{"id":1359,"date":"2019-02-20T19:57:30","date_gmt":"2019-02-20T19:57:30","guid":{"rendered":"http:\/\/aga.so\/so\/?p=1359"},"modified":"2019-02-20T20:01:41","modified_gmt":"2019-02-20T20:01:41","slug":"wasiirka-warfaafinta-iyo-dhaqanka-soomaaliya-oo-akadeemiye-goboleedka-afsoomaaliga-ku-ammaanay-weyneynta-xuska-maalinta-afka-hooyo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-iyo-dhaqanka-soomaaliya-oo-akadeemiye-goboleedka-afsoomaaliga-ku-ammaanay-weyneynta-xuska-maalinta-afka-hooyo\/","title":{"rendered":"WASIIRKA WARFAAFINTA IYO DHAQANKA SOOMAALIYA OO AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AFSOOMAALIGA KU AMMAANAY WEYNEYNTA  XUSKA MAALINTA AFKA HOOYO"},"content":{"rendered":"<h4>Akadeemiye-Gobleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa maanta (20\/2\/2019) Hotel Royal, Muqdisho ku qabatay Xaflad si weyn loo soo agaasimay,\u00a0\u00a0looguna tala-galay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, ayna ka soo qeyb-galeen Wasiirro, Xildhibaanno, Agaasimayaal, madaxda Akadeemiyada AGA, masuulyiinta Golaha Abwaannnada, dhallinyaro ka kala socotay naadiyada akhriska iyo qoraalka, fannaaniin iyo marti-sharaf kale.<\/h4>\n<h4>Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga\u00a0\u00a0Prof. Maxamed Daahir Afrax oo khudbad qiimo badan ka soo jeediyay munaasabaddaas\u00a0\u00a0ayaa sheegay xuska maalinta afka hooyo inuu ka mid yahay xusaska caalamiga ah ee\u00a0\u00a0adduunka\u00a0\u00a0si ballaaran\u00a0\u00a0looga xuso, waxaana uu tilmaamay\u00a0\u00a0sannadkaan inuu\u00a0\u00a0ku soo beegmay 20- guuradii ka soo wareegtay markii ay\u00a0Qaramada Midoobay u aqoonsatey 21 Febraayo inay noqoto maalinta\u00a0\u00a0afka hooyo, isaga oo ka xog-warramay inay Qarammada Midoobey 1dii bishan New York kaga dhawaaqeen in 2019ka\u00a0\u00a0loo aqoonsado\u00a0\u00a0Sannadka Caalamiga ah\u00a0\u00a0ee Horumarinta Afka Hooyo.<\/h4>\n<h4>\u201cXafladda aan maanta ku qabanayno\u00a0\u00a0Muqdisho waxay Daah-fur u tahay xafladaha AGA xarunteeda dhexe iyo laameheeda daafaha dunida ugu talagaleen Toddobaadka Afka Hooyo.\u00a0\u00a0Muqdisho ka sakow waxay Akadeemiyadu xusas kan la mid ah ku kala qaban doontaa magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya, sida Kismaanyo, Baydhabo, Garoowe, Hargaysa, Gaalkacyo, magaalooyinka goblkeena, Geeska Afrika ee ay ka midka yihiin Jabuuti, Jigjiga iyo Nairobi. Akadeemiye-Gobleedka oo ah madal caalami ah, waxa kale oo ay laameheedu xafladaha \u00a0xuska maalintan ku qabanayaan \u00a0waddannada caalamka ee ay ku badan yihiin jaalliyadaha Soomaalida,\u00a0 sida Maraykanka, Ingiriiska, Holland, Finland, Sweden, Narway iyo goobo kale oo Soomaalida qurbuhu ku dhaqan yihiin\u201d ayuu yiri Prof. Afrax oo soo jeediyay in laga wada qeyb-qaato\u00a0\u00a0hiilka afka Soomaaliga.<\/h4>\n<h4>Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dawladda Federaalka\u00a0\u00a0ee Soomaaliya, Ambasadore Daahir Maxamuud Geelle, ayaa ugu horeyntii\u00a0 khudbaddiisii furitaanka munaasabadda ugu mahadceliyey Akadeemiyada AGA dadaalka ay horseedka ka\u00a0 tahay, iyo in uu guud ahaan shucuubta caalamka gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayo xuska maalintan qiimaha badan. Wasiirku wuxuu muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay inuu ka soo qeyb-galo xuska Maalinta Afka Hooyo\u00a0\u00a0oo ay soo qaban-qaabsay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.<\/h4>\n<h4>Wasiirka oo hadalkiisa sii wata\u00a0\u00a0ayaa hoosta ka xarriiqay inuu soo dhaweynayo dadaalka uu Guddoomiyaha\u00a0\u00a0AGA ugu jiro illaalinta afka Soomaaliga,\u00a0\u00a0waxaana uu caddeeyay inuu daryeelka afka Soomaaliga uu ku jiryo gacan aamin ah oo uu ula jeedayay Prof. Afrax, isaga oo intaasi ku darey in loo baahan\u00a0\u00a0yahay inaan laga daalin xoojinta afkeena hooyo.<\/h4>\n<h4>Munaasabaddaas oo si qurux badan\u00a0\u00a0loo soo abaabulay ayaa\u00a0\u00a0iyana waxaa ka hadlay Xildhibaan Sahro Cumar Maalin, Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Abwaannada\u00a0\u00a0Xirsi Dhuux Maxamed, Agaasimaha Arimaha Bulshada Xafiiska Ra\u2019iisul Wasaaraha, Maryan Aadan Amiin, Guddomiyaha \u00a0Naadiga Hillin-hayaan oo ku hadlayay\u00a0\u00a0magaca naadiyada akhriska iyo qoraalka; Furitaanlkii horena waxaa warbixin ka soo jeediyey Bare Sare Mustafa C\/llaahi Fayruus oo ku hadlayey magaca\u00a0 Guddiga qaban-qaabada munaasabadda. Wuxuuna iftiimiyey sida ay Akadeemiyadu\u00a0\u00a0ugu guuleysatay xuska maalinta afka hooyo ee 2019 inay ka qabanqaabiso dalal iyo magaalooyin badan, halkaas oo si taxane ah uu xusku uga socon doono toddobaadkan oo dhan; xafladda xaruntuna ay u tahay furitaan.