{"id":10526,"date":"2026-04-18T10:43:40","date_gmt":"2026-04-18T07:43:40","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=10526"},"modified":"2026-04-18T10:43:40","modified_gmt":"2026-04-18T07:43:40","slug":"guntanihii-dadweynaha-waa-maanso-loo-tiriyay-prof-cali-jimcaale","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/guntanihii-dadweynaha-waa-maanso-loo-tiriyay-prof-cali-jimcaale\/","title":{"rendered":"GUNTANIHII DADWEYNAHA (WAA MAANSO LOO TIRIYAY PROF. CALI JIMCAALE)"},"content":{"rendered":"<p>Xeeldheere Cali Jimcaale Axmed (Prof. Cali Jimcaale), wuxuu ku dhashay caasimadda Soomaaliya\u2014Muqdisho, hilaaddii 1958-dii. Wuxuu wax ku bartay magaalada Mudisho. Waxa uu ka baxay kulliyaddi Lafoole ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan kulliyaddii waxbarsahada, isagoo ka qalinjabiyay qaybtii afka Soomaaliga &amp; afka Ingiriisiga. Waxa heerka labaad iyo kan saddexaadba uu ku soo qaatay dalka dibaddiisa. Waxa uu bare iyo macallin ka noqday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) qaran-jabki ka hor.<\/p>\n<p>Aqoonyahan Dr. Cali Jimcaale Axmed waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo caan ah, sidoo kalena ah gabayaa curin og jaadadka maansada, filim-sameeye, iyo baare ku xeeldheer aqoonta dhaqanka iyo cilmiga bulshadaba. Waxa uu geed-fadhi u ahaa; isbarbardhigga cilmiga suugaanta, daraasaadka filimada, daraasaadka Afrika. Waxa hubaal ah inuu si gaar ah diiradda u saaray: dhaqanka Soomaaliyeed, af-Soomaaliga, hiddaha iyo sheekooyinka afka laga dhaxlo. Burburkii iyo kala haadkii kaddib, waxa uu bare ka noqday jaamacado ku yaal carriga Maraykanka, sida Queens College, City University of New York.<\/p>\n<p>Marxuumku waxa uu ahaa gabayaa iyo qoraa sumcad ku dhex leh shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada Geeska Afrika. Haddii aan wax uun ka tilmaanno xeeldheeraha wax-soosaarkiisa iyo qoraalladiisaba, waxay inta badan ka hadlaan: aqoonsiga Soomaalinnimada, qurbaha iyo jaahwareerka tahriibka, xusuusta iyo hiddaha faca weyn ee aan isugu gudbino werinta afka iyo dheg-ku-xambaarka. Muhiimadda uu leeyahay Prof. Cali Jimcaale Axmed haddii aan soo koobno waa \u201cshaqsi kaalin weyn ka ciyaaray ilaalinta iyo faafinta dhaqanka Soomaaliyeed, isaga oo isku xiraya hiddaha soo jireenka ah iyo aqoonta casriga ah\u201d. Xeeldheeruhu, waxa uu xijaabtey 31-Mar, 2026-kii.<\/p>\n<p>Maansadani, waa howraar kooban oo aan ka jeediyey munaasabad baroordiiq iyo duco ahayd oo lagu qabtay 9, Abriil-2026 Masraxa Prof. Shiriif Saalax ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, maansada \u201cGuntanihii Dadweynaha\u201d waxa ayna tidhi sidatan;<\/p>\n<p>Awrka gibilka loo xiray<\/p>\n<p>Gonda-jiidka lagu raray<\/p>\n<p>Guuraha habeennimo<\/p>\n<p>Guradiisa lagu ridey<\/p>\n<p>Gurmadkii u heelnaa<\/p>\n<p>Gaawaha u culi jirey<\/p>\n<p>Afka goosankiisiyo<\/p>\n<p>Kasmadii geyiga tiil<\/p>\n<p>Garka wiilka haystaa<\/p>\n<p>Foolaadka go\u2019ay buu<\/p>\n<p>Gobka haraca weyn iyo<\/p>\n<p>Guryasamo ku furayaa.<\/p>\n<p>****************<\/p>\n<p>Gundhigeedda xaajadu<\/p>\n<p>Waxay galabta joogtaa<\/p>\n<p>Garbadduubku weynaa<\/p>\n<p>Galaayuusku badanaa<\/p>\n<p>Gocashadan xanuunka leh<\/p>\n<p>Geeridu ku marantahay<\/p>\n<p>Gabalaaxsanmaynee<\/p>\n<p>Gacalkiyo qaraabooy<\/p>\n<p>Miyey golaha keeneen?