Geedkaa gobka ah hoostiisa ina gee, waxaan kaaga sheekeyn doonaa taariikhda geedkan. Sow ma aragtid in uu yahay geed keligii cidla ka baxay! Hadda ka hor se wuxuu ahaa geed ka mid ah dhirtii kaynta.Waa geedka keliya ee ka haray dhirtii beri samaa. Nasiib-wanaag, geedkan lama jarin, dhaawaca gudinta ah ee jirriddiisa ka muuqatana waxay ahayd nabarkii u dambeeyeey dabargoyntii dhirta. Sow ma aragtid in xididdadiisa waaweyn ee carrada ka sarreeya ay laamo yaryari ka soo fufeen; laamahaasi waxay noqon doonaan geed la mid ah geedkan aynu hadda hoostiisa joogno, wuuna ka bixi doonaaa kelinimada. Bal akhri qoraaalka yar ee ku qoran boorka ka laadllaada jirridda geedka…!
Geedkani waa buundada isku xirta waayihii hore ee deegaankan, xilligii ay xaalufinta ba’an ka socotay illaa xilliga hadda ah ee ay nolosha deegaanku dib u soo noqonayso, sidaas daraaddeed ayay dadka deegaanku ugu magacaabeen Geedka Nolosha. Laakiin waxaad weli is wayddiinaysaa sida uu dhuxulaysigii ba’naa ee deegaankan ka socday ugu soo dhammaaday masaarta ku taalla geedkan aan la jarin….?
Maxammuud waa ninkaa dhoollacaddaynaya ee haddeer inagu soo socda, waa nin da’ dhexe ah oo u muuqda in uu yahay nin deggen. Aniguna nin si wacan kuugu sheekeyn kara oo hadalka sugi kara ma ahi ee Maxammuud marka uu ina soo gaaro ha kaaga jawaabo su’aashii aad is wayddiinaysay.
“Geedkan keliya ma aha ee noloshii dhulkan oo dhan baa is beddeshay markii aannu dhuxulaysiga joojinnay. Dhuxulaysiga waxaannu sheegan jirnay in aannu nolol ka samayno oo ay dhuxushu maciishad noo tahay, waxaannu se hilmaannay in ay ahayd dabargo’a nolosheenna, halaagga dhulka, nafleyda, deegaanka iyo wax walba. Hawadan iyo hooska geedkan qabow ee aynu hadda hoos joogno lama arki jirin ee busta dambaska, dhuxusha iyo qiiqa dhirta gubanaysa ayaa wasakheeyey hawadii. Geedka waxaannu harsan jirnay keliya inta aannu goynaynno.Wax walba waannu gubnay illaa aannu aragnay dhulkii oo qaawan.
Sannado ka hor dhulkan hal geed oo lagu ma arki jirin, haddii la arkana waa la goyn jiray ka dibna waa la gubi jiray. Carradan iyo rayska udugga lehna waxaa ku daboolnaa dambas iyo dhuxul madow. Meel walba oo dhulka la mid ahna waxaa ka qiiqi jiray carro la tuuray oo lagu hoos xabaalay dhuxul gubanaysa.Ciidda korkeeda oo dhan dhuxulo dab ah iyo dogobyo la gooyey ayaa daadsanaa. Lama arki jirin noole kale oo deegaankan ku nool.Marka laga reebo aadanaha oo gudin daab leh iyo dab ku hubaysan, waxaa la yaab mudan illaa xadka uu aadanuhu dabka u dulqaadan karo!
Waxaad i weyddiinaysaa, siday ku dhalatay in aan qaadanno go’aankan dib u soo celiyay nolosha deegaanka iyo nolosheennaba. Waa xusuus ay adag tahay in ay maankayga guurto.
Maalin maalmaha ka mid ah aniga oo hawshii dhuxulaysiga wada ayaan kayntan oo aan geedo ku ogaa imid, geedkan keliya oo ka haray geedo dhawr ah oo markaas ku dambeeye ayaan ku imid.Waddadaas hadda ubaxyadu hareerehada ka laadlaadaan ayaan ku imid. Waxay ahayd galab aad kulul, sidaasdarteed ayaan in door ah geedkan hoos harsaday.
