Maanso Archives - Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA

Mahuraan Baroordiiqdu!
Gabaygan waxaa tiriyay Macallin Siciid Saalax Axmed 23/10/2021, Minnesota (USA). Wuxuu abwaanku ka tiriyay kulan ah duco, baroordiiq iyo milicsi waxqabadkii marxuum Dr Maxamed Daahir Afrax oo lagu qabtay aaladda Zoomka, oo ay soo qabanqaabisay Akadeemiye-goboleedka AfSoomaaliga, ayna ka soo qaybgaleen aqoonyahan iyo waxgarad kala jooga dunida daafaheeda.

I

Nooluhu majaruhuu togaa, marinka saadaasha

Marna waa bilaw ama dhammaad, moosinkaa taxane

Waa labada maalmood dhexdood, wuxu mudaystaaye

Mugga uu dhashaba waa lidkeed, waxa u meel yaale,

Ma dhammaato geeridu ilaa, maalin sarajooge,

Hadduu meleggu ruux dayn lahaa, Mawle amarkiisa

Nebi Maxamed baa joogi laa, dunida maamuuse,

Qofna mowdku huri maayo oo, waa makalayaaye

Marxuumkaa god galay iyo xuskaa, maqalku diidaayo

Waa Maxamed Daahir Afraxii, mawliga ahaaye.

Bulshada magaca Soomaaliyeed, marin kastay joogto

Alleyle mitaalkuu ahaa, kaalin baa madhane

Geedkii mankiyo ubaxa iyo, midhaha saaraayey

Alleyle waxaa maanta jabay, damal magoognaaye

Malkaduu fadhiyey iyo intuu, kala mildhaabaayey

Waa meel banaanaatay iyo, ceelka maax dumaye

Qalin baa madaadkii ka go`ay, shalay mug weynaaye

Murtidii qoraal curin tiraab, dhawr bog baa maqane.

Haddii uu masuulkii god galay, Maxamed Aw Daahir

Inta meerisaan tabanayaa, maaha tirakoobe

Waxa aan la murugoonayaa, maaha keligaye

Dareenkaan ku maansoonayaa, ma aha kaygiiye

Waxa aad maqlaysaanna waa, idinka maankiine

Maqaawiirta Qalinleyda iyo, AGA mataanoobey

Mahuraanka wadartaa dadnimo, muxubbadii saaqday

Qofba meeriskuu gocanayaan, muhindisoodaaye

Marley waxan is weydiinayaa, muhashadiinniiye

Inta mudan tixraac iyo intaa, wada maruuryaysan

Haddii aan martabadaa dhammaan, meerin kari waayo

Tusaaloyinkaan marinayaa, waa matala guude.

Maahmaahda Soomaaliyeed, ma aha been sheege

Meeshaad martaba waxa la yidhi, waa nin magaciiye

Wax la yidhi wixii muuqda baa, kuu mahiib gala e’

Mahuraanna waa ceel wiyeer, milayga jiilaale.

II

Miciinkii Af-Soomaaligiyo, maadha dhaqankeenna

Madaxweynihii loo irkaday, kaydka madhaxeenna

Mudanow Ismaaciil, hadduu, tegey marxuumkaasu

Maamuuska aad geysatiyo, midhaha aad beerto

Yaa mahadnaqaagii ka qiri, meel kasta adduunka?

Laas biyo macaan baan xunbuli, lagaga maarmayne

Mugucuu ka soo dhaamin jirey, maaxdu yey gudhine

Weli hawl ma daalow hogadu, wayska meeshiiye.

Mucda fulintu waxay daarantahay, mudanka waayeele

Yaa Taaniyow soo malkumi, shirarka meegaaran?

Taariikhda ay soo martiyo, heerarkay miratay

Yaa Xaashiyow marag u noqon, meelmar tebinteeda?

Hibo Muuminey yaa hirgelin, minanka joogtaynta

Yaa mala-awaalkii qorshaha, kala mudaynaaya?

