahaanba nolosha ruuxa da\u2019da yaree ay dafto dabayl caashaq.<\/p>\n<p>Waxay na taabsiin doontaa dhinacyada suubban ee dhaqanka qoyska Soomaaliyeed. Waxay dhinacyo naga tusi doontaa dhumucda faca weyn ee dhaqanka Banaadiriga. <strong>Waxay<\/strong> na hoga-tusaalayn doontaa hab-dhaqankii ay isaga dayan jireen dhallintii berigaas iyo himilooyinkii ay lahaayeen ee badi lagu hungoobay. Intaas iyo in ka badan oo isku wada saynsaaban ayay sawir ahaan noo hor keeni doontaa qisada Maana-faay<strong>.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Sawirradaasi: <\/strong>ay sheekadu na horkeeneyso. Si ay dadka ugu duxaan, laabtoodana u doojiyaan, sheekadu waxay adeegsanaysaa farsamooyin ugub ah iyo aalado fan ah. Waxaa ka mid ah: <strong>Murti, maahmaah, sarbeeb, duurxul, kajan, af-maldahyo, iyo afshaxanno fara badan<\/strong> ahna kuwa caada ahaan lagu qurxiyo gabayga ama maansada, sida: <strong>Xaraf-raaca iyo hummaagyada ama sawir-afeedka<\/strong>. Waxay kaloo adeegsanaysaa Af-Soomaali la isku hawlay in aad loo xulo, aad loo xardho, aadna loo koobkoobo.<\/p>\n<p><strong>Shakhsiyaadka<\/strong> sheekadu ku socoto. Marba kii hadlayaa wuxuu ku hadlayaa afka lagu yaqaan dadka noociisa ah ama nooceeda ah. Tusaale ahaan Maana-fay iyo xubnaha kale ee qoyskeedu waxay ku hadlayaan lahjadda Reer Xamarka; Kulmiye wuxuu ku hadlayaa afka dhallinyarada magaala-joogga ah; Jaamac-Dhegey wuxuu ku hadlayaa afka waayeelka miyiga ku hadal bartay; halka Cumarey oo ah wiil yar uu ku hadlayo afka carruurta Xamar ku dhalatay; sheeko-tabiyaha guudna wuxuu adeegsanayaa afka dhexe ee reer-magaalka, siiba kii ay ku hadli jireen dhallinyardii berigaas Muqdisho ku noolayd, maadaama uu qoraaga sheekada qudhiisu qoladaas ka mid ahaa.<\/p>\n<p>Farsamooyinkaas casriga ah iyo fikradahaas taabanaya dadka meesha bugta ee qoontu kaga taal ayaa ka dhigey Maana-faay iney noqoto. Sheekadii ugu xiisaha badnayd abid taariikhda, ugu caansanayd, uguna faafidda badnayd sheekooyinka ilaa imminka lagu qoray afka Soomaaliga. Waa sida ay ku tilmaameen xeeldheeraayaashii akhriyey wax badanna ka qoray qisada Maana-faay, aqoonyahannadaas oo ay ka mid ahaayeen, Professor Andrzejewski, Professor Cali Jimcaale, Professor Lidwien Kapteijns iyo qaar kaloo badan.<\/p>\n<p><strong>Jilayaasha Maanafaay:<\/strong> Tiirdhaxaadka u ah dadka ay qisadu ku socoto metalayaasheeda. Haddaan kuwooda ugu muhiimsan idiin iftiimiyo waxaa ka mid ah:<\/p>\n<p><strong>Maana-faay<\/strong>: Waa siddeed iyo toban jir dhigata dugsiga sare, ka dhalatay qoys Reer Xamar ah, aan rag xiriir la yeelan ka hor isbarashada dhex mari doonta Axmed Jaamac Dhagey.<\/p>\n<p><strong>Axmed Jaamac Dhagey:<\/strong> Waa injineer da\u2019 yar dhawaan ka soo qalin jabiyey jaamacad dibadda ah, jecel inuu helo gabar wanaagsan oo uu guursado, hase yeeshee ka aammin-baxsan gabdhaha maanta jira, ka dib markuu arkay sida ay u dhaqmayaan.