{"id":1607,"date":"2019-04-10T04:34:10","date_gmt":"2019-04-10T04:34:10","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=1607"},"modified":"2019-04-10T04:34:10","modified_gmt":"2019-04-10T04:34:10","slug":"gorfaynta-buugga-gaso-ganuun-iyo-gasiin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/gorfaynta-buugga-gaso-ganuun-iyo-gasiin\/","title":{"rendered":"GORFAYNTA BUUGGA GASO, GANUUN IYO GASIIN"},"content":{"rendered":"<h4><em><strong>Jid-Cusub<\/strong><\/em><\/h4>\n<h5>Gaso, Ganuun iyo Gasiin, markaan buugan gacanta ku dhigay, erey kasteba waan dul istaagay. Dhowr daqiiqaddood ayaan maanka ku ruxay, si wax uga soo baxaan. Haseyeeshee, waxba way ka soo dhiiqi wayday. Galka buugga qaybtiisa dambe ayaan u rogay, ishaan la raacay falaqaynta kooban ee buugga : \u00abBuug-suugaaneedkan xambaarsan sheekada la magac-baxday Gaso, Ganuun iyo Gasiin oo uu ku fara yaraystay Cali Jimcale Axmad, waxaa lagu tilmaami karaa waa cusub oo u beryey fanka sheeka-qorista Soomaaalida.<\/h5>\n<h5>\u00bbWaxaana faalayntaa ka jeedinayo Hal-abuuraka caanka ah ee saxiibkay Maxamed Dahiir Afrax oo ah Nin khibrad weyn u leh hab-qoraalka iyo suugaanta Soomaaliyeedba. Haseyeeshee, Gaso, Ganuun iyo Gasiin, weli waxba iigama cadcadda, wax aanan ahayn malayn iyo mala\u2019awaal. Qoraaalkii gaabna ayaan si watay : \u00abWaa sheeko hodan ku ah aqoon ballaaran iyo erayo dhumuc weyn. Waa sheeko jiika cusub indhaha u furaysa, hal-abuurka Af-Soomaaliga wax ku qorona waddo cusub u jeexaysa. Waddo jid-bixyeenimo oo ka duwan tii la isla yiqiin.\u00bb<\/h5>\n<h5>Waxaan is weydiiyay, ma ereyo madax-u-salaax baa misee wax baa ka jira ? Waxaan is idhi haddana, aanoo og aqoon suugaaneedka iyo hab-qoraalka Maxamed Dahir Afrax, erayadan buubuunis ma gali karaan, waayo waa ereyo micnohoogu cad yahay. Anoo weli saluugsan falaqaynta oo sugayaa wax uun ii iftiimiya ereyadan ciwaanka buugga ka tirsan, ayaan sii watay akhriskii :<\/h5>\n<h5>\u00a0\u00abWaa isku dhaf sheeko-tabin, hal-abuurnimo, aqoon-tabin macallinnimo, is xusuusin sooyaalkii \u2026Af-Soomaaligu hodan ku ahaa, ee in badan oo ka mid ah ay ka baxeen ama ka sii baxayeen qaamuuska Af-Soomaaliga maanta lagu hadlo, sida qacda horeba laga dhadhansan karo magaca sheekada \u2018Gaso, Ganuun, iyo Gasiin\u2019. \u00bbMarkaas ayaan fahmay in ereyadan \u00abGaso, Ganuun, iyo Gasiin\u00bb, ay yihiin ereyo in Baraf. Cali Jimcaale Axmed uu ka soo xulay Af-Soomaali tegay, ama sii socda. Waa kow.<\/h5>\n<h5>Haddii ay dadku yaqaaneen sheeko meel ka bilaamata meelna ku dhammaata, sheeko qofna tiriyo qofna dhagaysto, sheeko uu qofka tirinaya iyo qofka qalinka ku duugaya ay mid ahaadaan ama meel qudha ay ka soo jeedaan, sheekada Gaso, Ganuun iyo Gasiin, xeerarkaas way wada jebinaysaa. Sidaa darteed, buuggan markaan gudo galay oo iridii ciwaanka aan xarbi ku soo dhaafay, hirdan kale ayaa markii ii bilaamatay, oo laba goor ayay sheekadu barxadii loolanka ay iga soo tuurtay. Qoruhu wuu ugu tala galay inuu akhristahu loolankaas la galo, isaga oo sugaya in akhristuhu dadaal muujiyo si uu u maalo buugga aqoonta ku ladhan. Waa tii hore loo yidhi : \u00abnin aanan shaqaysan shaah ma cabo.\u00bb Waa laba.