Dhalinyarada miiggani haddey, curiso maankeeda

Qofba miiladuu geli lahaa, yaa u kala meerin?

Yaa Cabdirashiid mihindiskii, hubin midhkii toosan

Nimcaan, yaa mareegaha farsamo, kala macnayn doona?

Mid kaloo la tebi doono oo, maanku gocanaayo

Mufti iyo afshaxan iyo qoraa, iyo masuulkeeda

Murti dhaadhigeediyo wax garad, maansayahankeeda

Yaa mudanka Soomaaliyeed, meel isugu keeni?

Kartidii maqiiqnayd intuu, socod ku maasheeyo

Muqdishiyo Jabuutiba ayaa, maalin wada joogi

Oo mayrac galabeed ku tegi, saddex kaloo meela?

Oo yaa muraad guud ka fulin, madax is weydaarsan?

Miyir-hadalka iyo tooyashada, ereyga miisaaman

Oo yaa u miidaama dayi, xaajo marareecsan?

Goosanka mintida oo dhamman, xarunta moosaaya

Inta miiska soo wada fadhida, ina kaloon muuqan

Yaa Maryan Cariifey tusmada, fuliya maaraynta?

Martisoorka yaa deeqsinnimo, guri muggii buuxin?

Yaa Mustafe Fayruus qorshaha, kula maqaam yeeli?

Yaa madasha iyo tababarrada, maanka wada doojin?

Yaa macallin Gacanow tusmada, marin abbaarteeda

Yaa maamulkeediyo aqoon, AGA marriimaaya?

Raxantaa murtida baahintiyo, wararka meeraysa

Cabdullaahi yuu maalin joog, qori madiixooda?

Yaad Saynabey macallinimo, heli mullaaxdiisa?

III

Meel kalena iyo meelo kale, meel kasta adduunka!

Inta hiilka meertada wadaag, abid ka soo maagin

Qofba meesinkuu raaci jirey, waxa u meel yaalla

Yaa Maxamed Shiikhow Afgudhay, darar ka maalaaya?

Abtidoon, bal yaa xubinta maqan, heli muraadkeeda?

Marwo Saynab ina Daahirey, Maqasha yaa raaci?

oo ubad mudantuu lahaa, maanka korinaaya?

Abtirsiinaduu soo mariyo, dhaaracyada muuqda

Cabdul Cumar Mansuurow adaa, maahir ku ahaaye

Yaa magacuyaallada naxwaha, sugi muftaaxooda?

Taariikhda meertiyo tusmada, milayga sooyaalka

Yaa marin Idaajaa halkay, mudayso suugaantu?

Mullaaxdiyo jillawdaba inaan, maydhax laga diiran

Yaa ereyadaa wada maldahan, kala maljiidaaya?

Yaw maqan Saciid Jaamacow, sheeko masraxeedka?

Oo yaa Rashiidow murtida, mahadhadeed sheegi?

Yaa Maana-faay iyo faceed, magangelyaynaaya?

Meeshii bugtaba yaa bulshada, muujin hagarteeda?

Manhajkaa Af-Soomaaligiyo, macallimiintiisa

Machadkaa Jigjiga wuxu u yaal, muunad gooniya e

Maxamuud, bal yaa qaar la mida, furi mitaalkiisa?

Haddaad Macallin Guush iyo in kale, mudanki soo gaadhey

Oo aad aqoontaa mugga leh, Maxamed taabsiisay

Yaa Maartinow barasha sare, takhasuskaa muujin?

Cid waliba martabad bay tebtaa, meeris gooniya e

Kooxdii malkada bariga oo, kala muquunowdey

Xandulliyo marley waa Gucmudi, muhashadoodiiye

Cabdi Xaashiyow yaad mabda’a, marar la faalayni?