<\/h4>\n<h4>Abwaanno iyo fannnaaniin ka\u00a0\u00a0socotay\u00a0\u00a0kooxda Hiddo ayaa iyaguna halkaasi ku soo bandhiggay suugaan aad loo jecleystay oo isugu jirtay heeso ka tarjumaya qiimaha afka hooyo iyo gabayo barraarujin ah. Dhinaca kale waxaa isla xafladdaasi lagu soo bandhiggay tartan kadis ah oo ay saldhig u ahaayeen su\u2019aalo loogu talagalay in dhallinyarada lagu baraarujiyo xoojinta barashada \u00a0afkooda hooyo.<\/h4>\n<h4>Sannad walba marka la gaaro 21 Febraayo ayaa\u00a0\u00a0dunida oo idil waxaa laga xusaa maalinta caalamiga ah ee afka hooyo. Sannadkii 1999\u00a0ayay Qaramada Midoobay caleema-saartay maalintaas.<\/h4>\n<h4><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-1360\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_13-1024x768.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_13-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_13-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_13-768x576.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_13.jpg 1095w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-1361\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_21-1024x768.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_21-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_21-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_21-768x576.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_21.jpg 1095w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-full wp-image-1362\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_28.jpg\" alt=\"\" width=\"849\" height=\"678\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_28.jpg 849w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_28-300x240.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_28-768x613.jpg 768w\" sizes=\"(max-width: 849px) 100vw, 849px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-1363\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_11-1024x768.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_11-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_11-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_11-768x576.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_11.jpg 1095w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-1364\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_20-1024x768.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_20-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_20-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_20-768x576.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_20.jpg 1095w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-1365\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_9-1024x768.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_9-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_9-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_9-768x576.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_9.jpg 1095w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-1366\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_18-1024x768.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_18-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_18-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_18-768x576.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_18.jpg 1095w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-1367\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_1-1024x768.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_1-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_1-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_1-768x576.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_1.jpg 1095w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-1368\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_9-1-1024x768.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_9-1-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_9-1-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_9-1-768x576.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_9-1.jpg 1095w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-1369\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_41-1024x768.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_41-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_41-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_41-768x576.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_41.jpg 1095w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-1370\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_33-1024x768.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_33-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_33-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_33-768x576.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_33.jpg 1095w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-1371\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_25-1024x768.