{"id":1134,"date":"2019-01-07T21:13:41","date_gmt":"2019-01-07T21:13:41","guid":{"rendered":"http:\/\/aga.so\/so\/?p=1134"},"modified":"2019-01-07T21:18:10","modified_gmt":"2019-01-07T21:18:10","slug":"guddoomiyaha-aqalka-sare-oo-shahaadooyin-guddoonsiiyay-dhallinyaro-ay-tababbartay-akadeemiye-goboleedka-aga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyaha-aqalka-sare-oo-shahaadooyin-guddoonsiiyay-dhallinyaro-ay-tababbartay-akadeemiye-goboleedka-aga\/","title":{"rendered":"GUDDOOMIYAHA AQALKA SARE OO SHAHAADOOYIN GUDDOONSIIYAY DHALLINYARO AY TABABBARTAY AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AGA"},"content":{"rendered":"<h4>Maanta oo taariikhdu ay ahayd 7\/1\/2019 waxaa Hotelka Royal Palace ee magaalada Muqdisho lagu qabtay Xaflad ay si qurux badan u soo agaasintay Akadeemiye-Goboleedka Af-soomaaliga (AGA).<\/h4>\n<h4>\u00a0Xafladdaas oo \u00a0ku saabsaneyd gunaanadka iyo shahaado-bixinta tababbar ay AGA labadii bilood ee ugu dambeysey sannadkii dhammaaday xirfadda qoraal-curinta u tababbaraysey dhallinyaro arrimahaas hibo u leh, hase yeeshee u baahnaa jahayn iyo aqoon-kobcin; dhallinyaradaas oo tiradoodu gaareysey ilaa 140 oo isugu \u00a0jirey wiilal iyo gabdho waxaa shahaadooyin guddoonsiiyey Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlammaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane cabdi Xaashi Cabdillaahi.<\/h4>\n<h4>\u00a0 \u00a0Tababbarkan oo halkudheggiisu ahaa \u201c<strong>Tababbar-Xirfadeedkii Qoraal-Curinta Toolmoon<\/strong>\u201d waxaa ka soo qaybgalay dad badan oo ay ka mid ahaayeen ka-qaybgalayaashii tababbarka iyo madax ka kala socotay Aqalka Sare, Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga, Golaha Abwaannada\u00a0\u00a0iyo masuuliyiinta Naadiyada akhriska iyo qoraalka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin naadiyada Hilin-hayaan, Banaadir, Xamar, Ifiye iyo Maskax-shiil.<\/h4>\n<h4>Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Prof. Maxamed Daahir Afrax oo furitaankii munaasabaddaas ka soo jeediayay hadal qiimo badan ayaa sheegay ugu horeyntii\u00a0\u00a0inuu bahda qoraalka iyo akhriska afka hooyo uu ugu hambalyeynayo dhalashada sannadka cusub ee 2019-ka, waxaana uu carrabka ku dhuftay in Gudoomiyaha Aqalka Sare Md. Cabdi Xaashi\u00a0\u00a0uu yahay halyey qiimo badan oo safka hore kaga jiro hiilka afka hooyo. Wuxuu tilmaamay sannadkii dhammaaday ee 2018 in uu ahaa sannad AGA ay tallaabooyin waaweyn hore u qaadday kuna guulaysatey waxqabad dhaxal-gal ah.<\/h4>\n<h4>\u201cNasiib wanaag Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga waxay sannadkii dhamaaday ku guuleystay inay fuliso 90%\u00a0\u00a0hawlihii u qorsheysnaa, shaqooyinkii ay samaysay sannadkaasi waxaa tusaale u ah tababbarradii taxanaha ahaa ee AGA siisay dhallinyarada hibada u\u00a0\u00a0leh akhriska iyo qoraalka, joogtaynta Taxanaha Darsidda Afka iyo Suugaanta Soomaalida, oo la soo saaray buugga Haldoor, curinta iyo joogtaynta Warsidaha AGA, dib u hawl-galinta Degalka (Website-ka) AGA, Curinta iyo joogtaynta Madasha AGA ee Horumarinta AfSoomaaliga iyo Hal-abuurkiisa, xuska munaasabdo caalami ah, sida \u00a0Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo iyo Maalinta caalamiga ah ee Buugga iyo\u00a0 xuquuqda Fekerka, iyo shaqooyin kale oo aad u fara badan\u201d ayuu yiri Prof. Afrax oo sheegay inuu u han-weyn yahay in sannadkan cusub la\u00a0gu tallaabsan doono waxqabad intaas ka sii ballaaran.<\/h4>\n<h4>Guddoomiyaha Aqalka Sare Md, Cabdi Xaashi C\/llaahi oo isna munaasabadaas ka soo jeediyay khudbad aad loo jecleystay ayaa sheegay inuu ku faraxsan \u00a0yahay sida ay dhallinyarada Soomaaliyeed ugu bisil yihiin u hiilinta afkooda\u00a0\u00a0hooyo, waxaana uu\u00a0\u00a0bulshada\u00a0\u00a0u soo jeediyay inay u\u00a0\u00a0istaagto\u00a0\u00a0\u00a0illaalinta afka Soomaaliga.<\/h4>\n<h4>Md, Cabdi Xaashi oo hadalkiia sii wata ayaa hoosta ka xariiqay inuu Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga uu uga mahadnaqayo dadaalka ay ugu jirto daryeelka afka hooyo, waxaana uu caddeeyay inay AGA ay meelmarisay kaalintii kaga aadanayd illaalinta iyo hiilka afka Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa, isaga oo\u00a0\u00a0dhinaca kale bogaadiyay dhallinyaradii halkaasi shahaadooyinka lagu siinayay ee soo dhamaystay tababbarkii ay u qabatay AGA.<\/h4>\n<h4>Bare sare Mustafa C\/laahi Feyruus\u00a0\u00a0oo ka mid ah madaxda Akadeemiyada Aga ayaa si faah-faahsan uga\u00a0warbixiyay arimo la xiriira tababbarkii\u00a0\u00a0Qoraal-Curinta Toolmoon, taariikhda Akadeemiyada iyo guulihii ay ku talaabsatay AGA sannadkii la soo dhaafay iyo hiigsigeeda sannadka cusub, waxaana uu tilmaamay sannadkii la soo dhaafay inuu ahaa sannad mucjiso ah oo Akadeemiyadu ay qabatay hawlo lagu faani karo.