Aadanow muddaba waa muddo e, marar xusuus reeba

Dhaaxaad jidaal wada marteen, wada mushaaxdeene

Dhaaxaad mudayseen shiraac, maayad shaamiya e

Dhaaxaad majarihii badweyn, maylal socoteene

Dhaaxaad mukhuur iyo yohoon, wada majeerteene

Musareen dhacaayiyo xawaal, wada bad maaxdeene

Meexaano kaftankii wax badan, maado curinteeda

Saaxiibbo, muxubbiyo kalgacal, macallinowdeene

Bal maxaad ka tiri geeridaa, Maxamed Aw Daahir?

IV

Aniguna mid ii gaara baan, sii muhanayaaye!

Annagoo qoraal miranaynoo, meel fog kala joogna

Hadduu qalinku kaa yare mergadood, erey u meelweydo

Ama weedhu marareecatoo, murugto hawraartu

Yaa Maxamedow iyo Saciid, maqal is dhaafsiisan?

Haddeyse taladu meermeerto oo, seegto marinkeeda

Yaa macallinow sheeg i oran, meesha xagal daacdey?

Mahdi iyo walaalaha saddexan, maqal ogaalkooda

Waxa aabbahood ugu maqnaa, maanta way garane

Iyagana mitaalkiisii baa, looga meel deyiye.

Haddii uu marxuumkii god galay, Maxamed Aw Daahir

Ma uu dhiman Af-Soomaaligii, waa mugowyahay e

Dhaaxuu mardaadiga xarrago, miiqay weeraha e

Oo uu sarbeebaha maldahan, soohay midabayne

Oo uu murtida weel u tolay, sheeko maangada e

Madhaxuu ka tegey baa habboon, inaan milgaynaaye.

Ninba meel ku foogane haddii, laysu mara tuuro

Afku waa mid qudha ee haddii, hiil la wada muujo

Malkaduu ka foofaba hadduu, helo mudnaatiisa

Hawshii murkucan mayso oo, waa mudhbaxaysaaye.

Murugadu ma baajiso naftii, maalin loo qoray e

Waa lagu minqaadaa adduun, malaha sii raage

Maguur lagu negaadaase waa, meeha aakhiro e

Haddii uu marxuumkii godgalay, Maxamed Aw Daahir

Mahuraan baroordiiqdu waa, madal xusuuseede

Inuu meherad kheyr badan ku jiraan, muran ka taagnayne

Intaasoo muslina baa u furay, marag Ilaahay e

ku manayso Eebbow Jannadu, waa miduu geyo e

Eeebbow ku maamus ducada, waa mid loo qiraye.

The post Mahuraan Baroordiiqdu! appeared first on Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA.

Heesaha Casriga ah iyo Falkintooda
Heesuhu waa jaad-suugaaneed ka mid ah haltirinnada maansadu dallaamiso halbeegga magac-tusmayntooda. Waa jaad-tixeed mug iyo miisaan leh oo la majeerto dhuuxa murtidooda. Heesuhu waxay u kala baxaan laba qaybood oo kala ah: hees hiddeed iyo hees casri ah. Haddaba, qormadeennan gaaban waxaan ku eegi doonnaa heesaha casriga ah. Innagoo si gaar ah ugu faaqidi doona qaabdhismeedkooda, xeerarka gundhigga u ah halcurintooda, jaad-tixeedyada ay ka soohmi karaan iyo kuwa aanay ka samaysmi karin ikk. Marka hore aan yare iftiiminno curashadii heesaha casriga ah iyo marxaladihii ay soo mareen tisqaadkooda.