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_25-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_25-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_25-768x576.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_25.jpg 1095w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/><\/h4>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Akadeemiye-Gobleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa maanta (20\/2\/2019) Hotel Royal, Muqdisho ku qabatay Xaflad si weyn loo soo agaasimay,\u00a0\u00a0looguna tala-galay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, ayna ka soo qeyb-galeen Wasiirro, Xildhibaanno, Agaasimayaal, madaxda Akadeemiyada AGA, masuulyiinta Golaha Abwaannnada, dhallinyaro ka kala socotay naadiyada akhriska iyo qoraalka, fannaaniin iyo marti-sharaf kale. Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga\u00a0\u00a0Prof. Maxamed Daahir [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1360,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[7,1],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>WASIIRKA WARFAAFINTA IYO DHAQANKA SOOMAALIYA OO AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AFSOOMAALIGA KU AMMAANAY WEYNEYNTA XUSKA MAALINTA AFKA HOOYO - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-iyo-dhaqanka-soomaaliya-oo-akadeemiye-goboleedka-afsoomaaliga-ku-ammaanay-weyneynta-xuska-maalinta-afka-hooyo\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"WASIIRKA WARFAAFINTA IYO DHAQANKA SOOMAALIYA OO AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AFSOOMAALIGA KU AMMAANAY WEYNEYNTA XUSKA MAALINTA AFKA HOOYO - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Akadeemiye-Gobleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa maanta (20\/2\/2019) Hotel Royal, Muqdisho ku qabatay Xaflad si weyn loo soo agaasimay,\u00a0\u00a0looguna tala-galay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, ayna ka soo qeyb-galeen Wasiirro, Xildhibaanno, Agaasimayaal, madaxda Akadeemiyada AGA, masuulyiinta Golaha Abwaannnada, dhallinyaro ka kala socotay naadiyada akhriska iyo qoraalka, fannaaniin iyo marti-sharaf kale. Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga\u00a0\u00a0Prof. Maxamed Daahir [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-iyo-dhaqanka-soomaaliya-oo-akadeemiye-goboleedka-afsoomaaliga-ku-ammaanay-weyneynta-xuska-maalinta-afka-hooyo\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2019-02-20T19:57:30+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2019-02-20T20:01:41+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_13.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1095\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"821\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-iyo-dhaqanka-soomaaliya-oo-akadeemiye-goboleedka-afsoomaaliga-ku-ammaanay-weyneynta-xuska-maalinta-afka-hooyo\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-iyo-dhaqanka-soomaaliya-oo-akadeemiye-goboleedka-afsoomaaliga-ku-ammaanay-weyneynta-xuska-maalinta-afka-hooyo\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"WASIIRKA WARFAAFINTA IYO DHAQANKA SOOMAALIYA OO AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AFSOOMAALIGA KU AMMAANAY WEYNEYNTA XUSKA MAALINTA AFKA HOOYO\",\"datePublished\":\"2019-02-20T19:57:30+00:00\",\"dateModified\":\"2019-02-20T20:01:41+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-iyo-dhaqanka-soomaaliya-oo-akadeemiye-goboleedka-afsoomaaliga-ku-ammaanay-weyneynta-xuska-maalinta-afka-hooyo\/\"},\"wordCount\":572,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"kaydka\",\"Wararka AGA\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-iyo-dhaqanka-soomaaliya-oo-akadeemiye-goboleedka-afsoomaaliga-ku-ammaanay-weyneynta-xuska-maalinta-afka-hooyo\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-iyo-dhaqanka-soomaaliya-oo-akadeemiye-goboleedka-afsoomaaliga-ku-ammaanay-weyneynta-xuska-maalinta-afka-hooyo\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-iyo-dhaqanka-soomaaliya-oo-akadeemiye-goboleedka-afsoomaaliga-ku-ammaanay-weyneynta-xuska-maalinta-afka-hooyo\/\",\"name\":\"WASIIRKA WARFAAFINTA IYO DHAQANKA SOOMAALIYA OO AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AFSOOMAALIGA KU AMMAANAY WEYNEYNTA XUSKA MAALINTA AFKA HOOYO - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2019-02-20T19:57:30+00:00\",\"dateModified\":\"2019-02-20T20:01:41+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-iyo-dhaqanka-soomaaliya-oo-akadeemiye-goboleedka-afsoomaaliga-ku-ammaanay-weyneynta-xuska-maalinta-afka-hooyo\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-iyo-dhaqanka-soomaaliya-oo-akadeemiye-goboleedka-afsoomaaliga-ku-ammaanay-weyneynta-xuska-maalinta-afka-hooyo\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-iyo-dhaqanka-soomaaliya-oo-akadeemiye-goboleedka-afsoomaaliga-ku-ammaanay-weyneynta-xuska-maalinta-afka-hooyo\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"WASIIRKA