{"id":1542,"date":"2019-03-31T08:33:58","date_gmt":"2019-03-31T08:33:58","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=1542"},"modified":"2019-03-31T08:33:58","modified_gmt":"2019-03-31T08:33:58","slug":"maana-faay-dhugasho-kooban","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/maana-faay-dhugasho-kooban\/","title":{"rendered":"MAANA-FAAY (Dhugasho Kooban)"},"content":{"rendered":"<h4>Waa Buug Sheeko-faneed Casriya, soona if-baxday xilli baahi loo qabay. Waxeey aheyd tii nooceeda ugu horreysay Deegaannadeeda, waxeeyna noqotay coraddii sheeko qoraaleedka casriga ah ee Soomaalida, waxaa ka farcamay oo waddadeedii qaaday kuwa badan oo iyana galay taariikhda Sheeka qorista Soomaaliga.<\/h4>\n<h4>Sheekada ama Qisada MAANA-FAAY, ma-aheyn uun waddada ay jeexday ee sheeka qoristeenna balse waxeey farta ku fiiqday wax badan oo aan horteeda laga hadal lana tilmaamin.<\/h4>\n<h4>Qorayaasha kala culus kalana heli og cinwaannada ay wax ka qorayaan, kuna kala geddisan hababka iyo wadiiqooyinka ay u maraayaan wax gudbinta, Wax qorista Afraxse tiisu waa mid gooniya.<\/h4>\n<h4>Dr. M.D.Afrax, oo ah qoraha Qisada MAANA-FAAY, Waa Halyeey Jebiyay albaab xirnaa oo in badan oo qalinleey ahi ka baqayeen in ay ku dhiirradaan, kuwaasoo ku quus-qaatay \u00a0\u201dIshii ow Weeroow ka laa-laaday\u201d. Kuwaasoo kolkeey wax qorayaan Shuka huwinayay waxa ay gudbinayaan, Maana-Faayse\u00a0 wixii lala ganbanayay\u00a0 ayay Daahir Yaa Shams ka dhigtay.<\/h4>\n<h4>Adduunyadu, waxeey isku\u00a0 raacday 1948dii Baaqii Jamciyadda Quruumaha ee ahaa Xuquunal Insaanka, \u00a0kaasoo u ogolaanayay in qof kastaa xur u yahay cabbirka aragtidiisa \u201dQowllan wa Kitaaban\u201d Hadal iyo\u00a0 Qoraalba, Balse waxa nasiib-darraa in illaa maantadaan aan waddamo badan laga ogoleyn xurriyadda cabirka Aragtida.<\/h4>\n<h4>\u00a0Xilligii MAANA-FAAY soo if baxdayna waxaa reebanaa fikir kasta oo ka hor imaanayay aragtidii \u00a0XHKS ama aan aheyn wax isaga lagu buun-buuniyo Waxqabadkii\u00a0 Kacaankii. Uma-jeedo, umana socdo in aan waayihii Hantiwadaagga Cilmiga ku dhisan ka faaloodo waxna ka sheego, balse waxaa uun aan\u00a0 rabaa in aan ifiyo Xaaladda sida ay aheyd soo if-bixiddii Qisada Maana, iyo qoraaggu dhiirranaanta\u00a0 uu muujiyay\u00a0 xilligaas.<\/h4>\n<h4>Qisada MAANA-FAAY, maxeey ka hadleeysaa oo ay ugu noqotay taajka Qisooyinka qoran ee Soomaalida? Qisadaan, waa qiso ay ka dhex buuxaan qisooyin kala socda haddana wada socda oo soo wada jiidaneyso dadyoow \u00a0kala geddisan \u201dkala cumri, kala aqoon, kala garasho, \u00a0kala mansab ah\u201d, \u00a0taasoo mid walbaahi ka helaayay\u00a0 wax gaar ah oo uu isagu xiiseynayo, waana tii keentay in maalmaha ay Xiddigta Oktoober ku soo baxeysay suuqa laga waayi\u00a0 jiray Wargeyska oo dhan. Aniga,\u00a0 waxaan og-ahay dad ku waayay shaqadoodi\u00a0 dawladeed aqrinta iyo\u00a0 xiiseynta Qisada MAANA-FAAY.<\/h4>\n<h4>Qisadaan MAANA-FAAY, Waxeey ka hadlee\u00a0 dhaqan jiray oo u baahnaa in laga guuro, si asluubeysan oo degen ayayna bulshada ugu baraarujineysay, Waa dhaqankii \u201dMa-qabbiyannimada\u201d, dhaqankaasoo ku lunsanaa Xuquuqdii Gabdhaha, kaasoo keenayay in Gabadha kolka Naaskeedu soo kobco Mininka lagu oodayay loona diidayay in ay waxbarato ama iridda Mininkooda dhaafto. Waxuu ahaa dhaqan adag xilliga Sheekadu curatay. Si gaara Dhaqankaas aad ayay u ifisay Qisadaan.<\/h4>\n<h4>Dhinac, waxeey ka iffisay Jaceyl iyo kalgacal qoto dheer oo sheekadu ku dhameysay farax iyo yiddidiilo mug leh oo u soo muuqatay Lammaane is jeclaaday dhib iyo rafaad badanna isu\u00a0 maray, Waxeey muujisay culeyska Jaceyka iyo waayahiisa iyo Xikmaddii\u00a0 aheyd \u00a0\u201dWaxaan\u00a0 loo dhibtoon lama dheefsado. Dadka dhinac waxeey sheekada kala socdeen Jaceylka\u00a0 Mugga leh ee dhex maraayay Axmed Jaamac iyo Maana-Faay.