{"id":10563,"date":"2026-05-12T11:06:01","date_gmt":"2026-05-12T08:06:01","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=10563"},"modified":"2026-05-12T11:15:32","modified_gmt":"2026-05-12T08:15:32","slug":"doodda-qabyannimada-farta-af-soomaaliga-shaqallada-shibbanayaasha","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/doodda-qabyannimada-farta-af-soomaaliga-shaqallada-shibbanayaasha\/","title":{"rendered":"Doodda Qabyannimada Farta Af Soomaaliga (Shaqallada &#038; Shibbanayaasha)"},"content":{"rendered":"<h4>Farta af Soomaaligu in ay qabyo tahay, sida dadka qaarkiis aamminsan yihiin, waa aragti aan qummanayn. Runtiise fartani waa mid fadhida, oo ku habboon af Soomaaliga. Si aynu arrintan isula garanno waxa lagama maarmaan noqonaysa in la kala saaro laba shay: (1) daraasaadka cilmi-afeedka ee sida gaarka ah u falanqeeya codayntiisa afka (<em>phonology<\/em>) iyo (2) waxa loo yaqaan afka alifba\u2019diisa (<em>alphapet<\/em>).<\/h4>\n<h4>Waa ay adagtahay in, guud ahaan af alifba\u2019da af kasta wada koobto dhammaan codadka uu afkaasu leeyahay. Keennuna kuwaas ayuun buu la midyahay. Dooddan sugnaanteeda waxyaabaha caddaynaya waxaa ka mid ah saddexdan arrimood ee soo socda:<\/h4>\n<ol>\n<li>\n<h4><strong>Shibbanayaasha af Soomaaligu ma dhan yihiin?<\/strong><\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4><strong>Shaqallada af Soomaaligu ma dhan yihiin?<\/strong><\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4><strong>Erey lab iyo dheddigba\u00a0noqda<\/strong><\/h4>\n<\/li>\n<\/ol>\n<h4>Af Soomaaliga waxa jira codad shibbanayaal ah oo aan la qorin, ilduufna aan looga tegin. Xarfaha la qoro waa asaasi, maxaayeelay lagama maarmi karo. Tus.: ereyada <strong><em>d<\/em><\/strong><em>al<\/em> &amp; <strong><em>b<\/em><\/strong><em>al<\/em>, oo ay isaga mid yihiin labada xaraf ee dambe (-<em>al<\/em>), waxaa micnahooda\u00a0 kala duway labada xaraf:<strong> <em>d <\/em><\/strong>&amp;<strong><em> b<\/em><\/strong>, oo leh codad kala duwan waxayna labada erey u yeelaan macne kala duwan. Xarfaha noocan ah waxaa loo yaqaan \u201c<strong><em>phoneme<\/em><\/strong>\u201d.<\/h4>\n<h4>Taa cagsigeeda waxaa jira codad si ulakac ah looga tegay, waayo, macnaha erayada waxba kama bedelayaan. Noocan waxaana loo yaqaan \u201c<strong><em>allophone<\/em><\/strong>\u201d. Waxaan tusaale ahaan u soo qaadanaynaa codadka p,\u00a0 iyo ereyada dab &amp; dap. Inkastoo labada xarf b &amp; p qaab ahaan ay\u00a0 kala duwanyihiin, haddana xarafka p uma yeelayo ereyga dap micne ka duwan midka dab. Sidaa awgeed xarafka p ma aha mid asaasi ah. Xarfaha kale ee la halmaalana waxaa ka mid ah: th [\u00f0], ng [\u014b] iyo gh [\u0263].<\/h4>\n<h4><strong>Astaamaha xarfahan <em>aan asaasiga ahayn waa <\/em>laba arrimood: <\/strong><\/h4>\n<ol>\n<li>\n<h4>Marna uma keenaan ereyga isbeddel micne oo gaar ah;<\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>Shaqal ayaana mar walba ka horreeya, oo erey billowgiisa laguma arko.<\/h4>\n<\/li>\n<\/ol>\n<h4>Toddobada shibbane ee laballaabma ee la qoro<span style=\"text-decoration: line-through;\">,<\/span> ka sokow, waxaa jira shibbanayaal kale oo laballaabma oo aan la qorin. <em>Shibbanayaasha aan qoraal ahaan la laballaabin waa kuwa aanay waxba iska beddelin micnahooda, haddii la laballaabo iyo haddii kale, tusaale: a<strong>ff<\/strong>ar afar(micnahoodu waa isku mid). <\/em>\u00a0Iyadoo la raacayo xeerka dhaqaalaynta dhigaalka farta, ayaa ogaan ahaan looga tegay in qoraal ahaan la laballaabo shibbanayaasha qaar, iyagoo dhawaaq ahaan laballaabma.<\/h4>\n<h4>Shaqallada af Soomaaliga shaqal waliba 4 cod oo kala duwan ayuu leeyahay, sidaas oo ay tahay 2 qaab uun baa la qoraa (shaqal dheer iyo shaqal gaaban). Weerta ayaana laga garan karaa in ereyga shaqalkiisu uu fududyahay ama culusyahay.