{"id":10159,"date":"2025-11-05T12:53:56","date_gmt":"2025-11-05T09:53:56","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=10159"},"modified":"2025-11-05T12:56:01","modified_gmt":"2025-11-05T09:56:01","slug":"falanqeynta-kulalihi-w-d-prof-cabdulqaadir-ruumi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/falanqeynta-kulalihi-w-d-prof-cabdulqaadir-ruumi\/","title":{"rendered":"FALANQEYNTA KULALIHI (W\/D PROF. CABDULQAADIR RUUMI)"},"content":{"rendered":"<h4><strong>Kula-Lihi<\/strong><\/h4>\n<h4>Qisada Kula-Lihi waa sheeko-faneed xiiso gaar ah leh. Qisadan waxaa qoray Al Ustaad Xuseen M. Cabdulle (Wadaad), waxaana daabacday xarunta Laashin, sanadkii 20024. Qoraa Xuseen Wadaad wuxuu dareemay xilligan inay jiraan\u00a0 isdiiddooyin, oo u baahan in bulshada loo iftiimiyo.<\/h4>\n<h4>Qisada Kula-Lihi waxaa si xul ah uga dhex muuqda murti, maahmaah iyo tusaalooyin. Qisada Kula-lihi waa mid la yaab leh marka la eego isdiiddooyinka ay tilmaamayso. Giriiggii hore waxay layaabka ku tilmaami jireen wixii la yaab leh falanqayntooda iyo garashada xaqaa\u2019iqa ka dambeeya.<\/h4>\n<h4><strong>Cinwaanka<\/strong><\/h4>\n<h4>Haddii aad u fiirisato cinwaanka Kula-lihi waxaa si gaar ah kuugu muuqanaya erayga Lihi, oo lahaansho tilmaamaya. Erayga Lihi(da) waa eray ku saabsan wax qof gaar u leeyahay.<\/h4>\n<h4>Cinwaanka Kula-lihi waa hadal daboolan, oo ujeeddo kale ay ku dhex qarsoon tahay. Marka la eego cilmiga macnaha erayada (Semantic), erayga Kula-Lihi waa eray sarbeeb ah. Waxaa jirta in sarbeebtu qurux iyo dhadhan wanaag u yeesho hadalka, siiba qaybaha suugaanta, sida gabayga, geerarka, sheekada iwm.<\/h4>\n<h4><strong>Farriimaha sheekada<\/strong><\/h4>\n<h4>Qisada Kula-Lihi waxaa ka muuqata fikrad dheeri iyo fiiro xoog badan. Farrimaha qisada Kula-Lihi waa kuwa ku salaysan jihaynta akhristaha, si ay farriimaha saameyn u yeeshaan. Waxaa iyana farriimaha ka muuqda in qoraa Xuseen Wadaad leeyahay xirfad la xiriirta xulashada isdiiddooyinka. Qoraa Xuseen Wadaad wuxuu isku howlay inuu isdiiddoyinka noogu soo tabiyo qaab sheeko-faneed ah, oo hal-abuur casri ah ku salaysan. Farriimaha waxaa ka muuqda tusaalooyin iyo tusmo, si qoraagu u xoojiyo fikirikiisa, welibana ugu qanciyo akhristaha. Waxaa kaloo farriimaha ka muuqda caddaymo diini ah, sida aayadaha qur\u2019aanka.<\/h4>\n<h4>Dhanka kale, farriimaha waxaa ka muuqda in qoraagu adeegsaday hab-qoraaleedka Persuasive Writing. Hab-qoraaleedkan waa mid qoraagu isku howlo inuu dood-wadaag la sameeyo bulshada. Prof.Cali Jimacaale Axmed wuxuu yiri qisada Kula-Lihi waa dhigane dood wanaag ku baraya, oo aad ka dheehanayso qaabka habboon, oo aad ula bertami karto wixii hore loo yiri ama loo qoray.<\/h4>\n<h4><strong>Haddaba, bal aynu fiirinno Q.1aad ee buugga Kula-Lihi:<\/strong><\/h4>\n<h4>\u2018\u2019Seben waliba waayahiisa lehe, maantana ma tanaa inoo timid,waa tee,waa tuma? Ma tagtada ayaa tan kowaad ah, ma tan taagan baa saxan, mise timaaddada ayaa ah yoolka nolosha? Saddexdaasi tee baa kula quman, oo aad horraysiin lahayd?<\/h4>\n<h4>Qoraa Xuseen Wadaad, wuxuu si-xeel-dheer, oo qurxoon ugu soo gudbiyay buuggiisa weydiimo huwan aftahannimo (Rhetorical questions). Weydiimahan waa kuwa loo soo tebiyay inay saameyn yeeshaan, mana aha weydiimo laga rabo in laga jawaabo. Haddaba, bal\u00a0 aynu\u00a0 fiirinno Q.2aad ee buugga Kula-Lihi: \u2018 Horta muhu, mihi ma tahay? Mise muhu, mihi maaahan ? Kolleey anigu hadalkaas si kale ayaan u gartay, ee adigu inta aad teyda iskala aasho, adigu sidee ayaad u garatay?