<\/h4>\n<h4>Ka rogoo, haddana laba saare dadka qayb kale waxeey kala socdeen Naqdin iyo iftiimin ballaaran oo qoraagu Toosh Lix qaada uga daba-qaatay Kuwa magaca kursiga Dawladeed\u00a0 ku dhaca Hantida Ummadda, waxuuna iffiyay qaabka iyo falalka foosha xun ay ku kacayeen qaybo \u00a0ka mida madaxda\u00a0 Bulshada, kuwaasoo lahaa \u00a0Garbo ka daafaca wax ka qabadka waxaay sameynayeen, si isku kalsooni ku jirtana u fala xumaantaay doonaan. Kuwa noocaasa waxaa tusaale noogu\u00a0 filanTusmada iyo tilmaanta ay qisada ka bixineyso Maareeye Jaamac Dhegeey oo ah Eng. Axmed Jaamac Aabowgiis.<\/h4>\n<h4>80kii Kolkaan aqrin jiray Qisada MAANO, waxaan is dhihi jiray goormaa lala boodi doonaa Saaxiibkaa Afrax, Weliba marka uu farta ku godayo Jaamac iyo nuuciisa. Hadda Jaamac, ma-ahan ruux jira waxuuse u taagnaa dad ku kaca ficilladaas qisadu ku tilmaameyso, waana tan sheekadu gaba-gabada soo roojiheyso CEEB iyo LAMA ARAG.<\/h4>\n<h4>Doc kaleeto haddana igala arage, Qisada Waxeey farta ku fiiqday Dhaqan bulshada ku soo badanay oo ku saabsanaa Qayil, Tumasho, Kufsi\u00a0 Boob iyo wax kaloo badan. Waxaad eegtaa Kaalinta ay ku leedahay Qisada BAYDDAN-Shabeel, \u00a0Waxaad arkee Fataalnimada iyo sida gabdhaha yar-yar ee reerahoodu Iskuulka \u00a0ama suuqa u dirsadaan sida loo shirqoolo looguna gacan geliyo Odayo Tuugaa oo ma xishoodayaal ah oo u taffaxeytay kuna shooba Xummaanta, kuwaasoo sheekadu tilmaameyso masiirka u dambeeyo, ugana dhigeyso digniin kuwa kaloo badan oo ku soo jiro jidkaas Fisqiga iyo xumaanta ah.<\/h4>\n<h4>Qisada MAANA-FAAY, Waxeey\u00a0 ku baree\u00a0 wax badan oo aad u baahan tahay, Waa hubanti kolkaad kala furto inuu baalba kan xiga kuu dhiibayo illamaa aatiraa Goormeey dhammaatay, oo aad dib ugu noqoshadeeda biloowdo, Silsillad xiran oo gunudiba tan xigta si xeeladeysan kuugu sinto adigoon dameemin.<\/h4>\n<h4>Waxaan leeyahay Hambalyo Walaalkeey\/Saaxiibkeey Afrax iyo Maxamed Cartan (LOOHPRESS) oo si qurxoon u soo daabacay Daabacaaddaan 4aad ee MAANA-FAAY.<\/h4>\n<h4>Aqoonyahan\/Qoraa<\/h4>\n<h4>Xuseen Maxamed Cabdulle \u201dWADAAD\u201d<\/h4>\n<h4>huswadad@hotmail.com<\/h4>\n<h4><\/h4>\n<h4><\/h4>\n<h4><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waa Buug Sheeko-faneed Casriya, soona if-baxday xilli baahi loo qabay. Waxeey aheyd tii nooceeda ugu horreysay Deegaannadeeda, waxeeyna noqotay coraddii sheeko qoraaleedka casriga ah ee Soomaalida, waxaa ka farcamay oo waddadeedii qaaday kuwa badan oo iyana galay taariikhda Sheeka qorista Soomaaliga. Sheekada ama Qisada MAANA-FAAY, ma-aheyn uun waddada ay jeexday ee sheeka qoristeenna balse waxeey [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1543,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[10],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>MAANA-FAAY (Dhugasho Kooban) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/maana-faay-dhugasho-kooban\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"MAANA-FAAY (Dhugasho Kooban) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Waa Buug Sheeko-faneed Casriya, soona if-baxday xilli baahi loo qabay. Waxeey aheyd tii nooceeda ugu horreysay Deegaannadeeda, waxeeyna noqotay coraddii sheeko qoraaleedka casriga ah ee Soomaalida, waxaa ka farcamay oo waddadeedii qaaday kuwa badan oo iyana galay taariikhda Sheeka qorista Soomaaliga. Sheekada ama Qisada MAANA-FAAY, ma-aheyn uun waddada ay jeexday ee sheeka qoristeenna balse waxeey [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/maana-faay-dhugasho-kooban\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2019-03-31T08:33:58+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/55684209_1832572956848607_9113845165306413056_n.