WARFAAFINTA IYO DHAQANKA SOOMAALIYA OO AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AFSOOMAALIGA KU AMMAANAY WEYNEYNTA XUSKA MAALINTA AFKA HOOYO\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"WASIIRKA WARFAAFINTA IYO DHAQANKA SOOMAALIYA OO AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AFSOOMAALIGA KU AMMAANAY WEYNEYNTA XUSKA MAALINTA AFKA HOOYO - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-iyo-dhaqanka-soomaaliya-oo-akadeemiye-goboleedka-afsoomaaliga-ku-ammaanay-weyneynta-xuska-maalinta-afka-hooyo\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"WASIIRKA WARFAAFINTA IYO DHAQANKA SOOMAALIYA OO AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AFSOOMAALIGA KU AMMAANAY WEYNEYNTA XUSKA MAALINTA AFKA HOOYO - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Akadeemiye-Gobleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa maanta (20\/2\/2019) Hotel Royal, Muqdisho ku qabatay Xaflad si weyn loo soo agaasimay,\u00a0\u00a0looguna tala-galay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, ayna ka soo qeyb-galeen Wasiirro, Xildhibaanno, Agaasimayaal, madaxda Akadeemiyada AGA, masuulyiinta Golaha Abwaannnada, dhallinyaro ka kala socotay naadiyada akhriska iyo qoraalka, fannaaniin iyo marti-sharaf kale. Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga\u00a0\u00a0Prof. Maxamed Daahir [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-iyo-dhaqanka-soomaaliya-oo-akadeemiye-goboleedka-afsoomaaliga-ku-ammaanay-weyneynta-xuska-maalinta-afka-hooyo\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2019-02-20T19:57:30+00:00","article_modified_time":"2019-02-20T20:01:41+00:00","og_image":[{"width":1095,"height":821,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/02\/thumbnail_13.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-iyo-dhaqanka-soomaaliya-oo-akadeemiye-goboleedka-afsoomaaliga-ku-ammaanay-weyneynta-xuska-maalinta-afka-hooyo\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-iyo-dhaqanka-soomaaliya-oo-akadeemiye-goboleedka-afsoomaaliga-ku-ammaanay-weyneynta-xuska-maalinta-afka-hooyo\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"WASIIRKA WARFAAFINTA IYO DHAQANKA SOOMAALIYA OO AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AFSOOMAALIGA KU AMMAANAY WEYNEYNTA XUSKA MAALINTA AFKA HOOYO","datePublished":"2019-02-20T19:57:30+00:00","dateModified":"2019-02-20T20:01:41+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-iyo-dhaqanka-soomaaliya-oo-akadeemiye-goboleedka-afsoomaaliga-ku-ammaanay-weyneynta-xuska-maalinta-afka-hooyo\/"},"wordCount":572,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["kaydka","Wararka AGA"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-iyo-dhaqanka-soomaaliya-oo-akadeemiye-goboleedka-afsoomaaliga-ku-ammaanay-weyneynta-xuska-maalinta-afka-hooyo\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-iyo-dhaqanka-soomaaliya-oo-akadeemiye-goboleedka-afsoomaaliga-ku-ammaanay-weyneynta-xuska-maalinta-afka-hooyo\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-iyo-dhaqanka-soomaaliya-oo-akadeemiye-goboleedka-afsoomaaliga-ku-ammaanay-weyneynta-xuska-maalinta-afka-hooyo\/","name":"WASIIRKA WARFAAFINTA IYO DHAQANKA SOOMAALIYA OO AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AFSOOMAALIGA KU AMMAANAY WEYNEYNTA XUSKA MAALINTA AFKA HOOYO - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2019-02-20T19:57:30+00:00","dateModified":"2019-02-20T20:01:41+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-iyo-dhaqanka-soomaaliya-oo-akadeemiye-goboleedka-afsoomaaliga-ku-ammaanay-weyneynta-xuska-maalinta-afka-hooyo\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-iyo-dhaqanka-soomaaliya-oo-akadeemiye-goboleedka-afsoomaaliga-ku-ammaanay-weyneynta-xuska-maalinta-afka-hooyo\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-iyo-dhaqanka-soomaaliya-oo-akadeemiye-goboleedka-afsoomaaliga-ku-ammaanay-weyneynta-xuska-maalinta-afka-hooyo\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"WASIIRKA WARFAAFINTA IYO DHAQANKA SOOMAALIYA OO AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AFSOOMAALIGA KU AMMAANAY WEYNEYNTA XUSKA MAALINTA AFKA HOOYO"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1359"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1359"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1359\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1373,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1359\/revisions\/1373"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1360"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1359"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1359"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1359"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}