<\/h4>\n<h4><strong>Gunnaanad<\/strong><\/h4>\n<h4>Waxaan rajeynaa ina qisada Kula-Lihi qayb ka qaadato kobaca wacyiga bulsho maddani ah,oo ay ka dhaxayso dood-wanaag iyo is faham .Abwaan Cabdi Muxumad(A.U.N) waxaa laga hayaa \u2018\u2019Sheekadu fujaan shaahi ah iyo maaha fiiqsiga eh Fikrad dheeri bay rabtaa iyo fiiro xoog badane Fudeyd kuma baxdo iyo garasho li ficil la\u2019aaneede.<\/h4>\n<h4>W\/D: Prof. Cabdulqaadir Ruumi<\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Kula-Lihi Qisada Kula-Lihi waa sheeko-faneed xiiso gaar ah leh. Qisadan waxaa qoray Al Ustaad Xuseen M. Cabdulle (Wadaad), waxaana daabacday xarunta Laashin, sanadkii 20024. Qoraa Xuseen Wadaad wuxuu dareemay xilligan inay jiraan\u00a0 isdiiddooyin, oo u baahan in bulshada loo iftiimiyo. Qisada Kula-Lihi waxaa si xul ah uga dhex muuqda murti, maahmaah iyo tusaalooyin. Qisada Kula-lihi [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":10160,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[24],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>FALANQEYNTA KULALIHI (W\/D PROF. CABDULQAADIR RUUMI) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/falanqeynta-kulalihi-w-d-prof-cabdulqaadir-ruumi\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"FALANQEYNTA KULALIHI (W\/D PROF. CABDULQAADIR RUUMI) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Kula-Lihi Qisada Kula-Lihi waa sheeko-faneed xiiso gaar ah leh. Qisadan waxaa qoray Al Ustaad Xuseen M. Cabdulle (Wadaad), waxaana daabacday xarunta Laashin, sanadkii 20024. Qoraa Xuseen Wadaad wuxuu dareemay xilligan inay jiraan\u00a0 isdiiddooyin, oo u baahan in bulshada loo iftiimiyo. Qisada Kula-Lihi waxaa si xul ah uga dhex muuqda murti, maahmaah iyo tusaalooyin. Qisada Kula-lihi [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/falanqeynta-kulalihi-w-d-prof-cabdulqaadir-ruumi\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2025-11-05T09:53:56+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2025-11-05T09:56:01+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/KULA-LIHI-OMSLAGET.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"526\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"526\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"3 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/falanqeynta-kulalihi-w-d-prof-cabdulqaadir-ruumi\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/falanqeynta-kulalihi-w-d-prof-cabdulqaadir-ruumi\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"FALANQEYNTA KULALIHI (W\/D PROF. CABDULQAADIR RUUMI)\",\"datePublished\":\"2025-11-05T09:53:56+00:00\",\"dateModified\":\"2025-11-05T09:56:01+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/falanqeynta-kulalihi-w-d-prof-cabdulqaadir-ruumi\/\"},\"wordCount\":491,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Xulka Maqaallada\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/falanqeynta-kulalihi-w-d-prof-cabdulqaadir-ruumi\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/falanqeynta-kulalihi-w-d-prof-cabdulqaadir-ruumi\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/falanqeynta-kulalihi-w-d-prof-cabdulqaadir-ruumi\/\",\"name\":\"FALANQEYNTA KULALIHI (W\/D PROF. CABDULQAADIR RUUMI) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2025-11-05T09:53:56+00:00\",\"dateModified\":\"2025-11-05T09:56:01+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/falanqeynta-kulalihi-w-d-prof-cabdulqaadir-ruumi\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/falanqeynta-kulalihi-w-d-prof-cabdulqaadir-ruumi\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/falanqeynta-kulalihi-w-d-prof-cabdulqaadir-ruumi\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"FALANQEYNTA