Cabbaar ka dibna waxaan damcay in aan geedka gooyo.Hal mar ayaan gudintii la boodey oo aan nabarkaa aad hadda arkaysid ku dhuftay. Mar labaad ayaan gacanta qaad is iri, waan se kari waayey. Dareen la yaab leh ayaa jirkayga saaqay.Korkaygii oo dhan ayaa damqaday sidii in uu nabarku aniga igu dhacayo. Geedkii ayaan sare u eegay, markaas ayaan garwaaqsaday in aanan goyn geedka kaa haray kayntii dhirta badnayd. “Gobtu geed ma goyso, hadda goysana gunta kama jarto”.
Waxaan dareemay in aan ahayn dembiile.Mar labaadna uma aan celin ee waxa aan go’aansaday in aan jarin geedka. Maalintaas ka dib geed dambe ma jarin, dhuxulaysigiina waan joojiyey, aniga iyo dhammaan dhuxulaysatadii degmadan. Maalintii ka dib deeganka ayaan daryeelaa, dhir badanna waan beeray, kooxdayadii dhuxulaysada deegaaankuna sidoo kale. Geedkan waxaannu u bixinnay geedka nolosha. Haddana geed la beero mooyee geed dambe deegaankan oo dhan laga ma jaro. Axdigaasna waxaa lagu qoray boorkaas ka laadlaadda jirridda geedka.
Ka dib markii aannu dhuxulaysiga joojinnay ee aannu daryeelka dhulka u kacnay wax walba ayaa is beddelay, noloshii ayaa soo noqotay, dhulkiina ubaxa iyo dooggiisii ayuu soo bixiyey. Barwaaqadan aad hadda arkaysidna cid walba ayay saamaysay, illaa dareenkii iyo muuqaalkii dadka. Dhuxulaysatadu waxay u ekaayeen sidii in ay yihiin qayb dhuxusha ka mid ah oo dhadh-dhaqaaya.Way madmadoobaayeen oo qalalnaayeen oo foolxumaayeen. Dareen ahaan, way bukeen, dad aan samir lahayn, caro badan oo baahi badan ayay ahaayeen. Hadda se, waa dad uu muuqaalkoodii soo noqday, oo uu dareenkoodii dadnimadu mar labaad soo noolaaday.
Bal adigu geedkan ku tiirso ama isku duub sidii in aad hab siinayso, waxaad dareemi doontaa in uu jiro dareen isku xira dadka iyo dhirta. Dareenkaasi waa midka ay dareemaan dhuxulaysatadii hore ee hadda ku ballamay daryeelka dhulka iyo abuurista geedaha. Waa dareeenka kuu sheegi doona in uu geedkani kuu warrami karo. Kaaga sheekeyn karo waayihii aannu dhulka xaalufin jirnay. Anagu, dhirta waannu gubi jirnay ee hore uma aanu dareemi jirin dhibka uu dabku ku hayo dhulka, deegaanka iyo nolosha, geedka ayaana igaga munaasibnan in uu taas kuu sheego ee bal kaallay warso…”
Saddexdeennuba aynu u soo dhaqaaqno xagga geedka.Anigu, waxaan geedkan la sheekeysatay todobaadkii hore ee aan soo booqday deegaankan ee adigu hadda, bal isku day inaad la sheekeysto oo aad dareentid sida uu Maxammuud kuu sheegay. Isku duub oo habsii, kana warso dhibka uu dabku ku hayo nolosha iyo deeegaanka.
“Abaarihii soo noqnoqon jiray iyo dabiicadda dhulka ee qallafsanayd aniga ayaa u abuurnaa.Dhib badan iguma aysan hayn roob la’aantu, waayo xiddidahaya gunta dheer ayaa ku arooro biyo aanu aadanuhu gaarin. Dhibka noloshayda sidaa daran u saameeyey wuxuu ahaa dabka iyo xaalufintii dhirtii kale. Dabku wuxuu baabi’yey wax wal oo carrrada ku hoos noolaa, cayayaanno, xayawaanno illaa iyo il-ma-argtadii carrada bacrimin jiray, waxaa baaba’ay oo oo dhammaadaay macaadintii dhirtu dheefsan jirtay, caradiina way gubatay oo waxay ahayd mid aanay nololi ka suurtoobin. Carradii hoose sidaas ayuu dabkii u saameeyey, dhulkiina wuu nabaadguuray oo carroguuray sababtoo ah xaaluftinta dhirta iyo dhuxulaysiga…