{"id":10091,"date":"2025-10-02T13:46:03","date_gmt":"2025-10-02T10:46:03","guid":{"rendered":"https:\/\/aga.so\/so\/?p=10091"},"modified":"2025-10-02T13:48:49","modified_gmt":"2025-10-02T10:48:49","slug":"toban-ilbidhiqsi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/aga.so\/so\/toban-ilbidhiqsi\/","title":{"rendered":"Toban ilbidhiqsi"},"content":{"rendered":"<h5>Xirsi, tan iyo maalintii aad dhalatay sidan uun bay wax ahaayeen, xaafado laga baroorto, geeri, gunnimo iyo goblan uun baad ku gurguuratay kuna garaadsatay. Waligaa cid ku tukhantukhisa mooye maad arkin wax kuu tudha. Waa gartaa in aad qalbi ingeg noqotid saa adba laguuma damqadee. Ma adigaa habaarqaba mise duni waalan baad kol dhallaan u ahayd haddana dhallinyaro u tahay? Maxaa maahsane niyad xun kaa dhigay? Wax ma tare aan waxba beddelin maxaa kaa dhigay? Asalmadoorshe nololeed sawdigan noqday!.<\/h5>\n<h5>Nayaayiro iyo u naallood adduunyo ma daysid. Hawo iyo hammi adduun habeenna kaama baxo, se hilinka aad u marayso haadaamaha ka qodan ma dhaadsanid mana dhugatid!.<\/h5>\n<h5>Adigu awawyaashaa baad eersataa oo aad haaraan iyo habaar la hareer joogtaa \u201cWaxay na badeen liidasho iyo lur adduun\u201d baad laabtaada ugu sheekaysaa. Facyawgii kaa waa wreynaana adiga ayay ku eedeeyaan \u201cMa dhallinyaraa joogta gu\u2019yaashan saw dad aan waxba ogayn oo moogayaal ahi may kicin\u201d bay kugu hiifaan.<\/h5>\n<h5>Intaas far baad fiiqdaa oo eedbaad jeedisaaye horta yaad haysataa? \u201cWaa in sidan wax laga beddelaa. Bulshadu waa inay danteeda garataa. Qashinka waa in waddooyinka laga nadiifiyaa\u201d sidaas uun baad hawl ugu tilmaamaysaa cid aadan garanayn. Wa ayo kuwaasi? Yaa kaa xiga oo aad xilkaas ku dhaliilaysaa!. Wa ayo bulshadan aad jeeddaa? Adiga yaa hawlgabka kaa dhigay? Haddii qofba qof dhaliilo oo sidaas halla sameeyo mooyee la waayo hebal sidaas ha sameeyo, anna waxaas baan samaynayaa cid tiraahda, ma sammada ayay malaa\u2019iigi innooga soo degi! Moojiye waadigaas sida nin dool ah indhaha wax ka deyaya afkana ka duryamaya! Ma aqaan Ayaan darro iyo nacasnimo midka ay kaa tahaye waadigaas daba ruclaynaya midka rubadda ku jaraya.<\/h5>\n<h5>Waadigaas naftaada gaajaysan hafraya ee hadh iyo habeen ku haya: \u201cAnnagaa idin maamulna! Annagaa dalka ugu taajirsan! Hadda kabo dacas baad ka leedahay, dharna shaatigan caddaaday iyo surwaalkan kugu dul madhay! Quudna quraac baad ka cuntaa qadadana daydaygeedaad dabadhilif u noqotaa! Nin qatan oo qaawan wadigan ah ee haddana qasriyasda qof qabiilkaagaahi u daalay ku baanaya! Danbiga uu galo ka aad isku reerka tihiin waadigaas indhaha ka data ee midka reeraha kale uunxaashida, xajiimaynta iyo xisaabinta daba wada!.<\/h5>\n<h5>Hebel kolka uu gef sameeyo waadigas haybtiisa haysta oo kolba eed dusha u saaraya. Ma qof baa qabiil duudka saarikara?. Weligaa laguuma sheegin in qof, qof ka xuni uu jiro balse qabiil qabiil ka xuni aanuu jirin. Caddaaladdarro baad adigu ka cabataa, balse waadigaas adigu dhakhtarka aad bukaannada u kala hormaydso, indho garasho iyo qof jeclaysi ku kala wada. Sawdigan aan duqayda iyo dadka ka soo horreeyayba eegayn ee Kaahin oo hadda yimid ka horraysiiyay wadaaddan adhaxda ka liicday, aragga yaraysay ee itaal darraysay! Waxa aan jeedaa islaantan maryaha madaw wadata ee dirqiga ku luudaysa!