<\/h4>\n<h4>Guddoomiyaasha Naadiyada akhriska iyo qoraalka Hillin-hayaan, Banaadir iyo Xamar C\/qaadir Axmed Jubba, Khaddar Cabdi C\/llaahi iyo Saciido Muxyadiin Midnimo oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyay sida ay uga faa\u2019iidaysteen tababbarkaasi, waxaana ay u mhad-celiyeen Akadeemiyada\u00a0\u00a0oo u sahashay tababbbarkaas, iyagoo balan-qaaday inay hiil u yihiin Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga.<\/h4>\n<h4>Munaasabaddaasi\u00a0\u00a0ayaa gaba-gabadeedii waxaa\u00a0\u00a0Shahaadooyin lagu guddoonsiiyay Seddexdii Dufcaddood ee dhamaystay\u00a0\u00a0tababbarkii ku aadanaa Qoraal-Curinta Toolmoon, waxaana halkaas lagu soo bandhigay suugaan\u00a0\u00a0ka tarjumaysay afka iyo hal-abuurkiisa, taasi oo ay soo jeedinayeen abwaanno ka tirsan Golaha Abwaannada Soomaaliyeed.<\/h4>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-1136\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_3-1024x768.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_3-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_3-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_3-768x576.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_3.jpg 1095w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-1137\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_22-1024x768.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_22-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_22-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_22-768x576.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_22.jpg 1095w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-1138\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_25-1024x768.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_25-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_25-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_25-768x576.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_25.jpg 1095w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-1139\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_28-1024x768.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_28-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_28-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_28-768x576.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_28.jpg 1095w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-1140\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_19-1024x768.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_19-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_19-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_19-768x576.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_19.jpg 1095w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-1141\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_5-1024x768.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_5-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_5-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_5-768x576.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_5.jpg 1095w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-1142\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_33-1024x768.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_33-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_33-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_33-768x576.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_33.jpg 1095w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-1143\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_13-1024x768.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_13-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_13-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_13-768x576.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_13.jpg 1095w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-1144\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_12-1024x768.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_12-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_12-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_12-768x576.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_12.jpg 1095w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-1145\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_8-1024x768.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_8-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_8-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_8-768x576.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_8.jpg 1095w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-1146\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_10-1024x768.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_10-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_10-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_10-768x576.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_10.jpg 1095w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-1147\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_11-1024x768.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_11-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_11-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_11-768x576.