<\/h4>\n<h4>Tusaale ahaan, u fiirso shaqalka \u201c<em>u<\/em>\u201d iyo \u201c<em>uu<\/em>\u201d oo mid kastaaba labadiisa codi kala duwanyihiin:<\/h4>\n<ul>\n<li>\n<h4>2 shaqal ee culculus:<em> d<u>uu<\/u>l(ka) <\/em>iyo<em> d<u>u<\/u>l(ka)<\/em><\/h4>\n<\/li>\n<li>\n<h4>2 shaqal ee fudfudud:<em> duul(id) <\/em>iyo<em> dul(dusha)<\/em><\/h4>\n<\/li>\n<\/ul>\n<h4>Farta Soomaaligu waa far dhammaystiran oo si cilmiyeysan loogu jaangooyay baahida afka. In aan la qorin dhawaaq kasta oo la maqlo ma ahan qabyo, ee waa fududayn u adeegaysa afka iyo dadka adeegsanaya.<\/h4>\n<h4><strong>Qoraa Dayax Axmed-iley ayaa soo koobtay<br \/>\nHABDHIGAALKA AF SOOMAALIGA GUUD,<br \/>\nCabdalla Cumar Mansuur,<br \/>\n2024, Muqdisho bb. 5-12<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Farta af Soomaaligu in ay qabyo tahay, sida dadka qaarkiis aamminsan yihiin, waa aragti aan qummanayn. Runtiise fartani waa mid fadhida, oo ku habboon af Soomaaliga. Si aynu arrintan isula garanno waxa lagama maarmaan noqonaysa in la kala saaro laba shay: (1) daraasaadka cilmi-afeedka ee sida gaarka ah u falanqeeya codayntiisa afka (phonology) iyo (2) [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":10569,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[24],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Doodda Qabyannimada Farta Af Soomaaliga (Shaqallada &amp; Shibbanayaasha) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/doodda-qabyannimada-farta-af-soomaaliga-shaqallada-shibbanayaasha\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Doodda Qabyannimada Farta Af Soomaaliga (Shaqallada &amp; Shibbanayaasha) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Farta af Soomaaligu in ay qabyo tahay, sida dadka qaarkiis aamminsan yihiin, waa aragti aan qummanayn. Runtiise fartani waa mid fadhida, oo ku habboon af Soomaaliga. Si aynu arrintan isula garanno waxa lagama maarmaan noqonaysa in la kala saaro laba shay: (1) daraasaadka cilmi-afeedka ee sida gaarka ah u falanqeeya codayntiisa afka (phonology) iyo (2) [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/doodda-qabyannimada-farta-af-soomaaliga-shaqallada-shibbanayaasha\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2026-05-12T08:06:01+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2026-05-12T08:15:32+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/WhatsApp-Image-2026-05-12-at-11.07.30-1111111.jpeg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1080\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"793\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/doodda-qabyannimada-farta-af-soomaaliga-shaqallada-shibbanayaasha\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/doodda-qabyannimada-farta-af-soomaaliga-shaqallada-shibbanayaasha\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Doodda Qabyannimada Farta Af Soomaaliga (Shaqallada &#038; Shibbanayaasha)\",\"datePublished\":\"2026-05-12T08:06:01+00:00\",\"dateModified\":\"2026-05-12T08:15:32+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/doodda-qabyannimada-farta-af-soomaaliga-shaqallada-shibbanayaasha\/\"},\"wordCount\":483,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Xulka Maqaallada\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/doodda-qabyannimada-farta-af-soomaaliga-shaqallada-shibbanayaasha\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/doodda-qabyannimada-farta-af-soomaaliga-shaqallada-shibbanayaasha\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/doodda-qabyannimada-farta-af-soomaaliga-shaqallada-shibbanayaasha\/\",\"name\":\"Doodda Qabyannimada Farta Af Soomaaliga (Shaqallada & Shibbanayaasha) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2026-05-12T08:06:01+00:00\",\"dateModified\":\"2026-05-12T08:15:32+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/doodda-qabyannimada-farta-af-soomaaliga-shaqallada-shibbanayaasha\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/doodda-qabyannimada-farta-af-soomaaliga-shaqallada-shibbanayaasha\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/doodda-qabyannimada-farta-af-soomaaliga-shaqallada-shibbanayaasha\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Doodda Qabyannimada Farta Af Soomaaliga (Shaqallada &#038; Shibbanayaasha)\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Doodda Qabyannimada Farta Af Soomaaliga (Shaqallada & Shibbanayaasha) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/doodda-qabyannimada-farta-af-soomaaliga-shaqallada-shibbanayaasha\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Doodda Qabyannimada Farta Af Soomaaliga (Shaqallada & Shibbanayaasha) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Farta af Soomaaligu in ay qabyo tahay, sida dadka qaarkiis aamminsan yihiin, waa aragti aan qummanayn. Runtiise fartani waa mid fadhida, oo ku habboon af Soomaaliga. Si aynu arrintan isula garanno waxa lagama maarmaan noqonaysa in la kala saaro laba shay: (1) daraasaadka cilmi-afeedka ee sida gaarka ah u falanqeeya codayntiisa afka (phonology) iyo (2) [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/doodda-qabyannimada-farta-af-soomaaliga-shaqallada-shibbanayaasha\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2026-05-12T08:06:01+00:00","article_modified_time":"2026-05-12T08:15:32+00:00","og_image":[{"width":1080,"height":793,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/05\/WhatsApp-Image-2026-05-12-at-11.07.30-1111111.jpeg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/doodda-qabyannimada-farta-af-soomaaliga-shaqallada-shibbanayaasha\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/doodda-qabyannimada-farta-af-soomaaliga-shaqallada-shibbanayaasha\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Doodda Qabyannimada Farta Af Soomaaliga (Shaqallada &#038; Shibbanayaasha)","datePublished":"2026-05-12T08:06:01+00:00","dateModified":"2026-05-12T08:15:32+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/doodda-qabyannimada-farta-af-soomaaliga-shaqallada-shibbanayaasha\/"},"wordCount":483,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Xulka Maqaallada"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/doodda-qabyannimada-farta-af-soomaaliga-shaqallada-shibbanayaasha\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/doodda-qabyannimada-farta-af-soomaaliga-shaqallada-shibbanayaasha\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/doodda-qabyannimada-farta-af-soomaaliga-shaqallada-shibbanayaasha\/","name":"Doodda Qabyannimada Farta Af Soomaaliga (Shaqallada & Shibbanayaasha) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2026-05-12T08:06:01+00:00","dateModified":"2026-05-12T08:15:32+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/doodda-qabyannimada-farta-af-soomaaliga-shaqallada-shibbanayaasha\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/doodda-qabyannimada-farta-af-soomaaliga-shaqallada-shibbanayaasha\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/doodda-qabyannimada-farta-af-soomaaliga-shaqallada-shibbanayaasha\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Doodda Qabyannimada Farta Af Soomaaliga (Shaqallada &#038; Shibbanayaasha)"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10563"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=10563"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10563\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10566,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10563\/revisions\/10566"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/10569"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=10563"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=10563"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=10563"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}