<\/p>\n<p>****************<\/p>\n<p>Guullow Allahayoow<\/p>\n<p>Godka iilka loo qoday<\/p>\n<p>Gaso iyo Ganuun baa<\/p>\n<p>Gogol loogu fidiyeye<\/p>\n<p>Gasiin awliyaad iyo<\/p>\n<p>Gocosada macaan iyo<\/p>\n<p>Gomonshaaga miidda leh<\/p>\n<p>Ugu gaaci sabadkiyo<\/p>\n<p>Goofkiyo hareeraha.<\/p>\n<p>***************<\/p>\n<p>Garaadkii aqoontiyo<\/p>\n<p>Gabbaadkii ogaalkiyo<\/p>\n<p>Geedkii hadhka lahaa<\/p>\n<p>Gorfayntii fankeenniyo<\/p>\n<p>Galoolmudhay iftiinkii<\/p>\n<p>Suugaanta guunka ah<\/p>\n<p>Giraanteedu culustahay<\/p>\n<p>Gorgorkii u sahantegey<\/p>\n<p>Galalkeeda faaqidey<\/p>\n<p>Godlin jirey tiraabaha<\/p>\n<p>Gaaggaxa ka caagnaa<\/p>\n<p>Guullaha awoodda leh<\/p>\n<p>Gacantiisu weyntahay<\/p>\n<p>Geeridu xaq weeyee<\/p>\n<p>Cali galabta oofsaday<\/p>\n<p>Guranaa kashaydii<\/p>\n<p>Godob lama gunnaystee<\/p>\n<p>Godka xeerku culusaa<\/p>\n<p>Miyaan geed la tegayaa?<\/p>\n<p>******************<\/p>\n<p>Guntanihi dadweynaha<\/p>\n<p>Waajibkiisa gudan jirey<\/p>\n<p>Gunta, seeska sheekada<\/p>\n<p>Guntimaha ku xiri jirey<\/p>\n<p>Oo gogoldhig ararliyo<\/p>\n<p>Gabalgabal u qori jirey<\/p>\n<p>Guullaha awoodda leh<\/p>\n<p>Gacantiisu weyntahay<\/p>\n<p>Geeridu xaq weeyee<\/p>\n<p>Cali galabta oofsaday<\/p>\n<p>Guranaa kashaydii<\/p>\n<p>Godob lama gunnaystee<\/p>\n<p>Sirta gabaygu culusaa<\/p>\n<p>Miyaan giisi karayaa?<\/p>\n<p>*****************<\/p>\n<p>Guntanihi dadweynaha<\/p>\n<p>Waajibkiisa gudan jirey<\/p>\n<p>Gunta, seeska sheekada<\/p>\n<p>Guntimaha ku xiri jirey<\/p>\n<p>Oo gogoldhig ararliyo<\/p>\n<p>Gabalgabal u qori jirey<\/p>\n<p>Guullaha awoodda leh<\/p>\n<p>Gacantiisu weyntahay<\/p>\n<p>Geeridu xaq weeyee<\/p>\n<p>Cali galabta oofsaday<\/p>\n<p>Guranaa kashaydii<\/p>\n<p>Godob lama gunnaystee<\/p>\n<p>Guurow ha joogee<\/p>\n<p>Miyaan guuxi karayaa?<\/p>\n<p>****************<\/p>\n<p>Guntanihi dadweynaha<\/p>\n<p>Waajibkiisa gudan jirey<\/p>\n<p>Gunta, seeska sheekada<\/p>\n<p>Guntimaha ku xiri jirey<\/p>\n<p>Oo gogoldhig ararliyo<\/p>\n<p>Gabalgabal u qori jirey<\/p>\n<p>Guullaha awoodda leh<\/p>\n<p>Gacantiisu weyntahay<\/p>\n<p>Geeridu xaq weeyee<\/p>\n<p>Cali galabta oofsaday<\/p>\n<p>Guranaa kashaydii<\/p>\n<p>Godob lama gunnaystee<\/p>\n<p>Giishkiyo Madiixii<\/p>\n<p>Miyaan gaado karayaa?<\/p>\n<p>*****************<\/p>\n<p>Guntanihi dadweynaha<\/p>\n<p>Waajibkiisa gudan jirey<\/p>\n<p>Gunta, seeska sheekada<\/p>\n<p>Guntimaha ku xiri jirey<\/p>\n<p>Oo gogoldhig ararliyo<\/p>\n<p>Gabalgabal u qori jirey<\/p>\n<p>Guullaha awoodda leh<\/p>\n<p>Gacantiisu weyntahay<\/p>\n<p>Geeridu xaq weeyee<\/p>\n<p>Cali galabta oofsaday<\/p>\n<p>Guranaa kashaydii<\/p>\n<p>Godob lama gunnaystee<\/p>\n<p>Geeraarku culusaa<\/p>\n<p>Miyaan goohi karayaa.<\/p>\n<h4>\u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0 \u00a0Waxaa Tiriyay:<\/h4>\n<h4>\u00a0Macallin, Maxamuud Cali Aadan Hoorri<\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xeeldheere Cali Jimcaale Axmed (Prof. Cali Jimcaale), wuxuu ku dhashay caasimadda Soomaaliya\u2014Muqdisho, hilaaddii 1958-dii. Wuxuu wax ku bartay magaalada Mudisho. Waxa uu ka baxay kulliyaddi Lafoole ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan kulliyaddii waxbarsahada, isagoo ka qalinjabiyay qaybtii afka Soomaaliga &amp; afka Ingiriisiga. Waxa heerka labaad iyo kan saddexaadba uu ku soo qaatay dalka dibaddiisa. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":10481,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[19],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>GUNTANIHII DADWEYNAHA (WAA MAANSO LOO TIRIYAY PROF. CALI JIMCAALE) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/guntanihii-dadweynaha-waa-maanso-loo-tiriyay-prof-cali-jimcaale\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"GUNTANIHII DADWEYNAHA (WAA MAANSO LOO TIRIYAY PROF. CALI JIMCAALE) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Xeeldheere Cali Jimcaale Axmed (Prof. Cali Jimcaale), wuxuu ku dhashay caasimadda Soomaaliya\u2014Muqdisho, hilaaddii 1958-dii. Wuxuu wax ku bartay magaalada Mudisho. Waxa uu ka baxay kulliyaddi Lafoole ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan kulliyaddii waxbarsahada, isagoo ka qalinjabiyay qaybtii afka Soomaaliga &amp; afka Ingiriisiga. Waxa heerka labaad iyo kan saddexaadba uu ku soo qaatay dalka dibaddiisa. [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/guntanihii-dadweynaha-waa-maanso-loo-tiriyay-prof-cali-jimcaale\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2026-04-18T07:43:40+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-01-at-10.55.26.jpeg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1080\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"1324\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/guntanihii-dadweynaha-waa-maanso-loo-tiriyay-prof-cali-jimcaale\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/guntanihii-dadweynaha-waa-maanso-loo-tiriyay-prof-cali-jimcaale\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"GUNTANIHII DADWEYNAHA (WAA MAANSO LOO TIRIYAY PROF. CALI JIMCAALE)\",\"datePublished\":\"2026-04-18T07:43:40+00:00\",\"dateModified\":\"2026-04-18T07:43:40+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/guntanihii-dadweynaha-waa-maanso-loo-tiriyay-prof-cali-jimcaale\/\"},\"wordCount\":590,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Hal-abuurka &amp; Suugaanta\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/guntanihii-dadweynaha-waa-maanso-loo-tiriyay-prof-cali-jimcaale\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/guntanihii-dadweynaha-waa-maanso-loo-tiriyay-prof-cali-jimcaale\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/guntanihii-dadweynaha-waa-maanso-loo-tiriyay-prof-cali-jimcaale\/\",\"name\":\"GUNTANIHII DADWEYNAHA (WAA MAANSO LOO TIRIYAY PROF. CALI JIMCAALE) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2026-04-18T07:43:40+00:00\",\"dateModified\":\"2026-04-18T07:43:40+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/guntanihii-dadweynaha-waa-maanso-loo-tiriyay-prof-cali-jimcaale\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/guntanihii-dadweynaha-waa-maanso-loo-tiriyay-prof-cali-jimcaale\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/guntanihii-dadweynaha-waa-maanso-loo-tiriyay-prof-cali-jimcaale\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"GUNTANIHII DADWEYNAHA (WAA MAANSO LOO TIRIYAY PROF. CALI JIMCAALE)\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"GUNTANIHII DADWEYNAHA (WAA MAANSO LOO TIRIYAY PROF. CALI