{"id":10139,"date":"2025-10-28T11:37:23","date_gmt":"2025-10-28T08:37:23","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=10139"},"modified":"2025-10-28T11:44:03","modified_gmt":"2025-10-28T08:44:03","slug":"dagaalkii-qaboobaa-ee-qalinka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/dagaalkii-qaboobaa-ee-qalinka\/","title":{"rendered":"Dagaalkii Qaboobaa ee Qalinka!"},"content":{"rendered":"<h3><em>Sanadkaygii labaad ee jaamacadda, ayaa macalin Afrikaan ah oo Jaamacadda Toronto ka dhigi jiray falsafadda Afrikaanka nagula taliyay inaan aqrino buugga caanka ah ee ciinwaankiisu yahay -Dib u Xorayntii Maanka \u2013 Siyaasada luqadaha ee\u00a0 qoraalka\u00a0 Afrika, \u201cDecolonising the Mind- The Politics of Language in African Literature\u201d ee qalinka u qaatay\u00a0 qoraaga caanka ah ee reer Kenya Ngugi Wa Thiong\u2019o.<\/em><\/h3>\n<h3><em>Marka buuggan \u201cDecolonising the Mind\u201d maskax furan ku akhrisid waxaa fahmaysaa ujeedada iyo nuxurka dadaalkii nafhuryada lahaa ee Dr. Maxamed Afrax (AUN) ku\u00a0 jiray muddo aan ka yarayn nus qarni. Ngugi Wa Thiong\u2019o wuxuu buugiisa \u201cDecolonising the Mind\u201d ku lafa gurayaa sida gumaystayaashii qaaradda Afrika gumaystay u burburiyeen dhaqankii iyo afafkii ummadihii la gumaystay, si loo la dagaalamo, isla markaana loo gumeeyo\u00a0 maanka ummadihii afrikaanka ahaa.<\/em><\/h3>\n<h3><em>Afrikaan badan oo wax bartay waqtiyadii gumaysiga iyo waqtiyadii ka dambeeyay markii xornimada la qaatay, waxay ku dhaceen dabinkii gumaystaha maaddaama si toos ah ama si dadban looga dhaadhiciyay in dhaqamada iyo afafka dadkooda yihiin kuwo ka fog ilbaxnimada casriga ah iyo diimaha xaqa ah. Sidaa daraadeedna ay qasab tahay in la faafiyo walibana dadka loo xayaysiiyo afafka iyo dhaqamada gumaystayaashii qaaradda afrika gumeeyay.<\/em><\/h3>\n<h3><em>Dhinaca kale, waxaa qaarada Afrika ka hana qaaday aqoonyahanno aan badnayn oo fahmay in afafka iyo dhaqamada gumaystaha oo qaaradda lagu faafiyo ay tahay gumaysi cusub oo dhanka maanka ah sida ku xusan buugga \u201cDecolonising the Mind\u201d. Halkaas waxa ka billowday dagaal qabow oo dhinaca qalinka ah oo lagu xoreynayo maankii\u00a0 Afrikaanka ahaa ee maganta u noqday gumaysiga dhaqamada iyo afafka qalaad. Dadkii degaalkan fahmay waxay la kulmeen cadaadis iyo colaadin badan oo kaga yimid dad iyo dawlado loo carbiyay in ay u ololeeyaan dhaqamada iyo afafka gumaystayaashii qaaradda Afrika soo maray.<\/em><\/h3>\n<h3><em>Aqoonyahanka reer Kenya Ngugi Wa Thiong\u2019o oo ah nin cilmiga luqadaha ku takhasusay ayaa muddo ka hor go\u2019aansaday in afkiisa hooyo oo ah afka Kikuuyada uu wax ku dhigo kuna gudbiyo farriimihiisa si uu qayb lixaad leh uga qaato degaalka qabow ee qalinka ee lagu xoreynayo maanka Afrikaanka iyo guud ahaan umadaha la gumeystay. Sababta ugu weyn ee sidaa ku kalliftay waa in uu fahmay in afafka yihiin aalad lagu xiriiro isla markaana xambaarsan dhaqamada, taariikhda, himilooyinka iyo hanka ummadaha sida uu ku xusay buugiisa.<\/em><\/h3>\n<h3><em>Dhinaca Soomaaliya, Dr. Maxamed Daahir Afrax ( AUN), wuxuu ka mid ahaa aqoonyahannadii faro ku tiriska ahaa ee fahmay ujeedada dagaalkan ee waliba dhexda u xirtay xoreynta maanka Soomaalida, ayada oo xoogga la saarayo hormarinta qoraalka Af Soomaaliga si loo keydiyo dhaqanka, taariikhda, himilooyinka iyo waliba dunta xiriirsa ummadnimada Soomaaliyeed sida fanka iyo suugaanta.<\/em><\/h3>\n<h3><em>Waxaa yaab leh in Dr. Afrax luqada Carabiga si fiican wax ugu bartay,\u00a0 isla markaana haystay fursad uu ku noqdo nin Carabta la shaqaysta oo Soomaalida u xayaysiisa af Carabiga maaddaama dalalka Carabta qaarkood shidaal badan laga helay, waqtigii uu wax baranayay sida rag badan oo dalalka Carabta wax ku soo bartay xiliyadaas sameeyeen!