Cabdinaasir Yuusuf Macallin Xuseen, waxaa uu ku dhashay degmada Mustaxiil ee gobolka Shabeelle oo ka tirsan ismaamulka dowlad deegaanka Soomaalida, hooyadii waxaa la`oran jiray Aamina Cali-Khayr Cabdulle.

Isaga oo yar ayay reerka u soo guureen gobolka Hiiraan, gaar ahaan degmada Jalalaqsi, halkaas oo uu ka billaabay barashada Qur`aanka Kariimka ah, macallinkii Qur`aanka baray waxaa la oran jiray Macallin Cilmi Cabdi Cismaan, markii uu Qur`aanka dhammeeyay, waxaa uu galay iskuulka hoose, dhexe iyo sare ee Jalalaqsi oo uu fasalka koowaad ee dugsiga hoose ka billaabay, waxa uu ahaa arday akhlaaq ahaan aad u wanaagsan oo aan maalinna laga soo dacwoon.

Sidoo kale, waxa uu ahaa arday firfircoon oo ka dhex muuqda fasalkiisa iyo ardayda kale, waxa uu aad ugu wanaagsanaa isku xirka ardayda iyo tartamada fasallada oo uu aad uga dhex muuqan jiray, isaga oo aan fasalka afaraad ee dugsiga sare dhammaysan ayay burburtay dawladdii dhexe, waxaa loo soo wareejiyey magaalada Muqdisho oo aan xilligaasi lahayn Iskuulaad nidaami ah.

Waxa uu billaabay in uu wax ka barto luuqadaha Ingiriisiga iyo Carabiga sidoo kale waxaa uu billaabay oo uu xoogga saaray caafimaadka, maadaama ay xilligaasi ahayd baahi wayn oo taagnayd, waxaa uu soo bartay oo uu dhammaystay caafimaadkii, waxa uu ka billaabay shaqo isbitaalkii Digfeer oo uu muddo ka shaqaynayey.

Waxaa uu Cabdinaasir billaabay in uu si gaara isu xilqaamo oo uu gurmad u sameeyo bukaannada ku soo dhaawacma dagaallada sokeeye ee xilligaasi si aad ah uga socday magaalada Muqdisho, wuxuu go’aansaday in uu abaabulo dhawr dhallinyaro ah oo uu ka soo qaado kana soo uruuriyo dhaawacyada jidadka iyo xaafadaha yaalla, waxaa uu jaray qad kastaa oo magaalada u yaallay, isaga oo baadi goobaya wax dhaawac ah oo jidadka ku duruufaysan ama ku dhiig baxaya. 

Xilligii dagaallada ma jirin baabuurta gargaarka ama Ambalaasta oo dhaawacyada soo qaadda, waxaa qofka dhaawacma lagu soo qaadi jiray gaari gacan, waxaa ay istuseen guddiigii isxilqaanka ku samaysmay ee uu Cabdinaasir hoggaaminayay in dhaawacyada labo isbitaal loo kala qaado kuwaas oo kala ah Kaydsaneey oo ku yaal waqooyiga Muqdisho iyo isbitaalka Digfeer oo isagana dhanka Koonfurta magaalada ku yaallay, sidii ayay ku hawl billaabeen aad ayaa loo mahdiyey oo ay dadkiina uguna riyaaqay abaabulka ay dhallinyaradaan galeen.

Markii ay dagaalladii ahliga ahaa qaboobeen ayay magaalada billowday in ay tartiib tartiib u soo dhisanto oo iskuulaad iyo Jaamacado ayaa laga furay, Cabdinaasir, waxaa uu go`aansaday in uu waxbarashadii qabyada ahayd dhammaystirto oo uu shahaado dusgi sare ah qaato, waa uu ku guulaystay, inkastoo duruufo dhaqaale iska jireen haddana waxaa uu jeclaystay in uu Jaamacad billaabo, waxaa uu la kufaa kacaba Ilaahay waa u rumeeyay riyadiisa.

Cabdinaasir, waxaa uu bartay oo uu aad u daraaseeyay maaddada saxaafadda aad ayuuna u jeclaa mihnaddaan, waxaa uu billaabay in uu iyada ku shaqeeyo, waxaa uu ka soo shaqeeyay dhawr Wargeys oo qaarkood siyaasadda ka hadla iyo qaar kale oo arrimaha bulshada ka hadla, isaga waxaa uu xoogga saari jiray arrimaha bulshada, gaar ahaanna afka, dhaqanka iyo suugaanta.

 Billowga sanadkii 2,000 ayuu billaabay uruurinta ilmaha agoonta ah si`uu ugu xiro ama uu ugu raadiyo dad muxsiniin ah iyo hay`ado ka caawiya dhinaca waxbarashada, waxaa uu ku guulaystay hawshaas nafhurnimada ah, ilmihii agoonta ahaa uu maalintaas u halgamay qaarkood maanta waa macallimiin iyo dhaqaatiir dalka iyo dadkaba wax taray.

