{"id":10628,"date":"2026-06-02T13:10:06","date_gmt":"2026-06-02T10:10:06","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=10628"},"modified":"2026-06-06T13:49:57","modified_gmt":"2026-06-06T10:49:57","slug":"maareeyaha-hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-daahfurtay-ereybixinta-amniga-saybarka-ee-af-soomaaliga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/maareeyaha-hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-daahfurtay-ereybixinta-amniga-saybarka-ee-af-soomaaliga\/","title":{"rendered":"Maareeyaha Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saybarka ee Af Soomaaliga"},"content":{"rendered":"<h4>Munaasabad lagu maamuusayay daahfurka Ereybixinta Amniga Saybarka (Cyber Security) ee dhinaca af Soomaaliga, ayna iska kaashadeen Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) &amp; Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka &amp; Suugaanta ayaa maanta oo ku beegan 1\/6\/26, waxaa lagu qabatay xarunta Akademiye Goboleedka ee magaalada Muqdisho.<\/h4>\n<h4>Munaasabadaas oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas&#8217; uuliyiin ka kala socotay hay\u2019adaha dowladda, aqoonyahanno, khubaro dhanka luuqadaha ah, xeeldheereyaal teknoolojiyadeed, ardayda jaamacadaha iyo marti sharaf kale oo aad badan.<\/h4>\n<h4>Ugu horreyn, waxaa munaasabadaas ka hadlay Prof. Mustafa Fayruus oo ka mid ah madaxda Akademiya Goboleedka (AGA), wuxuuna halkaasi ka soo jeediyay hadalllo isugu jiray soo dhoweyn,, mahadnaq &amp; muhiimmadda ay leedahay ereybixinta.<\/h4>\n<h4>Intaasi kaddib, waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay kusimaha guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Cabdifitaax Axmed Abuukar (Foodcade), oo ka hadlay baahida loo qabo in af Soomaaligu la jaanqaado horumarka teknoolojiyadda casriga ah.<\/h4>\n<h4>\u201cAfku waa hoyga aqoonta. Haddii afkeenna aanu la jaanqaadi karin horumarka teknoolojiyadda casriga ah, waxaa adkaanaysa in bulshada si buuxda uga faa\u2019iidaysato isbeddellada cusub. Ereybixintani waxay qayb ka tahay dadaallada lagu kobcinayo af Soomaaliga, tayeynta adeegyada dowladda iyo wacyigelinta bulshada,\u201d ayuu yiri Mudane Foodcade.<\/h4>\n<h4>Barasare Cabdalla Cumar Mansuur, oo ku hadlayay magaca \u00a0Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), ayaa ka hadlay muhiimmadda ereybixintu ay u leedahay horumarinta afka iyo cilmiyeyntiisa, isagoo tilmaamay in mideynta ereyada cusub iyo ka faa\u2019iidaysiga dadaalladii hore ee horumarinta af Soomaaligu ay muhiim u yihiin kobcinta iyo horumarinta afka.<\/h4>\n<h4>\u201cEreybixintu waa waxa afka ka dhigaya mid cilmiyeed. Marka ereyo cusub la sameynayo waxaa muhiim ah in la mideeyo, laga fogaado tarjumaad xarfi ah, isla markaana laga faa\u2019iidaysto dadaalladii hore ee lagu horumarinayay af Soomaaliga. Taasi waxay xaqiijinaysaa in afku sii ahaado mid la jaanqaadi kara aqoonta iyo culuumta cusub.\u201d ayuu yiri Barasare Cabdalla Mansuur.<\/h4>\n<h4>Maareeyaha Guud ee Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh , ayaa sheegay in dadaalkaan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo adeegsiga af Soomaaliga ee Amniga Saaybarka.<\/h4>\n<h4>\u201cHelitaanka ereybixin mideysan oo af Soomaali ah waxay fududeyn doontaa diyaarinta sharciyada, siyaasadaha, qoraallada cilmiyeed iyo agabka wacyigelinta ee la xiriira amniga saaybarka. Waxa kale oo ay ka caawin doontaa ardayda, waalidiinta iyo bulshada inteeda kale inay si fudud u fahmaan fikradaha iyo khataraha la xiriira dunida dhijitaalka ah,\u201d ayuu yiri Mudane Mustafa .<\/h4>\n<h4>Maareeyaha hay&#8217;adda Isgaaraiinta Qaranka oo hadalkiisa aii wata ayaa xusay in ereybixintani ay fududeyn doonto tarjumaadda maqaallada cilmiyeed, buugaagta iyo agabka kale ee teknoolojiyadda, taas oo kor u qaadi doonta helitaanka aqoonta iyo ka qeybgalka bulshada ee arrimaha dhijitaalka ah.<\/h4>\n<h4>Daahfurka Ereybixinta Amniga Saaybarka ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo af Soomaaliga, laguna xoojinayo adeegsigiisa dhinaca amniga saybarka, si bulshada Soomaaliyeed ay si sahlan ugu fahmi karto ugana faa\u2019iidaysan karto fikradaha iyo erayada cusub ee la xiriira teknoolojiyadda casriga ah.<\/h4>\n<h4><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-medium wp-image-10639\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/711631882_1425844862910937_7802099755044148778_n-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/711631882_1425844862910937_7802099755044148778_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/711631882_1425844862910937_7802099755044148778_n-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/711631882_1425844862910937_7802099755044148778_n.jpg 590w\" sizes=\"(max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/>\u00a0<img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-medium wp-image-10634\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710557111_1425846086244148_1390546064708349156_n-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710557111_1425846086244148_1390546064708349156_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710557111_1425846086244148_1390546064708349156_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710557111_1425846086244148_1390546064708349156_n-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710557111_1425846086244148_1390546064708349156_n-600x400.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710557111_1425846086244148_1390546064708349156_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710557111_1425846086244148_1390546064708349156_n-630x420.jpg 630w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710557111_1425846086244148_1390546064708349156_n.jpg 960w\" sizes=\"(max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-medium wp-image-10637\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710626194_1425845486244208_6382167086258249803_n-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710626194_1425845486244208_6382167086258249803_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710626194_1425845486244208_6382167086258249803_n-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710626194_1425845486244208_6382167086258249803_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710626194_1425845486244208_6382167086258249803_n-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710626194_1425845486244208_6382167086258249803_n-600x400.