<\/h5>\n<h5>Arxan daranidaa! Oo caqli xumidaa abaal aad u gasho daaye xaqeeda ah inay Kaahinkan hadda yimid ee sida boqorka aad u horkacaysay iyo Siraaddii aad mardhawayd, sii daadahaynaysayba ay ka soo horreeysay. Xoogga iyo cududda ay duqdaasi sugayso saw adiga ma aha!. Ogor aniga ayaaba gardarane maxaan kugu giriifi sawta Soomaalidu tiraahda: \u201cTiisaba daryeelaa tukale ku dara\u201d adigiibaaba walhad ahe maxaanba kuugu wayrixi! Adigaas aan waxba ka sarriiganayn baa caddaalad darro cid ku sheega, oo<br \/>\nintaas sadbursi iyo nin jeclaysi ka cawda. Dhoohane iyo mid dhiman ka aad tahay garanmaayee wa adigaas waxaad dadka ku haysato adigu u haliilaya!.<\/h5>\n<h5>Ishaada ayaa laga arkaye adna ma dhiifoonid iyaguna kuuma arxamaan. Sida xaabada ayay dabka kuugu shitaan oo danahooda kugu fushadaan; maxay kuugu nixi saw Soomaalidu kuma maahmaado \u201cLaxiba shilahay is dhigtaa lagu qalaa\u201d nin naftiisa nafaqaynayaa sawkan adiga iyo kuwo kaleba galaaftay. Maxaan keligaa kuu haystaa oo kuula yaabi malaha kuwan adaaba ugu wanaagsan sawkuwan intii taashka talada loo sudhay, tacsiyayn mooyee aan tamar kale lahayn\u201d<\/h5>\n<h5>Waxaad tahay wiil nolosha aad u jecel, dhimashada waad necebtahay haddii aad<br \/>\nwadka cago kagaga carari karto malaha weligaaba maad is taagteen! Waxaad sidataa bambo, haa, banbo weliba ay gaanjadu ka furantahay. Waadigaas la ordaya ee aan kolna istaagayn in aad noolato waad raabtaa Se caqli kuma ladhid! waadigan xiiqsan ee xiimaya banbadan aad gacxanta midig ku sidato ee aad, la ordayso naftaada iyo dadkaba waad uga cabsanaysaa haddana xal ma haysatid mana heshid. Horta aad heshide ma is waydiisayba weligaa!.<\/h5>\n<h5>Adigu ma tuurtid iyaguna kaama dhigaan. Waadigan ordaya uune xaggeed ku carari? Dhibaato aad gacmaha ku sidato sideed u rabtaa inaad ka badbaaddo? Milil aanad hoos ugu degin sideed korka uga dhayaysaa? Xumaan aadan xididdada u siibin sideed u dabar jaraysaa?<\/h5>\n<h5>Banbada adaaba la ordaya e sideed nolol ku rabtaa?. Waad aragtaa in aanay gaanjo lahayne maad iskaga carartid? BUG, aah, alla dhiigga\u2026 dhiigga lugtaay.. uuu uuu\u2026 araxda ayaa jabtay. Kani waa mayd\u2026 kuwani waa dhaawac culus wii wii wii! anbalaastani qayla dheeraa.. horta adigu waad nooshahay. Shalay waad badbaadday, se berri ma noolaan! moojiye sawdigan weli la ordaya banbadii bilaa gaanjada ahayd!<\/h5>\n<h5>Ma istaagtid meelna ma gaadhid. Indha xumidii aad shalay aragtay kuma ay diirin<br \/>\niskumana aad doorin ee tabtii darraad baad tahay. Hadma ayaad is beddeli? Naftaada waxbaba uguma fadhidide maatida iyo maxasta maad u naxdid? Aheey ah! Illeen \u201cMadax muuqda iyo mindi saawira, midna lagama quusto\u201d maxaan kaagaga harraadi. Dunidii cammirnayd toban ilbiriqsi bay isku beddeshay. Bul, uuradu bug dhawaaqu Waa kaas is dhegaystay laba meel ku ballansanaa 10 ilbiriqsi gudohood waa kaas mid aakhira ugu hayaamay midi waa kaas dhabarka beelay ee dhakhtarka ka taahaya inbaa dhaayaha wayaay, ku baa dhego beelay kuwaa dhiigbaxay.<\/h5>\n<h5>Toban ilbidhiqsi oo aad soo daahday waadigaas ku badbaaday e maanta maytida la tiriyo een cidna loo qaban baad ka mid ahaan lahayd. Welise banbada maad dhigin. Qof ilbidhiqsi kasta geeriyoonkara baad tahay. Haa, mayd han iyo hammi leh baad tahay! Sidan bay noloshaadu tahaye goorma ayaad bomka tuuraysaa?<\/h5>\n<h5>W.Q: Dayax Axmed-iley<\/h5>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xirsi, tan iyo maalintii aad dhalatay sidan uun bay wax ahaayeen, xaafado laga baroorto, geeri, gunnimo iyo goblan uun baad ku gurguuratay kuna garaadsatay. Waligaa cid ku tukhantukhisa mooye maad arkin wax kuu tudha. Waa gartaa in aad qalbi ingeg noqotid saa adba laguuma damqadee. Ma adigaa habaarqaba mise duni waalan baad kol dhallaan u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":10094,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"inline_featured_image":false},"categories":[19],"tags":[],"yoast_head":"<!