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"720\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"728\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"4 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maana-faay-dhugasho-kooban\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maana-faay-dhugasho-kooban\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"MAANA-FAAY (Dhugasho Kooban)\",\"datePublished\":\"2019-03-31T08:33:58+00:00\",\"dateModified\":\"2019-03-31T08:33:58+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maana-faay-dhugasho-kooban\/\"},\"wordCount\":763,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Buugaag\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/maana-faay-dhugasho-kooban\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maana-faay-dhugasho-kooban\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maana-faay-dhugasho-kooban\/\",\"name\":\"MAANA-FAAY (Dhugasho Kooban) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2019-03-31T08:33:58+00:00\",\"dateModified\":\"2019-03-31T08:33:58+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maana-faay-dhugasho-kooban\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/maana-faay-dhugasho-kooban\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maana-faay-dhugasho-kooban\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"MAANA-FAAY (Dhugasho Kooban)\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"MAANA-FAAY (Dhugasho Kooban) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/maana-faay-dhugasho-kooban\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"MAANA-FAAY (Dhugasho Kooban) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Waa Buug Sheeko-faneed Casriya, soona if-baxday xilli baahi loo qabay. Waxeey aheyd tii nooceeda ugu horreysay Deegaannadeeda, waxeeyna noqotay coraddii sheeko qoraaleedka casriga ah ee Soomaalida, waxaa ka farcamay oo waddadeedii qaaday kuwa badan oo iyana galay taariikhda Sheeka qorista Soomaaliga. Sheekada ama Qisada MAANA-FAAY, ma-aheyn uun waddada ay jeexday ee sheeka qoristeenna balse waxeey [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/maana-faay-dhugasho-kooban\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2019-03-31T08:33:58+00:00","og_image":[{"width":720,"height":728,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/03\/55684209_1832572956848607_9113845165306413056_n.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"4 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maana-faay-dhugasho-kooban\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maana-faay-dhugasho-kooban\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"MAANA-FAAY (Dhugasho Kooban)","datePublished":"2019-03-31T08:33:58+00:00","dateModified":"2019-03-31T08:33:58+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maana-faay-dhugasho-kooban\/"},"wordCount":763,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Buugaag"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/maana-faay-dhugasho-kooban\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maana-faay-dhugasho-kooban\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/maana-faay-dhugasho-kooban\/","name":"MAANA-FAAY (Dhugasho Kooban) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2019-03-31T08:33:58+00:00","dateModified":"2019-03-31T08:33:58+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maana-faay-dhugasho-kooban\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/maana-faay-dhugasho-kooban\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maana-faay-dhugasho-kooban\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"MAANA-FAAY (Dhugasho Kooban)"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1542"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1542"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1542\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1544,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1542\/revisions\/1544"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1543"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1542"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1542"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1542"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}