JIMCAALE) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/guntanihii-dadweynaha-waa-maanso-loo-tiriyay-prof-cali-jimcaale\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"GUNTANIHII DADWEYNAHA (WAA MAANSO LOO TIRIYAY PROF. CALI JIMCAALE) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Xeeldheere Cali Jimcaale Axmed (Prof. Cali Jimcaale), wuxuu ku dhashay caasimadda Soomaaliya\u2014Muqdisho, hilaaddii 1958-dii. Wuxuu wax ku bartay magaalada Mudisho. Waxa uu ka baxay kulliyaddi Lafoole ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan kulliyaddii waxbarsahada, isagoo ka qalinjabiyay qaybtii afka Soomaaliga &amp; afka Ingiriisiga. Waxa heerka labaad iyo kan saddexaadba uu ku soo qaatay dalka dibaddiisa. [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/guntanihii-dadweynaha-waa-maanso-loo-tiriyay-prof-cali-jimcaale\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2026-04-18T07:43:40+00:00","og_image":[{"width":1080,"height":1324,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2026\/04\/WhatsApp-Image-2026-04-01-at-10.55.26.jpeg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/guntanihii-dadweynaha-waa-maanso-loo-tiriyay-prof-cali-jimcaale\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/guntanihii-dadweynaha-waa-maanso-loo-tiriyay-prof-cali-jimcaale\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"GUNTANIHII DADWEYNAHA (WAA MAANSO LOO TIRIYAY PROF. CALI JIMCAALE)","datePublished":"2026-04-18T07:43:40+00:00","dateModified":"2026-04-18T07:43:40+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/guntanihii-dadweynaha-waa-maanso-loo-tiriyay-prof-cali-jimcaale\/"},"wordCount":590,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Hal-abuurka &amp; Suugaanta"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/guntanihii-dadweynaha-waa-maanso-loo-tiriyay-prof-cali-jimcaale\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/guntanihii-dadweynaha-waa-maanso-loo-tiriyay-prof-cali-jimcaale\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/guntanihii-dadweynaha-waa-maanso-loo-tiriyay-prof-cali-jimcaale\/","name":"GUNTANIHII DADWEYNAHA (WAA MAANSO LOO TIRIYAY PROF. CALI JIMCAALE) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2026-04-18T07:43:40+00:00","dateModified":"2026-04-18T07:43:40+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/guntanihii-dadweynaha-waa-maanso-loo-tiriyay-prof-cali-jimcaale\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/guntanihii-dadweynaha-waa-maanso-loo-tiriyay-prof-cali-jimcaale\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/guntanihii-dadweynaha-waa-maanso-loo-tiriyay-prof-cali-jimcaale\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"GUNTANIHII DADWEYNAHA (WAA MAANSO LOO TIRIYAY PROF. CALI JIMCAALE)"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10526"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=10526"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10526\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10527,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10526\/revisions\/10527"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/10481"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=10526"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=10526"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=10526"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}