<\/p>\n<p><strong>Jaamac-Dhagey<\/strong>: Waa Axmed aabbihi, waa lixdan-ku-dhawaad-jir, miyi ku soo koray, faqri badan iyo dhib badan soo maray, ugu dambayn ka mid noqday madaxda sare ee dowladda, lacag badan iyo nolol cusub dhex galay, hammigiisu yahay inuu dhakhso u taajiro, si waalanna u tunto, hase yeeshee xaaskiisa iyo carruurtiisa tusa waji kale, waji oday qoyskiisa daacad u ah, xishoodka iyo Alle-ka-cabsigana aad ugu dadaala.<\/p>\n<p><strong>Xaaji Muumin:<\/strong> Waa Maana-faay aabbeheed. Waa oday\u00a0 Reer Xamar ah, iskiis u shaqaysta ganacsade ahaan, ku dheggan dhaqankii hore\u00a0 ee Banaadiriga ama Reer Xamarka, aan aqbali karin carruurtiisu inay guursadaan dadka uu u yaqaan \u201cSoomaali\u201d ama \u201clama-goodle\u201d, micneheedu yahay laba-go\u2019le. Waa Soomaalida aan Reer Xamarka ahayn ee gobollada ka timi. Wuxuu u haystaa geel-jire waalan, dabci qallafsan, lala dhaqmi karin. Wuxuu aamminsan yahay ubadkiisa inuu isagu u xulo qofka ay is-guursanayaan, asagoon tix galin rabitaankooda. Waa inuu noqdaa qof ay xigto yihiin. Maana-faay wuxuu qorsheeyey inuu u guuriyo ina adeerkeed Iikar Aw Mukhtaar.<\/p>\n<p><strong>Beyddan Shabeel:<\/strong> Waa haweeney da\u2019-dhexaad ah, uu u furanyahay aqal lagu geerasheeyo, xirfaddeedu tahay isu geynta ragga iyo dumarka, dhallinyaranimadeedii ka mid ahayd dumarkii u soo halgamay gobanimadoonka, aad u niyad wanaagsanayd, dani badday inay jirkeeda iibiso, markii dowlad soomaaliyeed dhalatay loo diiday xuquuqdeedii, dhibaato badan la soo mariyey, ku dambeysey inay cid walba karahdo, wax kastoo xunna ku tallaabsato.<\/p>\n<p><strong>Kulmiye:<\/strong> Waa Axmed saaxiibki, nin dhallinyara ah, calooshi-la-ciyaar ah, shabeel-naagood ah, waqtigiisa oo dhan ku mashquula tumasho-raadiska, ugaarsiga iyo khiyaamaynta hablaha yaryar iyo balwadaha halista ah.<\/p>\n<p><strong>Hab-Bilowga Sheekada.<\/strong><\/p>\n<p>Waxaa cajiib ah qaab-bilowga sheekada. Waa hab soo jiidanaya akhridaha oo durba la falgalaya dareenka akhristaha. Markuu akhriyo tuduca ugu horeeya ku curinaya maankiisa is weyddiino farabadan oo aanu jawaabtooda heyn markaa. Haddaba aan isla eego awal-bilowga sheekada Maana-faay waxay ku bilaabaneysaa sidan:<\/p>\n<p><em>\u2018\u2019Iyadoon qofna salaamin, hareerahana eegin, bey qolkeedii halhaleel ugu gudubtey&#8230;.Sariirtey isku halgaaddey. Buugaagtii ay sidateyna koobadiinka dushiisey si naxariis la\u2019aan ku tuurtey&#8230;Qaar baa dhulkii ku daatey&#8230; Weligoodba ha daateen!&#8230;.Yaa u jixinjixaaya!&#8230;.. Yaa urursanaaya&#8230;..! addimadeedii baabey uruurin la\u2019dahay&#8230;..! Waa taas labadeedii lugood mid sariirta ku dul xoortey iyadoo kabteedii wadata&#8230;. Tii kaloo kabtii iskeed uga dhacdeyna waxay ka lulataa sariirta qarkeeda\u2019\u2019&#8230;&#8230;<\/em><\/p>\n<p>Weerahaa ay bilaabaneyso sheekadu waxaa innooga muuqanaya inuu yahay hadal socdey oo dhexda laga soo qabtey. Taasna waxaa innooga marag kacaya maqnaanta xog loo baahnaa inuu ogaado akhristaha sida: \u00a0Iyadu yey tahay? Maxaa ku dhacey waa yaabe? Maxay la murugeysan tahay? Yaa badey kurbada intaa la\u2019eg ee gayeysiisey heer ay salaami weydo waalidkeeda? Iyo su\u2019aallo kaloo ka sii badan ayuu is weyddiin karaa akhristaha. Taasoo akhristaha ku qasbeysa in aanu joogin sheekada akhriskeeda illaa uu ka gungaaro su\u2019aallahaa jawaabtooda. Hab-bilowga ceynkaan ah waxaa la yiraahdaa: <strong>\u2018\u2019dhex ka bilow.