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710626194_1425845486244208_6382167086258249803_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710626194_1425845486244208_6382167086258249803_n-1392x928.jpg 1392w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710626194_1425845486244208_6382167086258249803_n-1068x712.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710626194_1425845486244208_6382167086258249803_n-630x420.jpg 630w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710626194_1425845486244208_6382167086258249803_n-1260x840.jpg 1260w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710626194_1425845486244208_6382167086258249803_n.jpg 1440w\" sizes=\"(max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-medium wp-image-10633\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710497407_1425845059577584_505745791184998459_n-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710497407_1425845059577584_505745791184998459_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710497407_1425845059577584_505745791184998459_n-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710497407_1425845059577584_505745791184998459_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710497407_1425845059577584_505745791184998459_n-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710497407_1425845059577584_505745791184998459_n-600x400.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710497407_1425845059577584_505745791184998459_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710497407_1425845059577584_505745791184998459_n-1392x928.jpg 1392w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710497407_1425845059577584_505745791184998459_n-1068x712.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710497407_1425845059577584_505745791184998459_n-630x420.jpg 630w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710497407_1425845059577584_505745791184998459_n-1260x840.jpg 1260w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710497407_1425845059577584_505745791184998459_n.jpg 1440w\" sizes=\"(max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-medium wp-image-10641\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/711802842_1425845726244184_5894235193645884994_n-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/711802842_1425845726244184_5894235193645884994_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/711802842_1425845726244184_5894235193645884994_n-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/711802842_1425845726244184_5894235193645884994_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/711802842_1425845726244184_5894235193645884994_n-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/711802842_1425845726244184_5894235193645884994_n-600x400.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/711802842_1425845726244184_5894235193645884994_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/711802842_1425845726244184_5894235193645884994_n-1392x928.jpg 1392w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/711802842_1425845726244184_5894235193645884994_n-1068x712.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/711802842_1425845726244184_5894235193645884994_n-630x420.jpg 630w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/711802842_1425845726244184_5894235193645884994_n-1260x840.jpg 1260w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/711802842_1425845726244184_5894235193645884994_n.jpg 1440w\" sizes=\"(max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-medium wp-image-10644\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/714305105_1425845586244198_6996925303891670653_n-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/714305105_1425845586244198_6996925303891670653_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/714305105_1425845586244198_6996925303891670653_n-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/714305105_1425845586244198_6996925303891670653_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/714305105_1425845586244198_6996925303891670653_n-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/714305105_1425845586244198_6996925303891670653_n-600x400.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/714305105_1425845586244198_6996925303891670653_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/714305105_1425845586244198_6996925303891670653_n-1392x928.jpg 1392w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/714305105_1425845586244198_6996925303891670653_n-1068x712.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/714305105_1425845586244198_6996925303891670653_n-630x420.jpg 630w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/714305105_1425845586244198_6996925303891670653_n-1260x840.jpg 1260w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/714305105_1425845586244198_6996925303891670653_n.jpg 1440w\" sizes=\"(max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-medium wp-image-10638\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710781902_1425845006244256_6894198037072485468_n-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710781902_1425845006244256_6894198037072485468_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710781902_1425845006244256_6894198037072485468_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710781902_1425845006244256_6894198037072485468_n-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710781902_1425845006244256_6894198037072485468_n-600x400.