-- This site is optimized with the Yoast SEO plugin v20.2.1 - https:\/\/yoast.com\/wordpress\/plugins\/seo\/ -->\n<title>Toban ilbidhiqsi - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA<\/title>\n<meta name=\"robots\" content=\"index, follow, max-snippet:-1, max-image-preview:large, max-video-preview:-1\" \/>\n<link rel=\"canonical\" href=\"https:\/\/aga.so\/so\/toban-ilbidhiqsi\/\" \/>\n<meta property=\"og:locale\" content=\"en_US\" \/>\n<meta property=\"og:type\" content=\"article\" \/>\n<meta property=\"og:title\" content=\"Toban ilbidhiqsi - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"og:description\" content=\"Xirsi, tan iyo maalintii aad dhalatay sidan uun bay wax ahaayeen, xaafado laga baroorto, geeri, gunnimo iyo goblan uun baad ku gurguuratay kuna garaadsatay. Waligaa cid ku tukhantukhisa mooye maad arkin wax kuu tudha. Waa gartaa in aad qalbi ingeg noqotid saa adba laguuma damqadee. Ma adigaa habaarqaba mise duni waalan baad kol dhallaan u [&hellip;]\" \/>\n<meta property=\"og:url\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/toban-ilbidhiqsi\/\" \/>\n<meta property=\"og:site_name\" content=\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\" \/>\n<meta property=\"article:published_time\" content=\"2025-10-02T10:46:03+00:00\" \/>\n<meta property=\"article:modified_time\" content=\"2025-10-02T10:48:49+00:00\" \/>\n<meta property=\"og:image\" content=\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/WhatsApp-Image-2025-10-02-at-13.47.09_852f37d3.jpg\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:width\" content=\"1079\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:height\" content=\"868\" \/>\n\t<meta property=\"og:image:type\" content=\"image\/jpeg\" \/>\n<meta name=\"author\" content=\"hgb\" \/>\n<meta name=\"twitter:card\" content=\"summary_large_image\" \/>\n<meta name=\"twitter:label1\" content=\"Written by\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data1\" content=\"hgb\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:label2\" content=\"Est. reading time\" \/>\n\t<meta name=\"twitter:data2\" content=\"5 minutes\" \/>\n<script type=\"application\/ld+json\" class=\"yoast-schema-graph\">{\"@context\":\"https:\/\/schema.org\",\"@graph\":[{\"@type\":\"Article\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/toban-ilbidhiqsi\/#article\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/toban-ilbidhiqsi\/\"},\"author\":{\"name\":\"hgb\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\"},\"headline\":\"Toban ilbidhiqsi\",\"datePublished\":\"2025-10-02T10:46:03+00:00\",\"dateModified\":\"2025-10-02T10:48:49+00:00\",\"mainEntityOfPage\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/toban-ilbidhiqsi\/\"},\"wordCount\":941,\"commentCount\":0,\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"articleSection\":[\"Hal-abuurka &amp; Suugaanta\"],\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"CommentAction\",\"name\":\"Comment\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/toban-ilbidhiqsi\/#respond\"]}]},{\"@type\":\"WebPage\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/toban-ilbidhiqsi\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/toban-ilbidhiqsi\/\",\"name\":\"Toban ilbidhiqsi - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"isPartOf\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\"},\"datePublished\":\"2025-10-02T10:46:03+00:00\",\"dateModified\":\"2025-10-02T10:48:49+00:00\",\"breadcrumb\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/toban-ilbidhiqsi\/#breadcrumb\"},\"inLanguage\":\"en-US\",\"potentialAction\":[{\"@type\":\"ReadAction\",\"target\":[\"https:\/\/aga.so\/so\/toban-ilbidhiqsi\/\"]}]},{\"@type\":\"BreadcrumbList\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/toban-ilbidhiqsi\/#breadcrumb\",\"itemListElement\":[{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":1,\"name\":\"Home\",\"item\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\"},{\"@type\":\"ListItem\",\"position\":2,\"name\":\"Toban ilbidhiqsi\"}]},{\"@type\":\"WebSite\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#website\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"name\":\"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA\",\"description\":\"\",\"publisher\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\"},\"potentialAction\":[{\"@type\":\"SearchAction\",\"target\":{\"@type\":\"EntryPoint\",\"urlTemplate\":\"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}\"},\"query-input\":\"required name=search_term_string\"}],\"inLanguage\":\"en-US\"},{\"@type\":\"Organization\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#organization\",\"name\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/\",\"logo\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"contentUrl\":\"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png\",\"width\":162,\"height\":83,\"caption\":\"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga\"},\"image\":{\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/\"}},{\"@type\":\"Person\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50\",\"name\":\"hgb\",\"image\":{\"@type\":\"ImageObject\",\"inLanguage\":\"en-US\",\"@id\":\"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/\",\"url\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"contentUrl\":\"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g\",\"caption\":\"hgb\"},\"url\":\"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/\"}]}<\/script>\n<!-- \/ Yoast SEO plugin. -->","yoast_head_json":{"title":"Toban ilbidhiqsi - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","robots":{"index":"index","follow":"follow","max-snippet":"max-snippet:-1","max-image-preview":"max-image-preview:large","max-video-preview":"max-video-preview:-1"},"canonical":"https:\/\/aga.so\/so\/toban-ilbidhiqsi\/","og_locale":"en_US","og_type":"article","og_title":"Toban ilbidhiqsi - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","og_description":"Xirsi, tan iyo maalintii aad dhalatay sidan uun bay wax ahaayeen, xaafado laga baroorto, geeri, gunnimo iyo goblan uun baad ku gurguuratay kuna garaadsatay. Waligaa cid ku tukhantukhisa mooye maad arkin wax kuu tudha. Waa gartaa in aad qalbi ingeg noqotid saa adba laguuma damqadee. Ma adigaa habaarqaba mise duni waalan baad kol dhallaan u [&hellip;]","og_url":"https:\/\/aga.so\/so\/toban-ilbidhiqsi\/","og_site_name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","article_published_time":"2025-10-02T10:46:03+00:00","article_modified_time":"2025-10-02T10:48:49+00:00","og_image":[{"width":1079,"height":868,"url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2025\/10\/WhatsApp-Image-2025-10-02-at-13.47.09_852f37d3.jpg","type":"image\/jpeg"}],"author":"hgb","twitter_card":"summary_large_image","twitter_misc":{"Written by":"hgb","Est. reading time":"5 minutes"},"schema":{"@context":"https:\/\/schema.org","@graph":[{"@type":"Article","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/toban-ilbidhiqsi\/#article","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/toban-ilbidhiqsi\/"},"author":{"name":"hgb","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50"},"headline":"Toban