\u2019\u2019<\/strong> Waana mid ka mid ah: hababka ka duwane loo bilaabo sheeko faneeda casriga ah. Waa habka ugu habboon, uguna saameynta badan ee loo bilaabo qisada.<\/p>\n<p>Bilowgeeda dhabta ah qisada Maana-faay waxay ku bilaabaneysaa qaab maan ka hadal ah oo ay gocaneyso Maana xusuustooda: Oo uu sheeka tebiyuhu isku barbardhigayo is beddelka ku dhacey Maana tabaalaha nafteeda. Xaaladii murugee ay markaa ku sugneyd tahli waageeda iyo sidii ay beri ahaan jirtey ayaamaheedii wacnaa xusuusta tagtadooda. Haddaba bilowgeeda dhabta ah haddaan sii iftiimiyo: Waa marka uu sheeka tebiyuhu leeyahay:<\/p>\n<p><em>\u2018\u2019Bal isu fiiri, saaka iyo subaxdii sidii dheemanta iyadoo u hillaaceysa taagneyd shineema Xamar horteeda. Subaxaasi taariikhda Maana-Faay meel weyn bey ka gashey. Intey ifka saaran tahayna maskaxdeeda ka go\u2019i meyso. Markey inyar joogtaba wey ku soo dhacdaa. Waxaa horyimaada muuqaalkeedii ilqabadka lahaa ee hadba gaari is taagayey iyana ka sii jeesaneysey. Waxay qabtey dharkii dugsiga, buugaagtana gacantey ku heysatey. Waxay sugeysey tagsi dugsigeeda u sii dhoweeya\u2019\u2019<\/em>.<\/p>\n<p>Dhan kale dhex ka bilowga qisadu ku bilaabaneyso, Wuxuu sheekada kaga xirmayaa taxanaheeda silsiladeed xubinta 7ad. Marka la gaaro ayuuu dib u soo celinayaa mar\u00a0 kale qoruhu halkii uu ka bilaabey xubinta 1aad. Si uu u saleeyo xiriirsanka sheekada seynsaabka taxanaha dhacdooyinkeeda. Tusaale ahaan xubinta 7ad ee sheekadu waxay ku bilaabeysaa <em>\u2018\u2019Iyadoon qofna salaamin, hareerahana eegin bey qolkeedii halhaleel ugu gudubtey&#8230;.\u2019\u2019 <\/em>Halkaaseyna isaga xirmeysaa sheekadu taxanaheeda silsiladeed.<\/p>\n<p><strong>Sifeynta Dhacdooyinka ku Xeeran Sheekada.<\/strong><\/p>\n<p>Qisa waliba bilicsamida farshaxannimadeeda waxaa dhumuc cusleeya hadba heerka uu gaarsiisan yahay sifeynta dhacdooyinka ku xeeran sheekada sawiridooda. Qisa waliba qisada kale intey ka sifeyn qurxoon tahay ayey ka taya iyo dhumuc weyn tahay heemaalka fannimadeeda tiraabeed. Maana-faay sifeynta taxanaha dhacdooyinkeeda silsiladeed waa qisada illaa iyo hadda ugu sifeyn qurxoon. Mid soo dhaweysa daayoo aaney jirin mid la garab dhigo. Waa sifeyn heerkeedu sareeyo oo qof waliba la ashqaraaro bilicsamida heemaalkeeda. Waa sifeyn ku dhisan hibo halabuurnimo oo Rabbaaniya iyo xeeldheeraan aqooneed, oo aaney cid waliba sidaa u sugi Karin. Haddaba si aan uga tilmaan qaadan farshaxnimada qisada Maana-faay bilicsamida sifeynta dhacdooyinkeeda faneed. Haddaan dhowr tusaale kala duwan oo kookooban ka soo qaato.