<\/em><\/h3>\n<h3><em>Xuska iyo xushmada loo hayo\u00a0 dadaalkan uu Afrax dhexda u xirtay\u00a0 waxaa laga qoray qoraallo badan geeridiisa ka dib. Haddaba waxaa loo baahanyahay in da\u2019yarta lagu baraarujiyo fahamkii ballaarnaa ee Dr. Afrax iyo in dagaalka qabow ee qalinka iyo qoraalka halkaas laga sii wado. Xaaladda liidata ee Soomaaliya, waxay sababtay in qofka Soomaaliga ah ka faano afkiisa iyo dhaqankiisa maaddaama nolosha guud iyo duruufaha dalka ka jira aad u liitaan. Barashada qoraalka afka Soomaaliga waxaa soo foodsaaray cadaadis aad u badan\u00a0 maadaama\u00a0 luqadaha Englishka iyo Carabiga noqdeen kuwa\u00a0 lagu bariiseeyo ee shaqooyinka looga helo dalka. Dhinaca kale waxaa dalka Soomaaliya ku soo guryo noqday ama ku soo fool leh mustaqbalka dhow dad badan oo wax ku soo bartay caalamka dacaladiisa oo xambaarsan dhaqamada afafkii qalaad ee ay wax ku soo barteen, isla markaana diyaar u ah in ay xayaysiis weyn u sameeyaan dalalkii ay ka yimaadeen.<\/em><\/h3>\n<h3><em>Dr. Afrax intii uu ku guda jiray dagaalkan qabow ee dhinaca qalinka wuxuu fahmay xaqiiqo cuskan cilmiga bulshada oo kaalin weyn ka qaadan karta badbaadinta iyo dib u dhiska ummadnimada Soomaaliyeed. Xaqiiqadan waxay tilmaamaysaa in dadka Soomaaliyeed waxa kaliya ee u badbaaday, isla markaana ka dhaxeeya burburkii ka dib uu yahay afka iyo suugaanta.\u00a0 Wax kasta oo kale oo ummad \u201cnation\u201d ka dhaxeeya\u00a0 dhaawac ayaa soo gaaray Soomaalida dhexdeeda. Sidaa daraadeed, Afrax wuxuu aaminsanaa in ayada oo laga ambaqaadayo xaqiiqadan in badbaadinta Soomaaliyaa laga baadi goobo dhinaca fanka, suugaanta iyo waliba qoraalka af Soomaaliga.<\/em><\/h3>\n<h3><em>Ugu dambayntii, qorayaasha\u00a0 Soomaaliyeed waa in ay ku baraarugaan inay buuxi karaan kaalintan uu banneeyay AUN Dr. Afrax, haddii ay fahmaan ujeedada iyo nuxurka dagaalka qabow ee dhinaca qalinka. Nasiib wanaag, qorayaasha Soomaaliyeed ee diyaarka u ah in dagaalka qalinka si fiican uga qayb qaataan waxay haystaan kayd iyo taariikh wanaagsan oo\u00a0 ay ka dhaxleen Dr. Afrax iyo ragga la mid ka ah ee afrikaan ka ah sida\u00a0 Ngugi Wa Thiong\u2019o.\u00a0 Waari mayside, qoraal maanka afrikaanka lagu xoreeynayo ha kaa haro!<\/em><\/h3>\n<h3><em>W\/Q: Cabdullaahi M. Cawsey<\/em><\/h3>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Sanadkaygii labaad ee jaamacadda, ayaa macalin Afrikaan ah oo Jaamacadda Toronto ka dhigi jiray falsafadda Afrikaanka nagula taliyay inaan aqrino buugga caanka ah ee ciinwaankiisu yahay -Dib u Xorayntii Maanka \u2013 Siyaasada luqadaha ee\u00a0 qoraalka\u00a0 Afrika, \u201cDecolonising the Mind- The Politics of Language in African Literature\u201d ee qalinka u qaatay\u00a0 qoraaga caanka ah ee reer [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":10144,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[24],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Dagaalkii Qaboobaa ee Qalinka! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/dagaalkii-qaboobaa-ee-qalinka\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Dagaalkii Qaboobaa ee Qalinka! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Sanadkaygii labaad ee jaamacadda, ayaa macalin Afrikaan ah oo Jaamacadda Toronto ka dhigi jiray falsafadda Afrikaanka nagula taliyay inaan aqrino buugga caanka ah ee ciinwaankiisu yahay -Dib u Xorayntii Maanka \u2013 Siyaasada luqadaha ee\u00a0 qoraalka\u00a0 Afrika, \u201cDecolonising the Mind- The Politics of Language in African Literature\u201d ee qalinka u qaatay\u00a0 qoraaga caanka ah ee reer [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/dagaalkii-qaboobaa-ee-qalinka\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2025-10-28T08:37:23+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2025-10-28T08:44:03+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/WhatsApp-Image-2025-10-28-at-11.39.49_d709889e.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"424\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"203\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"4 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/dagaalkii-qaboobaa-ee-qalinka\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/dagaalkii-qaboobaa-ee-qalinka\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Dagaalkii Qaboobaa ee Qalinka!