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_11.jpg 1095w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-1148\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_17-1024x768.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_17-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_17-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_17-768x576.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_17.jpg 1095w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-1149\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_35-1024x768.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_35-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_35-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_35-768x576.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_35.jpg 1095w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-large wp-image-1150\" src=\"http:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_24-1024x768.jpg\" alt=\"\" width=\"618\" height=\"464\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_24-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_24-300x225.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_24-768x576.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_24.jpg 1095w\" sizes=\"(max-width: 618px) 100vw, 618px\" \/><\/p>\n<h4><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Maanta oo taariikhdu ay ahayd 7\/1\/2019 waxaa Hotelka Royal Palace ee magaalada Muqdisho lagu qabtay Xaflad ay si qurux badan u soo agaasintay Akadeemiye-Goboleedka Af-soomaaliga (AGA). \u00a0Xafladdaas oo \u00a0ku saabsaneyd gunaanadka iyo shahaado-bixinta tababbar ay AGA labadii bilood ee ugu dambeysey sannadkii dhammaaday xirfadda qoraal-curinta u tababbaraysey dhallinyaro arrimahaas hibo u leh, hase yeeshee u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1136,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[7,1],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>GUDDOOMIYAHA AQALKA SARE OO SHAHAADOOYIN GUDDOONSIIYAY DHALLINYARO AY TABABBARTAY AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AGA - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyaha-aqalka-sare-oo-shahaadooyin-guddoonsiiyay-dhallinyaro-ay-tababbartay-akadeemiye-goboleedka-aga\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"GUDDOOMIYAHA AQALKA SARE OO SHAHAADOOYIN GUDDOONSIIYAY DHALLINYARO AY TABABBARTAY AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AGA - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Maanta oo taariikhdu ay ahayd 7\/1\/2019 waxaa Hotelka Royal Palace ee magaalada Muqdisho lagu qabtay Xaflad ay si qurux badan u soo agaasintay Akadeemiye-Goboleedka Af-soomaaliga (AGA). \u00a0Xafladdaas oo \u00a0ku saabsaneyd gunaanadka iyo shahaado-bixinta tababbar ay AGA labadii bilood ee ugu dambeysey sannadkii dhammaaday xirfadda qoraal-curinta u tababbaraysey dhallinyaro arrimahaas hibo u leh, hase yeeshee u [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyaha-aqalka-sare-oo-shahaadooyin-guddoonsiiyay-dhallinyaro-ay-tababbartay-akadeemiye-goboleedka-aga\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2019-01-07T21:13:41+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2019-01-07T21:18:10+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_3.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1095\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"821\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyaha-aqalka-sare-oo-shahaadooyin-guddoonsiiyay-dhallinyaro-ay-tababbartay-akadeemiye-goboleedka-aga\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyaha-aqalka-sare-oo-shahaadooyin-guddoonsiiyay-dhallinyaro-ay-tababbartay-akadeemiye-goboleedka-aga\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"GUDDOOMIYAHA AQALKA SARE OO SHAHAADOOYIN GUDDOONSIIYAY DHALLINYARO AY TABABBARTAY AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AGA\",\"datePublished\":\"2019-01-07T21:13:41+00:00\",\"dateModified\":\"2019-01-07T21:18:10+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyaha-aqalka-sare-oo-shahaadooyin-guddoonsiiyay-dhallinyaro-ay-tababbartay-akadeemiye-goboleedka-aga\/\"},\"wordCount\":606,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"kaydka\",\"Wararka AGA\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyaha-aqalka-sare-oo-shahaadooyin-guddoonsiiyay-dhallinyaro-ay-tababbartay-akadeemiye-goboleedka-aga\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyaha-aqalka-sare-oo-shahaadooyin-guddoonsiiyay-dhallinyaro-ay-tababbartay-akadeemiye-goboleedka-aga\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyaha-aqalka-sare-oo-shahaadooyin-guddoonsiiyay-dhallinyaro-ay-tababbartay-akadeemiye-goboleedka-aga\/\",\"name\":\"GUDDOOMIYAHA AQALKA SARE OO SHAHAADOOYIN GUDDOONSIIYAY DHALLINYARO AY TABABBARTAY AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AGA - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2019-01-07T21:13:41+00:00\",\"dateModified\":\"2019-01-07T21:18:10+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyaha-aqalka-sare-oo-shahaadooyin-guddoonsiiyay-dhallinyaro-ay-tababbartay-akadeemiye-goboleedka-aga\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyaha-aqalka-sare-oo-shahaadooyin-guddoonsiiyay-dhallinyaro-ay-tababbartay-akadeemiye-goboleedka-aga\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyaha-aqalka-sare-oo-shahaadooyin-guddoonsiiyay-dhallinyaro-ay-tababbartay-akadeemiye-goboleedka-aga\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"GUDDOOMIYAHA AQALKA SARE OO SHAHAADOOYIN GUDDOONSIIYAY DHALLINYARO AY TABABBARTAY AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AGA\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"GUDDOOMIYAHA AQALKA SARE OO SHAHAADOOYIN GUDDOONSIIYAY DHALLINYARO AY TABABBARTAY AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AGA - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyaha-aqalka-sare-oo-shahaadooyin-guddoonsiiyay-dhallinyaro-ay-tababbartay-akadeemiye-goboleedka-aga\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"GUDDOOMIYAHA AQALKA SARE OO SHAHAADOOYIN GUDDOONSIIYAY DHALLINYARO AY TABABBARTAY AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AGA - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Maanta oo taariikhdu ay ahayd 7\/1\/2019 waxaa Hotelka Royal Palace ee magaalada Muqdisho lagu qabtay Xaflad ay si qurux badan u soo agaasintay Akadeemiye-Goboleedka Af-soomaaliga (AGA). \u00a0Xafladdaas oo \u00a0ku saabsaneyd gunaanadka iyo shahaado-bixinta tababbar ay AGA labadii bilood ee ugu dambeysey sannadkii dhammaaday xirfadda qoraal-curinta u tababbaraysey dhallinyaro arrimahaas hibo u leh, hase yeeshee u [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyaha-aqalka-sare-oo-shahaadooyin-guddoonsiiyay-dhallinyaro-ay-tababbartay-akadeemiye-goboleedka-aga\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2019-01-07T21:13:41+00:00","article_modified_time":"2019-01-07T21:18:10+00:00","og_image":[{"width":1095,"height":821,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2019\/01\/thumbnail_3.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyaha-aqalka-sare-oo-shahaadooyin-guddoonsiiyay-dhallinyaro-ay-tababbartay-akadeemiye-goboleedka-aga\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyaha-aqalka-sare-oo-shahaadooyin-guddoonsiiyay-dhallinyaro-ay-tababbartay-akadeemiye-goboleedka-aga\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"GUDDOOMIYAHA AQALKA SARE OO SHAHAADOOYIN GUDDOONSIIYAY DHALLINYARO AY TABABBARTAY AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AGA","datePublished":"2019-01-07T21:13:41+00:00","dateModified":"2019-01-07T21:18:10+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyaha-aqalka-sare-oo-shahaadooyin-guddoonsiiyay-dhallinyaro-ay-tababbartay-akadeemiye-goboleedka-aga\/"},"wordCount":606,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["kaydka","Wararka AGA"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyaha-aqalka-sare-oo-shahaadooyin-guddoonsiiyay-dhallinyaro-ay-tababbartay-akadeemiye-goboleedka-aga\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyaha-aqalka-sare-oo-shahaadooyin-guddoonsiiyay-dhallinyaro-ay-tababbartay-akadeemiye-goboleedka-aga\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyaha-aqalka-sare-oo-shahaadooyin-guddoonsiiyay-dhallinyaro-ay-tababbartay-akadeemiye-goboleedka-aga\/","name":"GUDDOOMIYAHA AQALKA SARE OO SHAHAADOOYIN GUDDOONSIIYAY DHALLINYARO AY TABABBARTAY AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AGA - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2019-01-07T21:13:41+00:00","dateModified":"2019-01-07T21:18:10+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyaha-aqalka-sare-oo-shahaadooyin-guddoonsiiyay-dhallinyaro-ay-tababbartay-akadeemiye-goboleedka-aga\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyaha-aqalka-sare-oo-shahaadooyin-guddoonsiiyay-dhallinyaro-ay-tababbartay-akadeemiye-goboleedka-aga\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/guddoomiyaha-aqalka-sare-oo-shahaadooyin-guddoonsiiyay-dhallinyaro-ay-tababbartay-akadeemiye-goboleedka-aga\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"GUDDOOMIYAHA AQALKA SARE OO SHAHAADOOYIN GUDDOONSIIYAY DHALLINYARO AY TABABBARTAY AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AGA"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1134"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1134"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1134\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1151,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1134\/revisions\/1151"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1136"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1134"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1134"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1134"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}