<\/p>\n<p><strong>Sifeynta Aqal gudihiisa<\/strong><\/p>\n<p><em>\u2018\u2019Sahra Yuusuf guri bulukeeti ah oo afar qol ka kooban ayaa mid u kireysan yahay. Aad bey u nadiifisey una sharaxdey&#8230;. Geeska midig waxaa gidaarka cirifka ku heysa sariir foormiig ah oo si fiican u goglan, koomadiin sideeda u madow baa agyaal&#8230;. Harqad yar oo ay gacanteeda ku toshey baa ku fidsan&#8230;. Rikoor baa sii dul dulsaaran&#8230;. Cajalado badan baa dhinac raseysan&#8230; Dabaqiisa hoose waxaa saaran wargeys sheeko sawiran ah&#8230; Gasada waxaa ka soo jeeda armaajo gaaban oo iyana sariirta u eg&#8230;. Khaanadaheedu mid baa nus furan..dhar dumar baa ka soo jeeda&#8230;.. Harqad tii koomadiinka u eg kase weyn baa dul saaran&#8230;. Qasacado iyo dhalooyin yar yar baa kor safan&#8230; Gidaarka sawiro iyo farshaxan baa ku teedsan&#8230; Dhanka bidix waxaa fidsan salooto yar oo madow.. Waxay ka kooban tahay hal kursi oo laba qof ku filan iyo laba ka soo horjeeda, miis yarina u dhaxeeyo&#8230;..\u2019\u2019<\/em><\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><strong>Sifeynta Qof Socda Waxa ka Muuqda Hareerihiisa.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Tusaalaha 1aad.<\/strong><\/p>\n<p><em>\u2018\u2019Jid-caddaha guriga shaqaalaha ka sokeeya ayuu koru la weecdey&#8230; Dukaan macdaar ah iyo seddax albaab oo la safan buu dhaafey&#8230; Sara an midabkeedu muuqan oo wax laga guurey u eg buu agmarey&#8230; Guri dhinac cariish ka ah dhinacna dhagax ayaa bidixda ka qabatey&#8230; Wuu gudbey&#8230; Sar cad oo jaranjar afar tallaabo ah leh baa ka hor timid&#8230; Intuu jaranjartii afarta tallaabo ahey ku korey buu sarta iridkeedii garaacey&#8230;. Albaabkii buluuga ahaa waa la furey&#8230;..\u2019\u2019<\/em><\/p>\n<p><strong>Tusaale 2aad<\/strong><\/p>\n<p><em>\u2018\u2019Fatuuradii kuusneyd weli wey socotaa&#8230; Wuxu ma waalatey?! Xaggee bey ku socotaa&#8230;..!! yaa u sheega in beledkiiba in laga baxay&#8230;Aabooy aabooy beledkiiba waa laga baxay. Maana wey is celin weydey&#8230;.Horey bey u ruqaansatey&#8230;.\u2019\u2019<\/em><\/p>\n<p><strong>Sifeynta Amminnada Sheekada.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Tusaale 1aad.<\/strong><\/p>\n<p><em>\u2018\u2019Diiq baa dhawaaqey&#8230; Mid kalaa ka jiibiyey,, wadaad baa u marag furey&#8230;.Aamuskii madoobaa buu addin kala dhex kacey&#8230;Ka baxshaa ba\u2019ay&#8230; Alalaas baa afarta jaho is qabsadey&#8230;. Digaag aleegadaya&#8230; Wadaado addimaya&#8230; Dameero orinaya&#8230; Dhalaan ooyaya&#8230; Dumar aamusinaya&#8230;iwm. aawey dunidii daqiiqado ka hor shibta aheyd&#8230; Diiqii dhawaaqey baa denbigaas iska leh. Inta kale waa dameeri dhaan raacdey. Dawankaas iska dabadhacey dulucdiisa la garey&#8230; Waa sagootiskii habeenkii dheeraa&#8230; Soo dhaweynta waaberigii wax badan la sugaayey. Maalin taariikh leh baa madaxa keentey. Waa kala beyrkii u weynaa taariikhda nolosha M\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 aana-Faay&#8230;..\u2019\u2019<\/em><\/p>\n<p><strong>Haasaawaha Sheekada.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Tusaalaha 1aad<\/strong><\/p>\n<p>\u2018\u2019Iga ballanqaad inaad ka dhiganeysid gabadhaadii mustaqbalka\u2019\u2019.<\/p>\n<p>\u2018\u2019Waa kaa ballanqaadey haddeyan ku dhicin imtixaankeyga.\u2019\u2019<\/p>\n<p>\u2018\u2019Imtixaankaas waa in aan anigu kula saxaa, immisa maaddaad ku imtixaameysaa.