“In Qofka soomaaliga ah lagu ilaasho seeraha danaha qaranka waa qorshe dowladeed oo mudan in; dhinacyada laga istaago, laga ilaaho col kasta,dhacanna looga teedo dhowr iyo qoomaalba ” .
Muunayn iyo bogaadin ka dib, waxa aan doonayaa inaan huwiyo duco iyo ammaan Mudane Dr.Maxamed Daahir Afrax (AHN) oo ahaa tiriig iyo oog iftiin badnaa, webi iyo durdur laga cabbi jirey,geed harac leh oo laga harsan jirey dhalcada iyo milicda jahliga.
Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay maanta oo ah 29/12/2022 munaasabaddan lagu daahfurayey Dhimaha Cusub ee Xarunta Dhexe Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa yidhi. (Afkeennu haddii uu lumo waan salguureynaa, mana sii jiri doonno).Tani waxa ay tilmaan iyo hiil u tahay bedqabka danaha qaranka soomaaliyeed.
Haa, waa bubaal in afku yahay baadi-soocda ummadi leedahay oo ay kaga badbaado in ay noqoto mid qaafil ah.Waa kan Bare sare, Abwaan, Macallin Saciid Saalax Sugulle oo bidhaaminaya ubucda iyo dhuuxa afka hooyo (Afku wuxuu astaan u yahay oo uu sidaa dhaqankii ummadda !).
Milgo iyo karaamo waxa ugu filan Akademiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) inuu ardaageeda fadhiyo Buuni Prof, Cabdalla Cumar Mansuur, oo ah xeeldheere culuumta afka Soomaaliga iyo luuqadaha Kushitigga. Sidoo kalena ah (Canqariye bulsho, ababshe dhallaan) Kolna waaba (Abxdda Afka Soomaaliga).
Sidaa owgeed Jaalle, afku waa qalabka lagu fekero, marna waa dhowraha: dhaqanka, hiddaha, sooyaalka iyo diinta Islaamka. Ummad kasta waxa ay leedahay baadi-sooc iyo summad u gaar ah; si kastaba ha noqotee, Soomaalidu waxa ay leedahay sooyaal ku dhidban: halgan, hoggaan, hiraal iyo sahan kuqotoma aragt icuddoon.
Tuhun kuma jiro in quruxda iyo bilicda bulsho ama deegaaneed, lagu keydiyo afka. Af-Soomaaligu waa af “luuqad” facweyn oo leh xeerar sugan, dalayn farshaxan, suugaan irmaan, murti mujarrab ah, maahmaah waayeel, tix iyotiraab. Marka uu afku, ka badbaado dhalan-rogga iyo dhimaalka, uuna helo bedqab afeed (Language security) (الأمن اللغوي ) waxa badbaadaya kasmada iyo kasiista qofka (Intellectual security) (الأمن الفكري ). Sidaas darteed, haddii la halo bedqab afeed iyo mid fikirba, waxaa la helikaraa bedqab Qaran (National Security) (الأمن القومي).
Qoraagii weynaa Aw-jaamac Cumar Ciise (AHN) ayaa yidhi mar uu ka hadlayey qiimaha iyo duxda uu afka soomaaligu leeyahay (Af-soomaaligu waa af ballaaran erayadiisuna badan yihiin , dhan loo eegoba waa af hodan ah Hadal iyo Howraar , Maanso iyo Maahmmaah, Gabay iyo Geeraar, Masafo iyo Madadaalo, Hees iyo Heello,Sheeko iyo Sharaarixin , Qorriin iyo Qun –u hadal , gees loo raacoba waa af tanaad ah ).
Qiimaha iyo duxda afku u leeyahay bedqabka danaha qaranka soomaaliyeed waa mid mudan in wax uun laga tilmaamo,waxana ka mid ah ricirradan soo socda.
-
Afku waa summadda iyo astaanta ummaad lagu garto, lagu aqoonsado, lagu baadi-sooco iyo tilmaanta bulsho lagaga saaro bulsho kale.
-
Ummad kasta, oo ku nool adduunka dushiisa waxa ay leedahay luuqad u gaar ah, taa soo muujisa horumarkeeda, wax-soo saarkeeda, aqoonteeda, ilbax-nimadeeda iyo kaalinta ay kaga jirto halganka nolosha.