<\/h5>\n<h5>Markuu cutubkii u horeeyay ii dhammaaday baan ku dhacay wadadii cadeed ee sheekada. Cubtubkan hore, labada dacal ee sheekada ayuu isku xidhayaa, markuu dacal kaa maqan yahay, fahanka akhristuhu wuu dhantaalan yahay, haseyeeshee markuu dadaal muujiyo oo uu sheekada dhammaysto, buu u bogayaa xirfada qoraha iyo hoggaankiisa. Waa dhab, Qoraa Cali Jimcaale Axmed waxa uu hindisay hab-qoraal ku cusub qoraal-sugaaneedka Soomaalida.<\/h5>\n<h5>Hab-qoraalkuna waxa uu ka marag furayaa qoraha iyo baaxadda fikirkiisa, waa arrin aan ku soo laami doono. Maxaay kale oo ku cusub buuggan oo tusaalaynaysa baxaada fikirka qoraaga? Cali Jimcaale waa suugaanyahan, tifaftire, falanqeeye , bare Jaamacaddeed, cilminafsina, haddii uunan ku takhasusin, waayo-arganimo iyo khibrad inuu u leeyahay ayaad ka dheehanaysaa buuggiisa. Oo waa ka na leh dhimirka ayaa \u00abkuu horseeda in aad wax leggeddo ama dibir lagugu harfaco.\u00bb<\/h5>\n<h5>Qoraagu ayuu yahay ? Ayuu u qorayaa ama la hadlayaa? Maxayse ujeediisu tahay? \u00a0Waa su\u2019aalo had iyo jeer uu akhristu is weydiiyo, haseyeeshee qoraaga dhaafsiisan amaba uusan isweydiin. Waa farqiga u dhexeeya qoraaga iyo akhristaha. Buugga oo uu akhristuhu weli kala furin ayuu magaca qoraagaa, iyo deegaanka uu ka soo jeedo, iyo ciiwaanka buugga oo qudha micne ka daalacanayaa, lugumana eedayn karo.<\/h5>\n<h5>Waxase xidhmay ama xidhmaya fikirkii akhristaha\u2026oo ku hadhay \u00abmid walba waxa uu qoraa waxa uu yahay\u00bb\u2026Oo tolow, \u00abmaxaa uu qoruhu yahay?\u2026Maxaase la yahayba? \u00bb Cali Jimcaale, waxaa uu mararka qaarkii, si debecsan, haseyeeshee durugsan, u tusayaa sida qalinku uu leeyahay awood dhaafsan maan qoraaga oo marmarka qaarkii uu is wado\u2026Immisa goor ayuu qalinku uu la foof tagaa qoraaga\u2026uu kanu dib, xarbi ugu soo cesha, marmarna uu iska raaca\u2026Xarbigaas Qoraha iyo qalinka u dhexeeyana sheekadani way ka waramaysaa.<\/h5>\n<h5>Buuggan waxa kalee la moodaa, dib iyo dacal, gun iyo guud ba, innuu u xarbiyayo furintaanka maskaxdaa xidhan tahay\u2026oo tusaale u yahay is maan dhaafka akhristaha iyo qoraaga, taasoo ku lug leh is aaminaada iyo isku kalsoonida luntay. Hadaba, qoraaga buuggan Gaso, Ganuun iyo Gaso, waa kuma ? Ma kan uu buugga dhexdiisa uu akhristuhu kula doodayaa, mise waa kan magaca buugga sita ? Maxaase u dhaxeeya labada qore ? Qofka qoraagu ma dhalasho ayuu xayndaab ugu jiraa? Qoraaga xayndaaban iyo ka kale maxaa lugu gartaa? Oo haddii akhristuhu isaguba xayndaab uu ku jiro, sidee buu u garan karaa qoraaga baalasha furtay? Cali Jimcaale, si koolikoolin ah ayuu rabaa innuu akhristuhu u soo raaco oo uu baalasha la furto, si uu ula safro, ay markaas aragti wadaagaan.<\/h5>\n<h5>Si walba ha ahatee, qoraaga buuggan, ku doono ba ha ahadee, muraayad ayuu is hor dhigtay si uu isu fiiriyo oo iskula xisaabtamo. Muraayadaas waa akhristaha uu alifay oo su\u2019aalo iyo aragtiyo gaar ah had iyo jeer la qaybsanaya qoraaga. Sheekooyin dhextaal ah, doodaha u dhexeeya sheekeeyaha iyo qoraaga, ama sheekeeyaha iyo akhristaha, oo mid walba boqol baad buugga ay u yeelayso, waa tusaalaynta fikirka ay sheekada ka soo maaxday, intuu le\u2019eg yahay\u2026 Aynu ka gudubno!