\",\"datePublished\":\"2025-10-28T08:37:23+00:00\",\"dateModified\":\"2025-10-28T08:44:03+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/dagaalkii-qaboobaa-ee-qalinka\/\"},\"wordCount\":808,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Xulka Maqaallada\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/dagaalkii-qaboobaa-ee-qalinka\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/dagaalkii-qaboobaa-ee-qalinka\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/dagaalkii-qaboobaa-ee-qalinka\/\",\"name\":\"Dagaalkii Qaboobaa ee Qalinka! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2025-10-28T08:37:23+00:00\",\"dateModified\":\"2025-10-28T08:44:03+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/dagaalkii-qaboobaa-ee-qalinka\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/dagaalkii-qaboobaa-ee-qalinka\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/dagaalkii-qaboobaa-ee-qalinka\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Dagaalkii Qaboobaa ee Qalinka!\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Dagaalkii Qaboobaa ee Qalinka! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/dagaalkii-qaboobaa-ee-qalinka\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Dagaalkii Qaboobaa ee Qalinka! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Sanadkaygii labaad ee jaamacadda, ayaa macalin Afrikaan ah oo Jaamacadda Toronto ka dhigi jiray falsafadda Afrikaanka nagula taliyay inaan aqrino buugga caanka ah ee ciinwaankiisu yahay -Dib u Xorayntii Maanka \u2013 Siyaasada luqadaha ee\u00a0 qoraalka\u00a0 Afrika, \u201cDecolonising the Mind- The Politics of Language in African Literature\u201d ee qalinka u qaatay\u00a0 qoraaga caanka ah ee reer [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/dagaalkii-qaboobaa-ee-qalinka\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2025-10-28T08:37:23+00:00","article_modified_time":"2025-10-28T08:44:03+00:00","og_image":[{"width":424,"height":203,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/WhatsApp-Image-2025-10-28-at-11.39.49_d709889e.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"4 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/dagaalkii-qaboobaa-ee-qalinka\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/dagaalkii-qaboobaa-ee-qalinka\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Dagaalkii Qaboobaa ee Qalinka!","datePublished":"2025-10-28T08:37:23+00:00","dateModified":"2025-10-28T08:44:03+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/dagaalkii-qaboobaa-ee-qalinka\/"},"wordCount":808,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Xulka Maqaallada"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/dagaalkii-qaboobaa-ee-qalinka\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/dagaalkii-qaboobaa-ee-qalinka\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/dagaalkii-qaboobaa-ee-qalinka\/","name":"Dagaalkii Qaboobaa ee Qalinka! - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2025-10-28T08:37:23+00:00","dateModified":"2025-10-28T08:44:03+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/dagaalkii-qaboobaa-ee-qalinka\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/dagaalkii-qaboobaa-ee-qalinka\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/dagaalkii-qaboobaa-ee-qalinka\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Dagaalkii Qaboobaa ee Qalinka!"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10139"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=10139"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10139\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10145,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10139\/revisions\/10145"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/10144"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=10139"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=10139"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=10139"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}