KULALIHI (W\/D PROF. CABDULQAADIR RUUMI)\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"FALANQEYNTA KULALIHI (W\/D PROF. CABDULQAADIR RUUMI) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/falanqeynta-kulalihi-w-d-prof-cabdulqaadir-ruumi\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"FALANQEYNTA KULALIHI (W\/D PROF. CABDULQAADIR RUUMI) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Kula-Lihi Qisada Kula-Lihi waa sheeko-faneed xiiso gaar ah leh. Qisadan waxaa qoray Al Ustaad Xuseen M. Cabdulle (Wadaad), waxaana daabacday xarunta Laashin, sanadkii 20024. Qoraa Xuseen Wadaad wuxuu dareemay xilligan inay jiraan\u00a0 isdiiddooyin, oo u baahan in bulshada loo iftiimiyo. Qisada Kula-Lihi waxaa si xul ah uga dhex muuqda murti, maahmaah iyo tusaalooyin. Qisada Kula-lihi [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/falanqeynta-kulalihi-w-d-prof-cabdulqaadir-ruumi\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2025-11-05T09:53:56+00:00","article_modified_time":"2025-11-05T09:56:01+00:00","og_image":[{"width":526,"height":526,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/11\/KULA-LIHI-OMSLAGET.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"3 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/falanqeynta-kulalihi-w-d-prof-cabdulqaadir-ruumi\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/falanqeynta-kulalihi-w-d-prof-cabdulqaadir-ruumi\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"FALANQEYNTA KULALIHI (W\/D PROF. CABDULQAADIR RUUMI)","datePublished":"2025-11-05T09:53:56+00:00","dateModified":"2025-11-05T09:56:01+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/falanqeynta-kulalihi-w-d-prof-cabdulqaadir-ruumi\/"},"wordCount":491,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Xulka Maqaallada"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/falanqeynta-kulalihi-w-d-prof-cabdulqaadir-ruumi\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/falanqeynta-kulalihi-w-d-prof-cabdulqaadir-ruumi\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/falanqeynta-kulalihi-w-d-prof-cabdulqaadir-ruumi\/","name":"FALANQEYNTA KULALIHI (W\/D PROF. CABDULQAADIR RUUMI) - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2025-11-05T09:53:56+00:00","dateModified":"2025-11-05T09:56:01+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/falanqeynta-kulalihi-w-d-prof-cabdulqaadir-ruumi\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/falanqeynta-kulalihi-w-d-prof-cabdulqaadir-ruumi\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/falanqeynta-kulalihi-w-d-prof-cabdulqaadir-ruumi\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"FALANQEYNTA KULALIHI (W\/D PROF. CABDULQAADIR RUUMI)"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10159"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=10159"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10159\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10163,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10159\/revisions\/10163"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/10160"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=10159"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=10159"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=10159"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}