<\/h5>\n<h5>Weli guudka aynu ka joogno sheekada oo aynu in yar jaleecno dhinaca luqada lugu qoray Gaso, ganuun, iyo Gasiin. Waa luqadda sugaanaysan oo la mooda inay ka soo unkamayso Af-Soomaaliga jiradiisa, mid hore oo tegay : \u00abWaxay noloshu kugu kalliftaa in aad naqtiimiso tab ama xeelad hore oo dayro noqotay ama u baahan gufeyn iyo malaas horleh oo habaysan. \u00bb Meel kale : \u00ab Waa tan hore u soo sheegay in nooloshu sideedaba tahay kaabi ama ufuq aad eryanayso ; waa sidaas waxa indhaha foolka loogu dhejiyey. In aad fahamto wixii tegay, in aad xisaabtanto, in aad ta\u2019wiisho tagto iyo timaado adoo weli fijaankii ku horyaal..\u00bb<\/h5>\n<h5>\u00a0Buugga waxa la mooda innu hal-ku-dhigo is daba jooga ka sameysan yahay. Luqad hufan iyo fikir baaxsan markay is haleelaan, waa intii salka u ahayd abwaanka dhabta ah. Sheekada guunteedu waa ceel qofkaste oo u haraadan sooyaalkii Soomaaliyeed, iyo fahamka dhiiladii ku timi gayiga Soomaalida qarnigii \u00a0la soo dhaafay uu kaga dhaalacan karo. Waa sheeko ka fog siyaasad kharimatay iyo Dowlad burburtay, beelo isku dhacay iyo dad la dhacay, caddaalad luntay iyo qaraxyo dhiig qubay, waxba dul ahaan kuma laha arrimahaas\u2026Reerka uu Sheekeeyuhu sheekadooda taxayo, waxa la yidhaa reer Jabaq, Jabaq oo ah curadka qoyska. Maaha, will inkaar qabo ah, oo waalidkii boobay, waa wiil \u00abreerkiisa taakuleeya, ka damqada dhiifta iyo nolosha aan caasi ahayn, una beernugul hadalka ama weerta waalidkii.\u00bb<\/h5>\n<h5>\u00a0Muxuu hadana aabbihii uga dhaxlay magacii qoyska ? Sahankan qoyskan ka soo barakacay tuuladii ay degenaayeen oon dartii, maxay ahayd noloshii ay ku noolaayeen, maxay ka soo dhaxleen, maxay noqotay tan ay u soo booqooleen ? Nololi waa \u00abkeento, koolkooliso, kocbiso, kibriso, kufiso\u00bb, haddii aanu hadalka qoraaha ka maroojisano. Reer Jabaq ma kibrin, wayse kufeen, debedeena hooyo ayaa u baxday, oo ula carartay duurkii\u2026<\/h5>\n<h5>Dhinac haddii aad ka eegto, waxaad is weydiinaysaa, sheekadan tolow ma sarbeeb baa, misee dhab ? haddana waxaad leedahay, sarbeeb way dhaafsan tahay ! Waa sheeko qaarkeen u soo joogeen, waa sheeko salkeeda iyo dulucdeeduba ay qaar u muuqannayso? Dhaqan guuray, dhul rogmaday iyo waxa rogay ayaa la moodaa inay uga waramayso si aqoon ballaadan (mid dhaqameed, mid aftahanimo, mid maan-garad) ku dheehan tahay.<\/h5>\n<h5>Hab cusub bay u dayaysaa waxa ku habsaday Ballad Saciid Maxaad Raage ay Reer Jabaq ka soo guureen. Waa run \u00abmar mar waxaa loo baahanyahay in qalab kale loo adeegsado sidii loo arki lahaa kobta iyo mugga ooddinta aad la itaaldaran tahay.\u00bb Lakiin waa \u00abqof iyo garashadii\u2026\u00bb Markaas, arrinka ay sheekadu ka waramayso meel dheer buu ku laalan yahay, hase ahaatee waxaynu ogaanahay in \u00abKor waayeel indho wada yahay\u2026Hadalna mergi yahay\u00bb. Markaa\u2026Sheekoy, sheeko !<\/h5>\n<h5>Sheekadan Gaso\u2026 mid gunteeda la gaadhi karo maaha, waa sheeko furan, Open work ! Ceel biyo leh guntiisa laysku ma hawlo, ee waa laga dhurtaa uun. Gaso, Ganuun, Gasiin, waa ceelkaas ay cilmiyahanada ka falooda qoraal-suugaaneedka ay ku naalloon doonaan, akhristayaashuna wax badan ka korarsan doonaan.