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710781902_1425845006244256_6894198037072485468_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710781902_1425845006244256_6894198037072485468_n-630x420.jpg 630w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710781902_1425845006244256_6894198037072485468_n.jpg 960w\" sizes=\"(max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-medium wp-image-10635\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710557111_1425846309577459_1032585408302579268_n-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710557111_1425846309577459_1032585408302579268_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710557111_1425846309577459_1032585408302579268_n-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710557111_1425846309577459_1032585408302579268_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710557111_1425846309577459_1032585408302579268_n-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710557111_1425846309577459_1032585408302579268_n-600x400.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710557111_1425846309577459_1032585408302579268_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710557111_1425846309577459_1032585408302579268_n-1392x928.jpg 1392w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710557111_1425846309577459_1032585408302579268_n-1068x712.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710557111_1425846309577459_1032585408302579268_n-630x420.jpg 630w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710557111_1425846309577459_1032585408302579268_n-1260x840.jpg 1260w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710557111_1425846309577459_1032585408302579268_n.jpg 1440w\" sizes=\"(max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-medium wp-image-10632\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710424224_1425845359577554_4234285944517421436_n-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710424224_1425845359577554_4234285944517421436_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710424224_1425845359577554_4234285944517421436_n-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710424224_1425845359577554_4234285944517421436_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710424224_1425845359577554_4234285944517421436_n-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710424224_1425845359577554_4234285944517421436_n-600x400.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710424224_1425845359577554_4234285944517421436_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710424224_1425845359577554_4234285944517421436_n-1392x928.jpg 1392w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710424224_1425845359577554_4234285944517421436_n-1068x712.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710424224_1425845359577554_4234285944517421436_n-630x420.jpg 630w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710424224_1425845359577554_4234285944517421436_n-1260x840.jpg 1260w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710424224_1425845359577554_4234285944517421436_n.jpg 1440w\" sizes=\"(max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-medium wp-image-10643\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/713844158_1425845626244194_4148808496726446973_n-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/713844158_1425845626244194_4148808496726446973_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/713844158_1425845626244194_4148808496726446973_n-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/713844158_1425845626244194_4148808496726446973_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/713844158_1425845626244194_4148808496726446973_n-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/713844158_1425845626244194_4148808496726446973_n-600x400.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/713844158_1425845626244194_4148808496726446973_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/713844158_1425845626244194_4148808496726446973_n-1392x928.jpg 1392w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/713844158_1425845626244194_4148808496726446973_n-1068x712.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/713844158_1425845626244194_4148808496726446973_n-630x420.jpg 630w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/713844158_1425845626244194_4148808496726446973_n-1260x840.jpg 1260w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/713844158_1425845626244194_4148808496726446973_n.jpg 1440w\" sizes=\"(max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-medium wp-image-10646\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/715291320_1425845262910897_7475936013398932275_n-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/715291320_1425845262910897_7475936013398932275_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/715291320_1425845262910897_7475936013398932275_n-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/715291320_1425845262910897_7475936013398932275_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/715291320_1425845262910897_7475936013398932275_n-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/715291320_1425845262910897_7475936013398932275_n-600x400.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/715291320_1425845262910897_7475936013398932275_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/715291320_1425845262910897_7475936013398932275_n-1392x928.jpg 1392w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/715291320_1425845262910897_7475936013398932275_n-1068x712.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/715291320_1425845262910897_7475936013398932275_n-630x420.jpg 630w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/715291320_1425845262910897_7475936013398932275_n-1260x840.jpg 1260w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/715291320_1425845262910897_7475936013398932275_n.jpg 1440w\" sizes=\"(max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-medium wp-image-10645\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/714620212_1425845846244172_3791096253098018183_n-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/714620212_1425845846244172_3791096253098018183_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/714620212_1425845846244172_3791096253098018183_n-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/714620212_1425845846244172_3791096253098018183_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/714620212_1425845846244172_3791096253098018183_n-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/714620212_1425845846244172_3791096253098018183_n-600x400.