Sanadkii 2001dii, waxaa uu xoghayaha maaliyadda ka noqday urur ay ku midaysanyihiin saxafiyiinta ka hawlgasha mareegta Somaalida oo lagu magacaabi jiray Somali Journalists Network (SOJON), isagoo markii dambena isaga tagay, waxaa uu markaa xoghaya maaliyadda ka noqday ururkii hormarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee SOYDEN.

Sanadkii 2002dii ayuu magaalada ka billaabay barnaamijyo iyo qoraallo lagu hormarinayo afka hooyo isaga oo kaashanaya abwaanno iyo aqoonyahaanno kale, waxaa ay xiriir la sameeyeen Dr. Maxamed Daahir Afrax (AUN) oo aad ugu bogay barnaamijyadaas dhaxalgal ah.

Sanadkii xigay 2003dii ayay martiqaad ka heleen naadiga Somali Pen xaruntiisa dhexe, waxaa ay safarkoodii ugu horreeyay ku tageen waddanka Jabuuti halkaas oo lagu soo sameeyay laanta Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ee naadiga Somali Pen, waxaa guddoomiye ka soo noqday Allaha u naxariiste, abwaan Cabdi Muxumed Amiin, waxaa xoghayaha guud ee naadiga noqday ustaad Cabdinaasir Yuusuf Macallin.

Sanadkii 2008dii, waxaa geeriyooday guddoomiye Cabdi Muxumed Amiin, waxaa xilkii naadiga Somali Pen laanta koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya loo magacaabay Cabdinaasir Yuusuf Macallin, bishii Agoosto 2008dii illaa iyo hadda ayuu xilka naadiga hayey.

Sanadkii 2012-kii, waxaa uu ka qaybgalay shirwaynihii afartan guurada af Soomaaliga ee lagu qabtay waddanka Jabuuti, waxaa uu qayb ka ahaa odayaashii aasaasay Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), waxaa uu goob joog u ahaa dhagax dhiggii xarunta Akadeemiyada ee magaalada Muqdisho sanadkii 2015kii.

Ku dhowaad 450 dhallinyaro oo 2013kii magaalada Muqdisho looga furay tababbar ku saabsanaa afka, dhaqanka, suugaanta iyo saxaafadda oo ay iska kaashanayeen naadiga Somali Pen, ururka Milgo iyo hay`adda saxafiyiinta NUSOJ ayuu macallin ka ahaa, tababbarkaasi waxaa uu socday muddo lix bilood ah, markii uu dhammaaday, waxaa uu ustaad Cabdinaasir (AUN) soo jeediyay in aan dhallinyaradaasi la kala dirin, maadaama ay ku jiraan dhallinyaro hal-abuur leh, waxaa 24ka bisha Abriile 2014kii la aasaasay naadiga Akhriska iyo Qoraalka Hillin-hayaan oo ahaa naadigii ugu horreeyay ee laga aasaaso magaalada Muqdisho, waxaa uu naadiga u sameeyay caawimaad nooc walba leh isagoo albaab kastaa la garaacay, kaddibna waxaa uu dhiirrigeliyay illaa iyo dhawr naadi oo magaalada Muqdisho laga dhisay.

Sanadkii 2017kii, waxaa uu guddoomiye ku xigeen ka noqday uruka saxafiyiinta ee HRJ.

Sanadkii 2019kii, waxaa uu magaalada Jabuuti uga qayb galay shirwaynihii lixaad ee naadiga Somali Pen, waxaa markale loo soo doortay guddoomiyaha naadiga laanta Muqdisho isla markaana ah wakiilka naadiga.

Bishii Febraayo 2021kii, waxaa uu ka qaybgalay dood cilmiyeed ku saabsanaa kaltirsiga Soomaalida oo ay soo qabanqaabisay Jaamacadda Jabuuti laguna qabtay waddanka Jabuuti.

Cabdinaasir Yuusuf Macallin, hadda waxaa uu ahaa madaxa waxbarashada ee Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA).

Dabeecad ahaan Cabdinaasir, waxaa uu ahaa nin furfuran, xoog furan, dabeecad macaan, dhallinyarada aad u dhiirrigeliya, sabar iyo dulqaad isu xambaarsaday, waxaa uu ahaa hal-abuur ku wanaagsan curinta iyo samaynta barnaamijyo waxgal ah, waxaa uu soo maqalaad badan oo uu ku qori jiray wargeysyo kala duwan, waxaa uu ahaa qoraa soo saaray dhawr buug, buuggiisii ugu horreeyay ee Xikmadda Nolasha, waxaa uu hadda gacanta ku hayey buugaagta kala ah:

  1. Hadal iyo hawraar.

  2. Guur iyo gundhig.

  3. Hooyo iyo hal-abuur.

  4. Ab-kasoo gaar.

  5. Taariikh kaga dayo.

  6. Suugaanta iyo saamaynta bulshada.

Ilaahay ha u naxariisto Cabdinaasir Yuusuf Macallin, waxaa uu ku geeriyooday magaalada Muqdisho 25ka bishii Sebtembar 2022.

Waxaa diyaariyey: Axmed Maxamuud Dhicisow (Yaanyo).

G/kuxigeenka Somali Pen, laanta Muqdisho.