Curashadii heesaha Casriga ah

Soo ifbixii heesaha casriga ah, inkastoo taariikh sugan aan loo hayn geyigeenna goortii ay ka bilowdeen, haddana waxaan muran ka joogin sannadihii afartannaadkii inay ku beegan tahay curashadooda. Awal-bilowgoodii waxaa loo tiriyaa inuu lahaa Cabdi Sinimoo. Waxaa la weriyaa inuu Cabdi Sinimoo oo gaari uu wade ka yahay kaga jabay meel Boorame iyo Jabuuti u dhexeysa oo geerigo’an ah. Kolkii uu cillad bixin waayay gaariga, cid ku dhaantana ay wadada ku soo mari weyday ayay noqotay inuu cidlaciirsi li’idaa dhowr habeen ku negaado. Markay cidladii ka badatay si uu isu madadaaliyo ayuu laacay tenneg agtiisa yaallay oo uu faraha ku garaacay waxaa ka soo baxay cod habdhac wanaagsan leh. Markaas buu qaaday meerisyo cabasho ah oo xaaladdii uu ku sugnaa ku calaacalay, wuxuu yiri: Balwooy balwooy hooy balwooy. Waxaa i baleeyay baabuurreey. Balwooy balwooy hooy balwooy. Waxaa i beleeyey baabuureey.

Isagu way ku dhaafaysaa isma uu lahayn, waxayse noqotay hab hor leh oo islamarkiiba loo bogay. Dhallinyaradii baa inta la booday magaalooyinkii ku fidisay. Muddo gaaban kaddib balwadii waxay isu rogtay heello oo xagga miraha iyo miisaankaba balwada kala mid ah.  Heelladii baa ka sii macaanaatay balwadii oo si weyn bulshadii ay uga daba-dhacday gaar ahaan dhallinyarada oo kaba xiisa goyn weyday. Xiisahaas saa’idka ah ee ay heelladu yeelatay waxaa sabab u ahaa, waa iyadoo nasiib u yeelatay soo ifbaxeedii inay la kowsato dhallinyaro Soomaaliyeed oo reer Cadmeed ahaa oo dalka dib ugu soo noqotay gaar ahaan dhanka waqooyiga.

Dhallinyaradaas oo taqaannay sida miyuusikada loo tumo sida: kabanka, tumbugga iyo turunbada foorida ay caanka ku tahay heelladu teeriyo maantadan in lagu qaado luuqdeeda ikk.

Dhallinyaradaas ayaa si cilmiyaysan oo farshaxannimo faneed ku dheehan tahay u qaabeeyay heelladii tisqaadkeeda. Iyagoo ku heemaaliyay miyuusig kala jaad jaad ah iyo codad kala duduwanna ku laray oo soo jiidasho leh. Taas ayaana keentay in si weyn loo wada jeclaysto dhegaysigeeda. Heelladii baa tarantay oo yeelatay magacyo kala duduwan oo lagu kala aqoonsado  jaadadka ku luuqaynteeda. Heellooyinkii tisqaaday haddaan qaar ka xusno magacyadooda, waxaa ka mid ahaa:

Jowhara luula, Subcis, Raaxeeye, Ila dheel, Beerdillaacshe, Jiib, ikk. Ujeedda ahaan heelladu jacayl oo qura ayay kaga hadli jireen hal-abuurradii curin jiray. Taasina waxay sababtay in mararka qaarkood wadajirkooda loogu yeero: Qaraami ama qaraam oo afka Carabiga jacayl ku ah. Muddo gaaban kaddib heelladii waxay u xuub-siibatay heesaha casriga ah ee aynnu maanta naqaanno oo ay dhegtu u jeesho dhegaysigooda.

Jaadad-tixeedyada ay Heesaha Casriga ahi ka Soohmaan

Badanaaba haltirinnada maansada kulmiso marka gabayga iyo buraanburka laga reebo inta kale ee soo hartay sida: geeraarka, masafada, jiiftada, saarka, dhaantada, wiglada, shiribka iwm, way ka soohmi karaan heesuhu. Maadaama jaadadkan haltirineed ay beyd gaab ku tixoobaan halbeeggooda maanseed ku salayntooda heesaha waxay buuxinayaan dhammaan shuruudaha heesta looga baahan yahay codaynteeda. Balse, gabayga iyo buraanburka waxaa looga maagaa ku salayntooda heesta waa iyagoo ku maansooba tixayntooda beyddheer.