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/714620212_1425845846244172_3791096253098018183_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/714620212_1425845846244172_3791096253098018183_n-1392x928.jpg 1392w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/714620212_1425845846244172_3791096253098018183_n-1068x712.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/714620212_1425845846244172_3791096253098018183_n-630x420.jpg 630w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/714620212_1425845846244172_3791096253098018183_n-1260x840.jpg 1260w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/714620212_1425845846244172_3791096253098018183_n.jpg 1440w\" sizes=\"(max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-medium wp-image-10631\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710280839_1425845226244234_4226057106466031379_n-300x200.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"200\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710280839_1425845226244234_4226057106466031379_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710280839_1425845226244234_4226057106466031379_n-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710280839_1425845226244234_4226057106466031379_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710280839_1425845226244234_4226057106466031379_n-150x100.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710280839_1425845226244234_4226057106466031379_n-600x400.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710280839_1425845226244234_4226057106466031379_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710280839_1425845226244234_4226057106466031379_n-1392x928.jpg 1392w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710280839_1425845226244234_4226057106466031379_n-1068x712.jpg 1068w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710280839_1425845226244234_4226057106466031379_n-630x420.jpg 630w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710280839_1425845226244234_4226057106466031379_n-1260x840.jpg 1260w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710280839_1425845226244234_4226057106466031379_n.jpg 1440w\" sizes=\"(max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"alignnone size-medium wp-image-10636\" src=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710598465_1425845936244163_8914034899664962499_n-300x202.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"202\" srcset=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710598465_1425845936244163_8914034899664962499_n-300x202.jpg 300w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710598465_1425845936244163_8914034899664962499_n-768x516.jpg 768w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710598465_1425845936244163_8914034899664962499_n-150x101.jpg 150w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710598465_1425845936244163_8914034899664962499_n-600x403.jpg 600w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710598465_1425845936244163_8914034899664962499_n-696x468.jpg 696w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710598465_1425845936244163_8914034899664962499_n-625x420.jpg 625w, https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/710598465_1425845936244163_8914034899664962499_n.jpg 979w\" sizes=\"(max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Munaasabad lagu maamuusayay daahfurka Ereybixinta Amniga Saybarka (Cyber Security) ee dhinaca af Soomaaliga, ayna iska kaashadeen Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) &amp; Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka &amp; Suugaanta ayaa maanta oo ku beegan 1\/6\/26, waxaa lagu qabatay xarunta Akademiye Goboleedka ee magaalada Muqdisho. Munaasabadaas oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":10639,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[1],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Maareeyaha Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saybarka ee Af Soomaaliga - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/maareeyaha-hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-daahfurtay-ereybixinta-amniga-saybarka-ee-af-soomaaliga\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Maareeyaha Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saybarka ee Af Soomaaliga - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Munaasabad lagu maamuusayay daahfurka Ereybixinta Amniga Saybarka (Cyber Security) ee dhinaca af Soomaaliga, ayna iska kaashadeen Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) &amp; Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka &amp; Suugaanta ayaa maanta oo ku beegan 1\/6\/26, waxaa lagu qabatay xarunta Akademiye Goboleedka ee magaalada Muqdisho. Munaasabadaas oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/maareeyaha-hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-daahfurtay-ereybixinta-amniga-saybarka-ee-af-soomaaliga\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2026-06-02T10:10:06+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2026-06-06T10:49:57+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/711631882_1425844862910937_7802099755044148778_n.