ilbidhiqsi","datePublished":"2025-10-02T10:46:03+00:00","dateModified":"2025-10-02T10:48:49+00:00","mainEntityOfPage":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/toban-ilbidhiqsi\/"},"wordCount":941,"commentCount":0,"publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"articleSection":["Hal-abuurka &amp; Suugaanta"],"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"CommentAction","name":"Comment","target":["https:\/\/aga.so\/so\/toban-ilbidhiqsi\/#respond"]}]},{"@type":"WebPage","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/toban-ilbidhiqsi\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/toban-ilbidhiqsi\/","name":"Toban ilbidhiqsi - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","isPartOf":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website"},"datePublished":"2025-10-02T10:46:03+00:00","dateModified":"2025-10-02T10:48:49+00:00","breadcrumb":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/toban-ilbidhiqsi\/#breadcrumb"},"inLanguage":"en-US","potentialAction":[{"@type":"ReadAction","target":["https:\/\/aga.so\/so\/toban-ilbidhiqsi\/"]}]},{"@type":"BreadcrumbList","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/toban-ilbidhiqsi\/#breadcrumb","itemListElement":[{"@type":"ListItem","position":1,"name":"Home","item":"https:\/\/aga.so\/so\/"},{"@type":"ListItem","position":2,"name":"Toban ilbidhiqsi"}]},{"@type":"WebSite","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#website","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","name":"Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA","description":"","publisher":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization"},"potentialAction":[{"@type":"SearchAction","target":{"@type":"EntryPoint","urlTemplate":"https:\/\/aga.so\/so\/?s={search_term_string}"},"query-input":"required name=search_term_string"}],"inLanguage":"en-US"},{"@type":"Organization","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#organization","name":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga","url":"https:\/\/aga.so\/so\/","logo":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/","url":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","contentUrl":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/favicon-2.png","width":162,"height":83,"caption":"AGA - Akadeemiya Goboleedka AfSoomaaliga"},"image":{"@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/logo\/image\/"}},{"@type":"Person","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/c89f24807531a9b3d9df95d848134d50","name":"hgb","image":{"@type":"ImageObject","inLanguage":"en-US","@id":"https:\/\/aga.so\/so\/#\/schema\/person\/image\/","url":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","contentUrl":"https:\/\/secure.gravatar.com\/avatar\/9cc2fe393829a669530037fc59abb837?s=96&d=mm&r=g","caption":"hgb"},"url":"https:\/\/aga.so\/so\/author\/hgb\/"}]}},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10091"}],"collection":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=10091"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10091\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10095,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/10091\/revisions\/10095"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/10094"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=10091"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=10091"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/aga.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=10091"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}