Sidaa daraadeed, way adag tahay in hees ahaan loo codeeyo meerisyadooda. Tusaale ahaan buraanburka iyo gabayga tuducyadooda oo dhaadheer ayaa caqabad keenaysa hees ka dhigidooda,

haddii la qasbana heesta ka soo baxdaa wax dhadhan iyo xiiso ah ma yeelanayso ku luuqaynteeda.

Qaabdhismeedka Heesaha loo Falkiyo.

Hal-abuurka heesaha casriga ah hababka kala duwan ee loo falkiyo qaabdhismeedkooda, labo jaad ayaan ku soo ururin karnaa oo kala ah:

Hees isku furan ah.

Hees beydadlay ah.

Heesaha isku furan.Heesaha jaadkan loo falkiyo waa la taxaa mirahooda. Heesaha isku furanka ah inta badan way ka dhaadheer yihiin kuwa beydadlayda ah. Haddaan eegno dhanka codaynta labadaa jaadee heesaha loo dhiso mirahooda, waxaa adag kuwa isku furanka ah marka loo eego heesaha beydadlayda oo iyagu ka fudud luuqsaaridooda. Heesaha isku furanka marka la codaynayo taxa mirahooda waxaa lagu kala soocaa ridmooyin kala geddisan. Tusaale ahaan 20kii meeris oo ka mid ah taxa heesta isku furanka ahi waxaa lagu codeeyaa ridmo gaar ah. Hees qura oo isku furan ah ayaa laga yaabaa in lagu codeeyo shan ridmoo kala geddisan. Taasoo xiise iyo dhadhan gaara u yeesha ku luuqaynteeda. Si aan u garanno qaabdhismeedka heesaha isku furanka ah aan tusaale u soo qaadanno heesta halkudheggeedu yahay ‘’Durdur iyo xareedeey’’oo uu curiyay AHN C/qaadir Xirsi Yamyam, uuna ku luuqeeyay Cabdalla Yuusuf Hanuuniye. Bal u fiirsada taxa meerisyadeeda qaddarka aan ka soo qaatay.

Nebi Yuusuf dabadii.

Tii dumarka quruxda leh.

Tii dumarka quruxda leh.

Hal-doorkoodii noqotaay.

Dambar iyo labeeniyo.

Dahab midabkii leeyeey.

Xuuralcayntii dunidee.

Daawashada ku timidee.

Dalka lagu manaystaay.

Hadduu diido calafkeen.

Aqal laba daryaaloo

Aan xariir ku daahiyo

Inaan dadab wadaagno.

Waqtiguna na kala diro.

Allaa deeqda bixiyee.

Anna kuuma dudayoo.

Naxariis da’weyn iyo.

Ducaan kugu sagootiyayaa

Ninka damacu raacee.

Dooqa calanka saartee.

Guur ay ka doontee.

Iga gacan danbeeyana.

Aan daraaran siiyo……. Waa socotaa…….

Heesaha Beydadlayda. Heesaha jaadkan loo falkiyo waxaa lagu saleeyaa beydad isku sargo’an mirahooda iyo kooras soo noqnoda. Tusaale ahaan heestu hadday saddex beyd ka kooban tahay iyo kooras dhextaal u ah, beyd waliba mirihiisu way ka beddelan yihiin kuwa kale, balse tiro ahaan way isla egyihiin meerisyadooda, halka kooraska mirihiisa inta badan iyagoon is beddelin uu beyd waliba oo heesta ka mid ahi ku hooro ama ku soo dhammaado.

Tirada beydadka lagu dhisayo heesta waxa ay ku xiran tahay curiyaha oo hadba ku jaangooya doonistiisa. Haddaanse soo koobno inta badan tirade beydadka lagu dhiso waxaan ku soo ururin karnaa: Laba beydlay, saddex beydlay, afar beydlay ikk. Si aan u garanno qaabdhismeedka heesaha beydadlayda aan tusaale u soo qaadanno hees saddex beydlay ah oo halkudheggeedu yahay: Rako oo uu curiyay AHN Maxamed Cali Kaariye, Hiba Nuurana ay ku luuqaysay. Bal  u fiirso beydad ku salaynteeda.