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"590\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"393\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"5 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maareeyaha-hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-daahfurtay-ereybixinta-amniga-saybarka-ee-af-soomaaliga\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maareeyaha-hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-daahfurtay-ereybixinta-amniga-saybarka-ee-af-soomaaliga\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Maareeyaha Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saybarka ee Af Soomaaliga\",\"datePublished\":\"2026-06-02T10:10:06+00:00\",\"dateModified\":\"2026-06-06T10:49:57+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maareeyaha-hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-daahfurtay-ereybixinta-amniga-saybarka-ee-af-soomaaliga\/\"},\"wordCount\":478,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Wararka AGA\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/maareeyaha-hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-daahfurtay-ereybixinta-amniga-saybarka-ee-af-soomaaliga\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maareeyaha-hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-daahfurtay-ereybixinta-amniga-saybarka-ee-af-soomaaliga\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maareeyaha-hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-daahfurtay-ereybixinta-amniga-saybarka-ee-af-soomaaliga\/\",\"name\":\"Maareeyaha Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saybarka ee Af Soomaaliga - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2026-06-02T10:10:06+00:00\",\"dateModified\":\"2026-06-06T10:49:57+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maareeyaha-hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-daahfurtay-ereybixinta-amniga-saybarka-ee-af-soomaaliga\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/maareeyaha-hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-daahfurtay-ereybixinta-amniga-saybarka-ee-af-soomaaliga\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/maareeyaha-hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-daahfurtay-ereybixinta-amniga-saybarka-ee-af-soomaaliga\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Maareeyaha Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saybarka ee Af Soomaaliga\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Maareeyaha Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saybarka ee Af Soomaaliga - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/maareeyaha-hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-daahfurtay-ereybixinta-amniga-saybarka-ee-af-soomaaliga\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Maareeyaha Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saybarka ee Af Soomaaliga - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Munaasabad lagu maamuusayay daahfurka Ereybixinta Amniga Saybarka (Cyber Security) ee dhinaca af Soomaaliga, ayna iska kaashadeen Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) &amp; Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka &amp; Suugaanta ayaa maanta oo ku beegan 1\/6\/26, waxaa lagu qabatay xarunta Akademiye Goboleedka ee magaalada Muqdisho. Munaasabadaas oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/maareeyaha-hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-daahfurtay-ereybixinta-amniga-saybarka-ee-af-soomaaliga\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2026-06-02T10:10:06+00:00","article_modified_time":"2026-06-06T10:49:57+00:00","og_image":[{"width":590,"height":393,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/06\/711631882_1425844862910937_7802099755044148778_n.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"5 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maareeyaha-hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-daahfurtay-ereybixinta-amniga-saybarka-ee-af-soomaaliga\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maareeyaha-hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-daahfurtay-ereybixinta-amniga-saybarka-ee-af-soomaaliga\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Maareeyaha Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saybarka ee Af Soomaaliga","datePublished":"2026-06-02T10:10:06+00:00","dateModified":"2026-06-06T10:49:57+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maareeyaha-hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-daahfurtay-ereybixinta-amniga-saybarka-ee-af-soomaaliga\/"},"wordCount":478,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Wararka AGA"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/maareeyaha-hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-daahfurtay-ereybixinta-amniga-saybarka-ee-af-soomaaliga\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maareeyaha-hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-daahfurtay-ereybixinta-amniga-saybarka-ee-af-soomaaliga\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/maareeyaha-hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-daahfurtay-ereybixinta-amniga-saybarka-ee-af-soomaaliga\/","name":"Maareeyaha Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saybarka ee Af Soomaaliga - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2026-06-02T10:10:06+00:00","dateModified":"2026-06-06T10:49:57+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maareeyaha-hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-daahfurtay-ereybixinta-amniga-saybarka-ee-af-soomaaliga\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/maareeyaha-hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-daahfurtay-ereybixinta-amniga-saybarka-ee-af-soomaaliga\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/maareeyaha-hayadda-isgaarsiinta-qaranka-oo-daahfurtay-ereybixinta-amniga-saybarka-ee-af-soomaaliga\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Maareeyaha Hay\u2019adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saybarka ee Af Soomaaliga"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10628"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=10628"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10628\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10649,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10628\/revisions\/10649"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/10639"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=10628"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=10628"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=10628"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}