\u2019\u2019<\/p>\n<p>\u2018\u2019Taasi waxay ka mid tahay sirta imtixaanka, ma bannaana in ardeyda loo sheego.\u2019\u2019<\/p>\n<p>\u2018\u2019Laakiinse anigu ma ahi qoftii la imtixaamayey.\u2019\u2019<\/p>\n<p>\u2018\u2019Ardeydaad ka mid tahay.\u2019\u2019<\/p>\n<p>\u2018\u2019Side uga mid ahay?\u2019\u2019<\/p>\n<p>\u2018\u2019Maadaama aad gabar tahay ma bannaana in laguu sheego sirta ragga\u2019\u2019.<\/p>\n<p>\u2018\u2019Nacalaa ku yaal, dhiig laawe! Walaashaa waa la socodsiiyaa sirta ragga, si ay uga digtoonaato shirqoolladooda.\u2019\u2019<\/p>\n<p>\u2018\u2019Cidna la socodsiin mayo sir laga yaabo in loo gudbiyo qofta aan khamaarka wada dheeleyno, walaashey waxaan la socodsiinayaa wixii aan danaheyga halis gelineyn.\u2019\u2019<\/p>\n<p>\u2018\u2019Sow ma ogid daneystennimadaasi in ay tahay midda lagu haaraamo imbiryaaliyadda.\u2019\u2019<\/p>\n<p>\u2018\u2019Raalli ahow Sahra, ha igula hadlin afkii siyaasiyiinta. Waan ogahay inaad aqoon siyaasadeed leedahaye, ha naga fogeyn arrintii aynu ka hadleyney. Ha i ilowsiin Maana-Faay caawa iyada uun baa ii darane; bil ixsaanak gacan igu sii, sidii aan ku heli lahaa, kaddibna daneyste iyo imbiriyaaliste igu magacow.\u2019\u2019<\/p>\n<p>Intey qosol yar ku dhufatey bey kaftankeedii sii wadatey ee tiri: \u2018\u2019Laakiin walaalle diyaar uma ahi in aan noqdo dabadhilifka imbiriyaaliistuhu u adeegsado dibindaabyeynta dadyowga&#8230;\u2019\u2019<\/p>\n<p><strong>Ekeynta Sheekada: <\/strong><\/p>\n<p><strong>Tusaalaha 1aad:<\/strong><\/p>\n<p>Aawey bilicdeedii indhuhu kala boobi jireen. Rag badan oo u soo beretamayeyna ku hungoobeen&#8230;. Waa taas il go\u2019daye abaarsatey. Sidii ubax gu\u2019 barwaaqo koriyey, kaddibse dabeyl xagaa dhirbaaxooyin naxariis la\u2019aaneed ku dhufatey&#8230;..<\/p>\n<p><strong>Tusaalaha 2ad<\/strong><\/p>\n<p>Sidii hal maqaar loo sido ama dayuurad garoon ciriiri ah ku soo degtey oo bartii ay qotonsan laheyd loo hagayo&#8230;<\/p>\n<p><strong>Tusaalaha 3aad.<\/strong><\/p>\n<p>\u2018\u2019Noloshu waa saxan macaan oo loogu talagaley iney laba qof cayaarto. Keligaa taango ma ciyaari kartaa! Haddii kale waa doonni ku dhex socota badweyn darbad xoog lihi ka dhaceyso. Doonnida keligaa wad haddaad is tiraahdidna baddu wey ku liqeysaa..\u2019\u2019<\/p>\n<p>\u2018\u2019Adeer dumarka hadda jooga, doonni ay kula wadaan daaye iyagaa darbad kugu noqonaya; doonnidana kula qalibaya. Markaad badda ku dhacdidna kaaga tegaya.\u2019\u2019<\/p>\n<p><strong>Tusaalaha 4aad<\/strong><\/p>\n<p>Maana waxay noqotey sidii qof aan dabaal aqoon oo intuu wish dhulka ka dafey doon badweyn kacsan dhex quudheyneysa aannan garaneyn meel loo wado goor doontu la jabi doonto ama xeeb geyn doonta&#8230;&#8230;<\/p>\n<p><strong>Sifeynta Xaalad qof ku Sugan yahay.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Tusaalaha 1aad.<\/strong><\/p>\n<p>Waa kaaf iyo kala dheeri Maana-Faaydaan madoobaatey ee murugo awgeeda maryihii iska beddeli weydey, iyo tii shan bilood ka hor meeshii ay soo gashaba muusikada farxaddu u yeerin jirtey. Dunidoo dhanna qosolka iyo quruxda ka buuxin jirtey.