<\/h5>\n<h5>Ugu dambayn, qoraa Faransi ah oo falaqaynta suugaanta Afrika ku xeel dheer ayaa yidhi : \u00abSoo noolaansha suugaanta Afrikada Madow waxay taariikhdeedu barbar socotaa taariikhda soo noolaanshaha Siyaasaddeeda. Xeeladaha waawayn ee labadaa taariikh waa isku mid, mar Alli iyo mar walba oo damiirka siyaasaddeed uu kaco, mar walba oo talaabo loo qaado dhinaca madaxbannaanida, waxa soo ifbaxa hal-abuur muujinayaa jid-cusub\u2026 \u201c waxay ila tahay, sida uu Maxamed Dahir Afrax, soo sheegay, in Gaso, Ganuun, Gasiin ay taas tahay amba ay ka mid-tahay.<\/h5>\n<h4><em><strong>W\/Q : Dr, Cabdirashiid M. Ismaaciil <\/strong><\/em><\/h4>\n<h4><em><strong>Bare sare, Jaamacadda Jabbuuti<\/strong><\/em><\/h4>\n<h4><\/h4>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jid-Cusub Gaso, Ganuun iyo Gasiin, markaan buugan gacanta ku dhigay, erey kasteba waan dul istaagay. Dhowr daqiiqaddood ayaan maanka ku ruxay, si wax uga soo baxaan. Haseyeeshee, waxba way ka soo dhiiqi wayday. Galka buugga qaybtiisa dambe ayaan u rogay, ishaan la raacay falaqaynta kooban ee buugga : \u00abBuug-suugaaneedkan xambaarsan sheekada la magac-baxday Gaso, Ganuun [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1608,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[10],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>GORFAYNTA BUUGGA GASO, GANUUN IYO GASIIN - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/gorfaynta-buugga-gaso-ganuun-iyo-gasiin\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"GORFAYNTA BUUGGA GASO, GANUUN IYO GASIIN - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Jid-Cusub Gaso, Ganuun iyo Gasiin, markaan buugan gacanta ku dhigay, erey kasteba waan dul istaagay. Dhowr daqiiqaddood ayaan maanka ku ruxay, si wax uga soo baxaan. Haseyeeshee, waxba way ka soo dhiiqi wayday. Galka buugga qaybtiisa dambe ayaan u rogay, ishaan la raacay falaqaynta kooban ee buugga : \u00abBuug-suugaaneedkan xambaarsan sheekada la magac-baxday Gaso, Ganuun [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/gorfaynta-buugga-gaso-ganuun-iyo-gasiin\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2019-04-10T04:34:10+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/gaso-1024x683.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1024\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"683\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"7 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/gorfaynta-buugga-gaso-ganuun-iyo-gasiin\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/gorfaynta-buugga-gaso-ganuun-iyo-gasiin\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"GORFAYNTA BUUGGA GASO, GANUUN IYO GASIIN\",\"datePublished\":\"2019-04-10T04:34:10+00:00\",\"dateModified\":\"2019-04-10T04:34:10+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/gorfaynta-buugga-gaso-ganuun-iyo-gasiin\/\"},\"wordCount\":1438,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Buugaag\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/gorfaynta-buugga-gaso-ganuun-iyo-gasiin\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/gorfaynta-buugga-gaso-ganuun-iyo-gasiin\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/gorfaynta-buugga-gaso-ganuun-iyo-gasiin\/\",\"name\":\"GORFAYNTA BUUGGA GASO, GANUUN IYO GASIIN - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2019-04-10T04:34:10+00:00\",\"dateModified\":\"2019-04-10T04:34:10+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/gorfaynta-buugga-gaso-ganuun-iyo-gasiin\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/gorfaynta-buugga-gaso-ganuun-iyo-gasiin\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/gorfaynta-buugga-gaso-ganuun-iyo-gasiin\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"GORFAYNTA