-
Afkeennu waa midka muujinaya qiimaheenna nololeed iyo hoggaankeena maamul.Waana midka muujinaya inta ay leeg tahay tabarteenna garasho iyo qotadeeda.Marna waa midka tilmaamaya cidda aad tahay iyo haybtaada ahaansho.
-
Ujeedku waa inaan oggaanno meesha aan ka liiceyno, ka liidanno, u dhimaneyno, u dhutineyno iyo dabarka inna ku xidhan oo aan iska goyn kariweyn.
-
Qof kasta oo soomaali ah waxa ka saaran afkiisa waajib lagu ladhay garasho, gudasho iyo tixgelin buuxda. Sidoo kale, afku ma qabyaa? Mise Aqoonta ayaa qabyo ah? Waa hubaal in garashadaa qofku tahay qabyo u baahan dheehid iyo kobcin, taasuna ay sababeyso in maalinba maalinka ka dameeya lagu dhowaanayo kadimada aqoonta iyo darka cilmiga.Waxa mudan inaan dhexda u xidhano Afkeenna hooyo oo aan ku samaynno:- ” kobcin iyo xoojin mugleh wax kasta oo idil xidhiidhna la leh Farta iyo Cilmi-afeedka ku gadaaman “.
Afku waxa uu dhowrahaa hiddaha iyo xididka Ummadda Soomaaliyeed.Marna waa hogor(weel) lagu keydiyo dhaqanka, sooyaalka, caadooyinka. Kolna waa dallad weyn oo lagu ururin karo,sinjiga, isirka, asuulka, dirka , walcanka,f irka {Dhalasho}, raad-raaca, degelbaarka, suugaanta, anshaxa, akhlaaqda, Aasaarta {raadadka} caadooyinka, abka-soo gaarka {ablooga-har} (التليد), agabka dhismaha iyo farsamo (الصناعة والعمران), haybta, sumadda,sowraca, fanka ( الفن), muyuusigga , ciyaaraha farddafuulka , Sacabka , shaxda,tamaanka, legdinta, baratanka, dabaasha, shiishka (dhugtanka), guurka, garsoorka, xeer-dhaqameedka , Abuurka (dabeecadda) {deegaanka, dabaylaha ,roobka , cilmi-felegga(العلوم الفلكية), heshiisyada (الوثائق) ,farguriga (المخطوطات).
Soomaalidu, waxa ay leedaha hidda-dhaqameed muuqda iyo hidda-dhaqameed aan muuqan, labadaasoo ku unkan foolaadnimo iyo farshaxan qurux badan. Quruxda uu leeyahayna, waxa muujiya, ilaasha, xardha, kana fogeeya caanyeynta waa Afka Soomaaliga.
-
Hidda-dhaqameedka Muuqdaa. Ricirkani waa mid koobaya raadadka iyo dhismayaasha xiriirka la leh diintta( علم الأديان) iyo culuunta sooyaalka (علم التاريخ) Inta badanna,oo ah mid ablaga-soogaara sida : dhismayaasha, sancadda iyo farsamada , huga (rharka), masaajidda, xabaalaha (qabuuraha) taalooyinka, qalcadaha, madxaf-dhuleedka, heshiisyada (الوثائق) fargurida (المخطوطات), shako-dhaqameedka (الفلكلور الشعبي) filimada iyo riwaayadaha (المسرح والسينما)
-
Hidda-dhaqameedka aan muuqan. Giraanta iyo ricirka laga dheegan karo hidda-dhaqameedkan aan la taaban karin waa tiir weyn oo ka mid ah badi-soocda aan leennahay. Afkuna waa keydiyaha, dhaxalsiiyaha faca soo koraya iyo jiilasha iman doona. Waxana ka mid ah: Sheeko xariirta laysugu weriyo afka , fanka gudbinta , xirfadaha (الحرف والمهارات) layskaga daydo , garsoor، diinta , caadaadka (العادات), Aanayaasha (الطقوسات) oo ah -khayraysiga iyo sharaysiga – ama Rooxaan-nafeedda, kuraysiga “Taraar”, baasaysiga la xiriira cimilada , bahalaha iyo dadkaba.Waxa kale , oo ka mid ah nabsiga, ducada(durraanta), habaarka, yaradka, kaalada, amaanta la siiyo Boqorrada, Salaadiinta, Ugaasyadan iyo Malaakhyada.