<\/p>\n<p><strong>Tus: 2ad<\/strong><\/p>\n<p>Maana-faay iyadu naxdintii runta aheyd bey naxdey&#8230;. Wiish baa samada uga yeerey. Intey kud isku tiri bey afarteedii addin soo urursatey, sidii diin Qatar dareemey&#8230;<\/p>\n<p><strong>Tus: 3aad<\/strong><\/p>\n<p>Allow qof aan wax ogeyn ha cadaabin, yaa u sheega in arrintu intaas ka khatarsan tahay. In ay la socodsiintaasi noqon laheyd gaashaanka qura ee ka badbaadin kara dhibaato weyn oo u soo dhakaneysa&#8230;<\/p>\n<p><strong>Tus: 4aad.<\/strong><\/p>\n<p>Cabsi hor leh baa ku dhalatey markey aragtey mugdiga ku meersan, madmadowga meel kasta muuqda. Gudcurka lagu soo dhuuntey. Geedka lagu soo dhuuntey, Gogosha dhulka la dhigey&#8230; Aadaa la aadaa! Cawada waa leys hayaa&#8230;. Sacab haddaan wax ku jirin maxaa loo habeenkii loo tumaa!!<\/p>\n<p><strong>Tus: 5aad<\/strong><\/p>\n<p>Ishii bugtaay ku bikaacso! Waa taa Maana-faay caawa ku gabbal dhacsatey gurigii gacaliyaheed. Ninkii hadlayaa ha hadlo. Af la buuraa ninkuu\u00a0 ku yaal buu dhibaa!<\/p>\n<p><strong>Adeegsiga Hadal Bilayaasha.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Tus:1aad.<\/strong><\/p>\n<p>Waxaan maqli jirey baadiyi nimaan laheyn bey ag joogtaa&#8230;<\/p>\n<p><strong>Tus: 2aad.<\/strong><\/p>\n<p>Waad khaldan tahay saaxiib.. Laf baad toobin ku heysaa&#8230; Haddaad raggannimada sidaas u fahamsan tahay&#8230;.<\/p>\n<p><strong>Tus: 3aad.<\/strong><\/p>\n<p>Waah waah waxaasaa jaceyl ah. Eeysh calaa cashqaan! ! illeyn ninku waa nin cishqi diloodey, wax dabiibtana waayey! ! hoheey jaceylow. Kii Qeys jicsintow. Cilmina waran ku jiidoow. Maxaad yarka nooga jiirtey&#8230;.<\/p>\n<p><strong>Dhumucda Weynida Ereyada.<\/strong><\/p>\n<p>Hal iyo laba haddaan ka xuso dhumuc weynida ereyada halqabsiga gala ee biley dhumucda sheekada dhacda-werinteeda xog-tebineed ee ay hodanka ka tahay sheekadu waxaa ka mid ah:<\/p>\n<ul>\n<li>Isku barakaadisey..<\/li>\n<li>Muusik baa biryamaaya.<\/li>\n<li><\/li>\n<li>Bikh iyo bilaash<\/li>\n<li>Sii baraawiiqleynayeen.<\/li>\n<\/ul>\n<p>Qore: Bare C\/llaahi Sh. Cabdi Aadan {Gacanka}<\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-1672\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/59545763_828385897527811_5634761466151174144_n.jpg\" alt=\"\" width=\"960\" height=\"720\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/59545763_828385897527811_5634761466151174144_n.jpg 960w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/59545763_828385897527811_5634761466151174144_n-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/59545763_828385897527811_5634761466151174144_n-768x576.jpg 768w\" sizes=\"(max-width: 960px) 100vw, 960px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Qisada Maanafaay waa hormuudka sheekooyinka ku qoran afka hooyo illaa teeriyo maantadan aynu joogno. Qiso waa erey u gaar ah magac-tusmeynta sheekada dheer ee faneed. Maanafaay waa qisadii ugu faafida badneyd uguna caansan sheekooyinka Soomaaliyeed. Qisada Maanafaay waa sheeko faneed casriya oo dhumuc weyn. Dhumucdeeduna