BUUGGA GASO, GANUUN IYO GASIIN\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"GORFAYNTA BUUGGA GASO, GANUUN IYO GASIIN - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/gorfaynta-buugga-gaso-ganuun-iyo-gasiin\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"GORFAYNTA BUUGGA GASO, GANUUN IYO GASIIN - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Jid-Cusub Gaso, Ganuun iyo Gasiin, markaan buugan gacanta ku dhigay, erey kasteba waan dul istaagay. Dhowr daqiiqaddood ayaan maanka ku ruxay, si wax uga soo baxaan. Haseyeeshee, waxba way ka soo dhiiqi wayday. Galka buugga qaybtiisa dambe ayaan u rogay, ishaan la raacay falaqaynta kooban ee buugga : \u00abBuug-suugaaneedkan xambaarsan sheekada la magac-baxday Gaso, Ganuun [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/gorfaynta-buugga-gaso-ganuun-iyo-gasiin\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2019-04-10T04:34:10+00:00","og_image":[{"width":1024,"height":683,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/04\/gaso-1024x683.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"7 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/gorfaynta-buugga-gaso-ganuun-iyo-gasiin\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/gorfaynta-buugga-gaso-ganuun-iyo-gasiin\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"GORFAYNTA BUUGGA GASO, GANUUN IYO GASIIN","datePublished":"2019-04-10T04:34:10+00:00","dateModified":"2019-04-10T04:34:10+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/gorfaynta-buugga-gaso-ganuun-iyo-gasiin\/"},"wordCount":1438,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Buugaag"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/gorfaynta-buugga-gaso-ganuun-iyo-gasiin\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/gorfaynta-buugga-gaso-ganuun-iyo-gasiin\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/gorfaynta-buugga-gaso-ganuun-iyo-gasiin\/","name":"GORFAYNTA BUUGGA GASO, GANUUN IYO GASIIN - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2019-04-10T04:34:10+00:00","dateModified":"2019-04-10T04:34:10+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/gorfaynta-buugga-gaso-ganuun-iyo-gasiin\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/gorfaynta-buugga-gaso-ganuun-iyo-gasiin\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/gorfaynta-buugga-gaso-ganuun-iyo-gasiin\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"GORFAYNTA BUUGGA GASO, GANUUN IYO GASIIN"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1607"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1607"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1607\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1609,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1607\/revisions\/1609"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1608"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1607"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1607"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1607"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}