Beydka koowaad.

Sida laba rafiiqoo

Kalgacayl is raacshaa.

Raacdeeyay aniguna.

Nabad inaan ku raagnee.

Inkastoon ku rabayoon.

Kuu riyaaqay maalmahan.

Kooras.

Rafaad noqotay buurtaad.

Rakadeeda fuushay.

Adoon soo rogaalcelin.

Raartana ka soo degin.

Ra’yigayga saan qabo.

Kala raagi doonee.

Beydka labaad.

Sida ramadka geeloo.

Laga reebay ubadkii.

Ama rabadin doogloo.

Reera ay ku guureen.

Inkastoo raggoo idil.

Kaa raacay adigu.

Kooras.

Rafaad noqotay buurtaad.

Rakadeeda fuushay.

Adoon soo rogaal celin.

Raartana ka soo degin.

Ra’yigayga saanqabo.

Kala raagi doonee.

Beydka saddexaad.

Sida reer abaariyo.

Ommoskaba ku riiqdeen.

Raxantana rogaalcelis.

Hadba meel u rarayoo.

Roob loo tilmaamaan.

Kuu daba rucleeyaa

Kooras.

Rafaad noqotay buurtaad.

Rakadeeda fuushay.

Adoon soo rogaalcelin.

Raartana ka soo degin.

Ra’yigayga saanqabo.

Kala raagi doonee.

Haddaan wax yar is-dultaagno qaabdhismeedka heestaa aan tusaalaha u soo qaadannay beydad ku salaynteeda.

Marka aad u fiirsato saddexda beyd ee ay ku salaysan tahay waxaad ogaannaysaa beyd waliba inuu lix meeris ka kooban yahay. Halkaana waxaa innooga soo baxay isku sargo’naanta beydadka looga baahan yahay in aanay meerisna is dheeraan. Geesta kale, beyd waliba haddaad gaar ugu dhugmaysato waxaad kuu soo baxaya inay kala geddisan yihiin erayada uu ku soohan yahay oo beydna aan beyd ku mira ahayn.Taana waa halbeegga looga baahan yahay dhismaha beydadka heesta.

Haddaan kooraska eegno dhextaallayntiisa beydadka heesta waxaad ogaannaysaa inuu shan meeris ka kooban yahay. Mirihii koobaad ee lagu soohay oo aan is beddelin inuu beyd waliba ku soo hooro.

Halkaa marka aan joogno waxaa xusid mudan sidaan horayba u soo niri kooraska inta badan miraha lagu sooho %99 iyagoo aan is beddelin ayay ku soo noq-noqdaan beydadka heesta, sida ku cad tusaalaha kor ku xusan.

Hees waliba oo la curiyaa xog si gaar ah loogu saafay ayay tebisaa. Xogtaasi jaadkay doontaba ha noqotee bulshaduna garan ogtahay markay dhuuxdo heesta haddaanay shareernayn. Haddaan u kuurgalno qaabka macno-gudbinta heesaha beydadlayda ah, inta badan curiyuhu wuxuu beydadka u adeegsadaa goobxaarasho uu ugu soo meela marmaro ka hor inta aannu u gelin dulucda dhambaalka uu sido, si loogu dhegraariciyo oo loo dhararo waxa uu maaggan yahay tebintooda. Halka kooraska uu ku saafo nuxurka biyadhaca heestiisa.

Gabagabada qormadeenna, haddii la yiraahdo heesaha casriga ah ha la faaqido iska daa qormooyin lagu soo koobee buugaag ayaa laga qori karaa marka loo eego baaxad-weynidooda faneed.

Dhammaad

W/Q. Macallin

C/laahi Sh. Cabdi (Gacanka)

The post Heesaha Casriga ah iyo Falkintooda appeared first on Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga AGA.