dhinacyo badan tahay. Waana tan keentey teeriyo maantadan oo ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1672,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[1],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>IFTIIMIN KOOBAN OO KU SAABSAN SHEEKADA MAANA-FAAY - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/iftiimin-kooban-oo-ku-saabsan-sheekada-maana-faay\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"IFTIIMIN KOOBAN OO KU SAABSAN SHEEKADA MAANA-FAAY - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Qisada Maanafaay waa hormuudka sheekooyinka ku qoran afka hooyo illaa teeriyo maantadan aynu joogno. Qiso waa erey u gaar ah magac-tusmeynta sheekada dheer ee faneed. Maanafaay waa qisadii ugu faafida badneyd uguna caansan sheekooyinka Soomaaliyeed. Qisada Maanafaay waa sheeko faneed casriya oo dhumuc weyn. Dhumucdeeduna dhinacyo badan tahay. Waana tan keentey teeriyo maantadan oo ay [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/iftiimin-kooban-oo-ku-saabsan-sheekada-maana-faay\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2019-05-02T07:39:09+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/59545763_828385897527811_5634761466151174144_n.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"960\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"720\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"15 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/iftiimin-kooban-oo-ku-saabsan-sheekada-maana-faay\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/iftiimin-kooban-oo-ku-saabsan-sheekada-maana-faay\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"IFTIIMIN KOOBAN OO KU SAABSAN SHEEKADA MAANA-FAAY\",\"datePublished\":\"2019-05-02T07:39:09+00:00\",\"dateModified\":\"2019-05-02T07:39:09+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/iftiimin-kooban-oo-ku-saabsan-sheekada-maana-faay\/\"},\"wordCount\":2966,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Wararka AGA\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/iftiimin-kooban-oo-ku-saabsan-sheekada-maana-faay\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/iftiimin-kooban-oo-ku-saabsan-sheekada-maana-faay\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/iftiimin-kooban-oo-ku-saabsan-sheekada-maana-faay\/\",\"name\":\"IFTIIMIN KOOBAN OO KU SAABSAN SHEEKADA MAANA-FAAY - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2019-05-02T07:39:09+00:00\",\"dateModified\":\"2019-05-02T07:39:09+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/iftiimin-kooban-oo-ku-saabsan-sheekada-maana-faay\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/iftiimin-kooban-oo-ku-saabsan-sheekada-maana-faay\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/iftiimin-kooban-oo-ku-saabsan-sheekada-maana-faay\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"IFTIIMIN KOOBAN OO KU SAABSAN SHEEKADA MAANA-FAAY\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"IFTIIMIN KOOBAN OO KU SAABSAN SHEEKADA MAANA-FAAY - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/iftiimin-kooban-oo-ku-saabsan-sheekada-maana-faay\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"IFTIIMIN KOOBAN OO KU SAABSAN SHEEKADA MAANA-FAAY - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Qisada Maanafaay waa hormuudka sheekooyinka ku qoran afka hooyo illaa teeriyo maantadan aynu joogno. Qiso waa erey u gaar ah magac-tusmeynta sheekada dheer ee faneed. Maanafaay waa qisadii ugu faafida badneyd uguna caansan sheekooyinka Soomaaliyeed. Qisada Maanafaay waa sheeko faneed casriya oo dhumuc weyn. Dhumucdeeduna dhinacyo badan tahay. Waana tan keentey teeriyo maantadan oo ay [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/iftiimin-kooban-oo-ku-saabsan-sheekada-maana-faay\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2019-05-02T07:39:09+00:00","og_image":[{"width":960,"height":720,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/05\/59545763_828385897527811_5634761466151174144_n.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"15 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/iftiimin-kooban-oo-ku-saabsan-sheekada-maana-faay\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/iftiimin-kooban-oo-ku-saabsan-sheekada-maana-faay\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"IFTIIMIN KOOBAN OO KU SAABSAN SHEEKADA MAANA-FAAY","datePublished":"2019-05-02T07:39:09+00:00","dateModified":"2019-05-02T07:39:09+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/iftiimin-kooban-oo-ku-saabsan-sheekada-maana-faay\/"},"wordCount":2966,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Wararka AGA"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/iftiimin-kooban-oo-ku-saabsan-sheekada-maana-faay\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/iftiimin-kooban-oo-ku-saabsan-sheekada-maana-faay\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/iftiimin-kooban-oo-ku-saabsan-sheekada-maana-faay\/","name":"IFTIIMIN KOOBAN OO KU SAABSAN SHEEKADA MAANA-FAAY - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2019-05-02T07:39:09+00:00","dateModified":"2019-05-02T07:39:09+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/iftiimin-kooban-oo-ku-saabsan-sheekada-maana-faay\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/iftiimin-kooban-oo-ku-saabsan-sheekada-maana-faay\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/iftiimin-kooban-oo-ku-saabsan-sheekada-maana-faay\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"IFTIIMIN KOOBAN OO KU SAABSAN SHEEKADA MAANA-FAAY"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1671"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1671"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1671\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1673,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1671\/revisions\/1673"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1672"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1671"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1671"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1671"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}